Jamhuriyadda
Gudaha Laas Caanood oo February 6, 2023 ka qarax dagaal laga fursan karay oo u dhaxaya dadka deegaanka iyo maamulka Somaliland ayaa keenay dhibaatooyin bini’aadantinimo, bulsho, iyo dhaqaaleba. Lama oga khasaaraha dhabta ah, waxaase isa soo taraya tirada dadka ka barakacaya bariga iyo galbeedka Somaliland.
Sida ay tabinayaan hay’adaha samafalka waxaa Laas caanood ka barakacay ilaa 120 kun, halka ardaydii ka soo jeedday gobollada bariga Somaliland ee dhiganayey jaamacadaha Boorama magangelyo bideen Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobbiya.
Taliska Muuse Biixi uma muuqan riiq-baxa (dhiig-baxa) dhaqaale ay sababayso colaadda aan laga fiirasan. Duqowda (Maayaradda) magaalooyinka Boorama, Hargeysa, iyo Berbera ayaa damanaqaad amni u fidiyay dadka qaxaya. Balse, dadka oo maanka ku haya in reer Laas Caanood hortooda lagula baxay maatidii Koonfur Galbeed ayeysan ka daadagin baaqa.
Xabad uun ku xalinta khilaafka siyaasadeed ee loogu marmarsiyoonayo badbaadinta qadiyadda [goni isu taaga] Somaliland waxay muujinaysaa in siyaasadda cabburinta aan meelna lagu gaari karin. Qayladhaanta reer “Laas Caanood” waxuu nuxurkeedu ahaa in loo dhega nuglaado.
Michael Rubin oo u ololeya gooni isu taaga Somaliland ayaa ku eedayey diblomaasiyiinta Mareykanka ee fadhiya Muqdisha inaysan fahmi karin hurinta Shiinaha colaadda Somaliland.
Mareykanka ayaa February 9dii ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo madaafiicda lala dhacayo dadweynaha ka gadooday dilal lagu beegsanayay haldoorka degaanka. Markii Washington dheg jalaq loo siinwaayay ayay joojisay cidamadii dhoolatuska ka dhigi lahaa Berbera, taasoo nacfi iyo sumcad caalamiba dhaafisay Somaliland.
Qoraaga oo aan soo bandhigin wax caddaynaya in Shiinuhu uu ku lug leeyahay colaadda, qaadan la’na in kacdoonka “buluugga” uu go’aamin doono masiirka ummada Soomaaliyeed oo idil ayaa iskugu dayay maqaal uu ku daabacay February 11, 2023 “The American Enterprise Institute – AEI” inuu arrinka u rogo mid siyaasad qabaa’il ay door ku leedahay.
Wasiirka Gaasaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye oo riman mala-awaalkii Michael Rubin ayaa laba maalmood kaddib (February 13, 2023) ku shaaciyay bartiisa Facebook “in qaar ka mid ah ciidamadii uu Farmaajo u diray tababarada [Eritrea iyo Turkiga] ay ka dagaalamayaan Laascaanood.”
Maamulka Somaliland iyo shisheeyaha u ololeeya ayaa raba inay dunida ka dhaadhiciyaan in Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo aan hayn hoggaanka dalka uu reer Laas Caanood ku taageeray hubkii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay siiyeen Mareykanka iyo Turkiga si “kacdoonka buluuga” looga dhigo mid aan ku imaan rabitaanka shacabka.
Michael Rubin oo uu maqaalka la soo diyaariyay qof sheegtay inuu ku dhashay Laas Caanood ayaa fahmin waaqica ka dhashay fashilkii dagaalkii Tigrayga ee reer galbeedku ku burburin lahaayeen maamulka Abiy Axmed. Soomaaliya iyo Itoobbiya midkoodna dani ugu ma jirto in la kala qaybiyo dhulkooda. Mareykanka iyo Yurub laftooda ayaan ku ribixin ololayntii goni isu taagii Eritrea iyo Koonfurta Sudan.
Si kastaba ha ahaatee, taliska Somaliland oo malaha ka hortagaya nabad raadinta Boqor Cisman Maxamed Buurmadow ee maamulka Muuse Biixi ka madaxbannaan ayaa markii ugu horraysay sheegay inuu Laas Caanood u diri doono madax-dhaqmeed.
Lama oga in Muuse Biixi ku qanci doono wixii ay ergadu u soo qaado. Balse, dagaalka oo daba dheeraada ayaa laga yaabaa inuu sababo dadka oo sii kala irdhowa, taasoo sahli karta in colaaddu isku rogto mid qabiil. Su’aal waxay ka taagan tahay, dadka Somaliland ma ku dhici doonaan inay runta u sheegaan Muuse Biixi, mise sidii Siyaad Barre ayuu hog kala dhici doonaa.
Waxaan shaki ku jirin, in siyaasadda wareersan ee Somaliland ay dadka Soomaaliya dib ugu celin doonto colaaddii sokeeye, kala miirankii qabaa’ilka iyo in qof walba maxbuus ku noqdo goobta ay beeshiisa degto.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.