Saturday, April 1, 2023
Home Caalamka Dhulgariirkii Ugu Khasaaraha Badnaa Dunida oo Ku Dhuftay Dalalka Turkiya iyo Suuriya

Dhulgariirkii Ugu Khasaaraha Badnaa Dunida oo Ku Dhuftay Dalalka Turkiya iyo Suuriya

Jamhuriyadda

Kooxaha gurmadka masiibooyinka ayaa ilaa hadda ku hawlan samatabixinta dad ku xanniban dhismooyin ku dumay dhulgariir maalintii Isniinta February 6, 2023 ku dhuftay koonfurta-bari ee Turkiga iyo woqooyiga Suuriya. 

Ninna ma oga tirada saxda ah oo ku xanniban 24,921 dhismooyin wada dumay hoostood. Haseyeeshee, tirada dhimashada Turkiga ayaa maalintii Axadda kor u dhaaftay 33 kun ruux, waana tii ugu xumayd ee ka dhacdo tan iyo 1939.

Waxaa laga yaabaa in tirada dhimashada dhabta ah aan weligeed la ogaan. Waxaa sii yaraanaysa rajada laga qabo in dad badan lagu gaaro nolol jawiga qabawga ah awgeed.

Khubarada gurmadka ayaa sheegaya in dadka ku xanniban dhismooyinka ay noolaan karaa ilaa toddobaad iyo wax ka badan, haseyeeshee, fursadda samatabixinta aad ayay u rajo yar tahay waddooyinka oo go’an, cimilada oo xun, iyo qalab la’aan awgeed.

Taa waxaa wehliya, in Suuriya oo dagaallo ragaadiyeen aan ilaa hadda gurmad caalami ah uusan gaarin marka laga reebo kan yar ee Talyaaniga, halka Turkiga oo awood weyn u leh inuu wax ka qabato masiibadda ku habsatay dunida oo dhan – Bari iyo Galbeedba, u wada gurmatay.

Masiibada oo xuddunteedu ahayd meel ku dhow deegaanka Gaziantep ee xuduuda Turkiga iyo Suuriya ayaa labadii dhulgariir ee is-xigay lagu qiyaasay halbeeg ah 7.8, iyo 7.5. Mawjadaha naxdinta lahaa ee laga dareemay dalalka Cyprus iyo Lebanon (Lubnaan), waxay jiljileen (gilgileen) ilaa10 gobol oo ay ku nool yihiin 13 malyan qof.  

Si kastaba ha ahaate, dhulgariirka waxaa ka dhashay su’aalo la xiriira qorshaha dowladda Turkiga ee ka jawaabidda masiibooyinka. Isbahaysiga siyaasiyiinta mucaaradka ayaa fagaare la soo istaagay in dalka uusan si fiican ugu diyaar garoobin masiibada, iyagoo ku eedaynayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan gurmadka raagay. 

Turkiga ayaa ka mid ah waddamada uu dhulgariirka ku soo noqnoqda, waana adag tahay in dawlad keligeed ay maareyso. Haseyeeshee, dawladda ayaa sanadkii 1999 soo rogtay canshuur lagu maareeyo musiibooyinka kaddib markii dhulgariir baaxad weyn uu ku dhuftay meel u dhow magaalada Izmit ee waqooyi-galbeedka Turkiga, ilaa 18 kun ruuxna ku hoobteen.

Sidoo kale, waxay su’aalo ka taagan yihiin, sidee dhismooyinka intaas la eg aan loogu talaggalin inay u adkeystaan gariirrada noocaan ah, maxayse dowladdu ugu soo rogi weyday xeerar nidaamiya?

Su’aalahaan iyo kuwo kaleba ayaa la filayaa inay door weyn ka ciyaari doonaan doorashada May 15, 2023. Waxaase caddaatay in durbaanka eedaha ay dabada ka wadaan dalalka reer Galbeedka.

Maalintii Jimcihii, Erdogan waxuu qirtay in hawlgallada gurmadka iyo samatabixinta sidaan dhaami kareen. Turkey oo leh ANTISISMIC law, ayaa Waaxaha Baarista Dambiyada Dhulgariirka baaris buuxda ku furay ilaa 131 qandaraaslayaal iyo mas’uuliyiin kale oo lug ku lahaa 24,921 dhismooyin u adkaysan waayay geriirka.

Erdogan waxuu ballanqaaday in muddo sanad ah dib loo dhisi doono daarihii burburay, haseyeeshee dalka oo leh hay’ado samafal oo maxalli ah ayaan ka maarmin hiil iyo hoo-da dunida Muslimka, gaar ahaan Soomaaliya oo uu hore abaal u gastay.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments