Jamhuriyadda
Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo February 22, 2023 markii ugu horreysay taariikhda ansixiyeen hindiso sharciyeed lagu sharciyaynayay jiritaankeeda hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka NISA ayay walaac ka muujisay Hay’adda Xuquuqda Bini’aadanka (Human Rights Watch).
Awoodda aan kormeerka lahayn ayaa laga yaabaa in loo isticmaali karo caburinta mucaaradka siyaasadda iyo warbaahinta madaxabannaan. Human Rights Watch waxay ugu baaqday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuusan saxiixin hindise sharciyeedka ilaa dib u eegis lagu sameeyo.
Ma qeexayo dembiyada hay’adda NISA ay awood u yeelan doonto. Dad badan ayaa ku doodaya in halkii ay ka gudan lahayn waajibaadkeeda ilaalinta khatarta argagixisada iyo sirdoonka shisheeyaha ay ku hawlanaan doonto sidii loo aamusin lahaa mucaaradnimada iyo dhaleecaynta siyaasadda.
Tan iyo markii la unkay hay’addu waxay ku shaqeynaysay sharcidarro u fududaysay xadgudubyo aan xuduud lahayn. Dalka ma laha nidaamka garsoorka oo madaxbanaan mana muuqdaan maxkamado awood u leh inay hay’adaha fulinta sharciyada (Boliiska, NISA iwm.) ku qasbaan inay si buuxda u dhowrto xuquuqda aadanaha.
NISA waxaa beddeshay January 2013 National Security Service – NSS oo u 1970kii Golihii Sare ee Kacaanka ku dhisay wareegto kaddib markii laysku daray waaxdii boliiska “special branch” iyo sirdoonkii ciidan Xoogga Dalka, mana yeelan weligeedba awood madaxbanaan oo kormeerta.
Dhaqanka xarigga qarsoodiga ah amase sabab aan lahayn ma dhowro xuquuqda aadanaha. Waxuu eedaysanuhu xirnaadaa muddo dheer, iyadoo aan wax dambi ah lagu oogin. Sidoo kale, waxaa maxaabiista la hayaa iyagoo aan xaq loo siinin latalin sharci iyo booqashooyinka qoyska toona.
Ma aha sir aan la ogeyn in weriyeyaasha dhaliila dowladda iyo xubnaha bulshada rayidka ah loo hanjabo amaseba mutaystaan xarig sharcidarro ah iyo jirdil, iyadoo weliba albaabada la isku dhufto warbaahinada ay ka tirsan yihiin.
Maamulkii Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dib u dhis muhiim ah ku sameeyay hay’adda kaddib markii uu kala soocay sirdoonka iyo cutubyada falcelinta degdega ah (gaashan iyo waran) ee ka hortagga argagixisada, haddana hay’adda lagama hirgelin habab lagula xisaabtami karo xadgudubyada ay ku kacaan saraakiisheeda.
Si loo soo afjarka isla xisaabtan la’aanta waxay u baahan tahay in ka badan qodobada baarlamaanka ansixiyay, haseyeeshee tillaabada sharci ku soo celinta hay’adda waxay lafteedu tahay horumar looga baahnaa nidaamka hubinta iyo isu-dheelitirka awooddaha (sharcidejinta, fulinta, iyo garsoorka) si loo yareeyo khatarta ku takri falka awoodda.
Dalka oo aan ka ilduufayn tayanta sirdoon awood u leh inuu ka hortago qorshaha shisheeyaha iyo khatarta argagixisada, haddana waa in aan la illoobin in loo sameeyo NISA kormeer la xisaabtami kara, si aan loo wiiqin xorriyadda shakhsiga iyo naqdiya nidaamka siyaasadda loona dhowro sareynta sharciga iyo hufnaanta hay’adaha qaranka.
Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.