Saturday, April 1, 2023
Home Caalamka Toban Bilood Kaddib – Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Ku tagay Qadar...

Toban Bilood Kaddib – Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Ku tagay Qadar Markii Ugu Horreysay

Jamhuriyadda

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo aan booqannin dalka Qadar tan iyo dib u doorashadiisii, ayaa toban bilood kaddib March 4, 2023, u tegay Dooxa shirka Qaramada Midoobay (QM) ee Dalalka Soo Koraya. Shirka oo dhacaya inta u dhaxaysa March 5da ilaa 9da ayaa halkudhiggiisu yahay “Ka faa’iidaysiga kheyraadka la haysto si loo gaaro barwaaqo”.

Ilaa iyo 46 waddan oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa la halgamayaa sidii xal waara loogu heli lahaa faqriga, iyadoo saamaynta isbeddalka cimilada, abaarta iyo cunto yaridaba, ay uga sii darayaan caqabadihii horay u jiray. 

Balse, war waxuu ka taagan yahay: Maxay dalal kayd kheyraad dabiici ah leh u yihiin sabool haddii aysan reer galbeedka qaarkood u haysan kayd istraatiiji “reserve for strategic materials”?

Kontonkii sano ee la soo dhaafay ilaa 6 waddan keliya ayaa ka baxsaday saboolnimada quruumaha qaarkood ay u arkaan ceeb (stigma). Dalalka saboolka ah waxay ka siman yihiin dulsaarka-deynta bankiyada caalamka ku soo rogeen ka sokow, xasillooni la’aan ka dhalatay ku dhaqan la’aanta sharciga, dimuqraaddiyada iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.

Madasha oo tobankii sanadoodba mar looga doodo sidii loo dardargelin lahaa “horumarka waara” ee dalalka saboolka ah ayay sanadkaan si cad uga maqan yihiin hoggaamiyeyaasha dalalka warshadaha ku hormaray, inkastoo dalalka Afrika iyo Aasiya u qalmaan maalgelin iyo horumarin wax ku ool ah.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dooxa waxuu kor u qaaday rajada laga qabo in iskaashiga labada dal oo tan iyo dib u doorashadiisii madmadow taxddar leh hareeyay uu dib ugu soo laaban karo waddadii saxda ahayd.

Maamulka Xasan Sheekh waxuu isku dayay inuu beddelo muuqaalka siyaasadda dibedda. Waxuu dardargeliyay dib u hagaajinta xiriirkii xumaaday xilhayntii Maxamed Cabdullahi Farmaajo, si loo soo afjaro cadaawaddii [Imaaraadka] iyo xifaaltankii [Kenya] foosha xumaa ee danta qaranku ku jirin. Waxaase la saluugay in maamulka ka mashquulay xoojinta xiriirka xulafada ay ka midka tahay Qadar.

Dayrtii dhaweed ayaa Dowladda Qadar ku baraarugta cillad diblomaasiyadeed oo malahaa ku soo shaac baxday isbeddelkii hoggaanka Soomaaliya. Waxay xilka ka qaaday Danjire Xasan Xamza Asad Hashem oo hayay tan iyo Abril 21, 2018, safaaradda u fadhida Soomaaliya. Danjiruhu waxuu si lixaad leh ugu milmay siyaasadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee uu Fahad Yaasiin garwadeenka u ahaa.

Danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Dooxa Cabdirisaaq Faarax Cali Taano oo maalmo uun kaddib kulankii Washington ee Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) iyo Ergayga Gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qadar Dr. Mutlaq bin Majed Al Qahtani looga yeeray Muqdisho, ayaa malaha suurtagal ka dhigi kara dib u hagaajinta diblomaasiyadda cakirntay.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Five Tips for Cardiovascular Patients Fasting During Ramadan

By Daily Sabah Those who suffer from cardiovascular diseases can fast during Ramadan with the approval of their...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March...

Xagee Soomaaliya Loo Wadaa – Dimuqraadiyad Xisbiyo Siyaasadeed Lahayn

Jamhuriyadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay March 8, 2023, munaasabadda saxiixa sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,...

Recent Comments