Thursday, September 28, 2023
Home Diblomaasiyadda Waa Maxay Ujeeddada Daahsoon ee Kulanka Washington?

Waa Maxay Ujeeddada Daahsoon ee Kulanka Washington?

Jamhuriyadda

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo la warramay warbaahinta ayaa sheegay inuu dhawaan Washington uga qeyb-galay shir looga dooday sida ugu habboon oo Soomaaliya looga taageeri karo la dagaallanka argaggixisada, dowlad-dhiska, horumarinta, gargaarka bani’aadannimo iyo u diyaargarowga dhimista hawlgalka ATMIS.

Mareykanka oo kordhiyay kaalmada ciidan uu siiyo Soomaaliya ayaa, war-murtiyeed si wadajir ah u soo wada saareen dalal hormuud ka ah dhibudhiska Soomaaliya, ku sheegay in ujeeddadu ahayd sidii layskugu dubbaridi lahaa taageerada la dagaallanka argaggixisada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud oo kaashanaysa kacdoonka shacbiga Hiiraan ayaa ku guulaystay dagaal dhan walba leh oo lagu qaaday khawaarijta gummaada dadka aan waxba galabsan. Jasmine Opperman oo ku takhasusay xagjirnimada ayaa sheegtay in Al-Shabaab laga saaray 80% gobollada dhexe ee Soomaaliya (Hirshabeelle iyo Galmudug).

Washington oo ka walaacsan colaadda ka curatay Somaliland inay isku rogto fidno, ayaa malaha wadatashi ka dhacay London isku helay dalalka Britain (UK), Imaaraadka, Qatar, iyo Turkey, oo ku kala aragti duwan arrimaha Soomaaliya, balse saamayn ku kala leh Waqooyiga iyo Koonfurtaba. Soomaaliya ayaa ah waddan aad muhiim ugu ah quwadaha caalamka goobta ay ku taal iyo kaydka kheyraadka dabiiciga ah ay leedahay.

Ma aha markii ugu horreysay ee layskugu yimaado ka arrinsiga arrimaha Soomaaliya. Gugii 2021, ayaa shir lagu qabtay Xijaas oo ay ka qaybgaleen dalalka Sacuudiga, Qadar, iyo Turkiga looga arrinsaday axwaasha Soomaaliya uusan najixin. Hindisihii niyad wadaaga waxaa fashiliyay khilaafkii Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble oo dowladda Imaaraadka si uun ugu daabnayd.

Soomaaliya oo dib uga soo kabsanaysa tobaneeyo sano oo colaad sokeeye ah ayaa boorkii “dowlad fashilantay” iskaaga jafaysa si ay u hesho maalgashi toos ah. Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir afar-geesood ah isugu yeeray Madaxweynaha Jabuuti, Kenya, iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobbiya, ayaa ku guulaystay inuu dunida tuso deris wanaag jecaylkiisa. 

Si kastaba ha ahaate, kulanka Washington ayaa isku waafaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya laga taakuleyo habsimi u maareynta risaasta, saanada, iyo hubka si Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uu uga qaado cunaqabataynta hubka.

Madasha oo uu La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya xagga Amniga Xuseen Macalin ku tilmaamay “mid mira dhal ah,” ayaa ahayd mid ugub ah. Shirka Dooxa aan la hubin in Sacuudiga ka soo qaybgali doono waxuu caddayn doonaa in lagu heshiiyay Soomaaliya iyo in kale. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments