Thursday, September 28, 2023
Home Gudaha Laas Caanood – Khilaafka Siyaasadeed Xabad uun Ma Ku Xalismaa?

Laas Caanood – Khilaafka Siyaasadeed Xabad uun Ma Ku Xalismaa?

Jamhuriyadda

Dagaalka Laas Caanood oo galay toddobaadkii saddexaad ee xiriira ayaa dhimashadu tahay 150 ruux, halka dhaawucu kor u dhaafay 600 qof. Sida ay soo tabisay hay’adda Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah barakacu waxuu kor u dhaafay 185 kun oo maati u badan.

Fikradda burburinta aan loo aabayeelin ee Laas Caanood ilaa argaggixisada laga sifeeyo waxaa Muuse Biixi ku garab taagan koox uu horseed u yahay Nuux Ismaaciil Taani, waxaase ku boorinayo inuu gaarsiiyo Sool heer ay gacmaha taagto amase dhulka la simo koox ay ka mid yihiin Saleebaan Maxamuud Aadan Gaal, iyo Marwa Edna Aadan Ismaaciil.

Markus Hoehne oo cilmibaare bulsho ka ah jaamacadda “Leipzig” ee Jarmalka ayaa rumaysan in Somaliland u baahan tahay dhulka [Sool, Sanag iyo Ceyn] keliya si ay u xaqiijiso dowladnimadeeda ku dhisan xuduuddii gumaysiga. Taliska Muuse Biixe in taasi tahay hadafkoodu waxaa muujinaya labakacleenta dagaalka.

Garaadyada oo dhinc ka xeyrinaya dhaqan wanaagga beelaha wada-dega Somaliland dhinaca kalena iska caabin kula dabaaqaya taliska dabargoynaya ayaa badbaadiyay ciidamo isu dhiibay oo dagaalka ka aalay, iyo kuwa ku go’doomay gobollada Sool iyo Sanaag.

Taariikhda halganka Soomaalida kuma badna beel jiritaankeeda u hurtay qadiyadda Soomaaliyeed.  Malahaa waa arrin ugub ahoo xigta lahaan doonto. Waayaha ayaana caddayn doona.

Beel oodwadaag la ah dadweynaha gardarada lagu maagay ayaa ku dhawaaqday inaysan ka qaybgeli doonin ergo Muuse Biixi uu sulux-beeneed u xulay, iyagoo u dulqaadan la’ ku xadgudubyada xeerarka ka dhaxeyey beelaha wada-dega waqooyiga Soomaaliya. Waxay kula taliyeen inuu ciidamadiisa kala baxo aaggaas xabbad-joojin dhab ahna iclaamiyo misna fuliyo.

Go’aanka ugubka ku ah awood ku dirirka siyaasadda Soomaalida ayaa gebi ahaanba beddelay waxa iman doona. Waxaa meesha ka baxay baqdintii ahayd in colaadda isku rogto mid qabiileed Soomaaliyana markale ku ruqdo dagaal sokeeye.

Taliska Muuse Biixi waxuu fashilmay markii uu ka weecday inuu qalalaasaha siyaasadeed xal uga doono hay’addaha dastuuriga ah “guurtiga iyo baarlamaanka” ee Somaliland.

Sideedaba, haddii muddada “kacdoonka dadweynuhu” uu dheeraado waxaa alaaba kala daataan xoogga taabacsan nidaamka siyaasadeed. Mucaaradka ayaa ku dhiiraday inay ku dhawaaqaan “inuu Muuse Biixi iscasilo”, halka Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi uu sheegay in dagaalku u dhexeeyo dawlad iyo qayb ka mid ah dadkeeda.

Waxaase la yaab leh in Dawladda Federaaliga aysan far la tilmaami karo dhaqaajin oo aan ka ahayn war murtiyeedkii bishimaha dushooda ahaa misna waqtigiisi ka dib maray, halka laga filayay in arrinka Laas Caanood uu  noqdo hawl  mudnaanta kowaad leh, haddi ay tahay gurmad bani’aadamnimo, cadaadis xooggan ee diblomaasiyadeed oo aan kala go’ lahayn iyo kol ay ku tahay digniin toos ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay xaq u leedahay inay xitaa tallaabo ka qaaddo. Waxayse ku amaanan tahay inay maadaafiic iyo hoobiyayaal lagu beegsanayo magaalada kaga hadasho Golaha Amniga Qaramada Midoobay kuna eedayso inay tahay “dambi ka dhan ah bini’aadantinimada”.

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay ku sugan tahay waxaa u taal inay cadaadis saarto Xukuumadda, Baarlamaanka, iyo siyaasiyiinta hawshooda gabay si loo joojiyo dhiigga, gurmad deg deg ahna loo gaarsiiyo shacabka barakacay.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments