Thursday, September 28, 2023
Home Caalamka Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u...

Diblomaasiyaddii Sanadka – Riyadh iyo Tehran oo Si Lama Filaan ah u Heshiiyay Toddoba Sanadood Kaddib

Jamhuriyadda

Wadahadallo aan loo kala kicin shan maalmood kaddib, ayay Boqortooyada Sacuudiga iyo Iran ku dhawaaqay Jimcihii March 1o, 2023, in dib loo soo celinayo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal. Heshiiska oo uu si qarsoodi ah u dhexdhexaadiyay dalka Shiinaha ayaa qaboojin doono colaad goboleeddii dhex tiil dalalka saliidda qaniga ku ah.

Warmurtiyeed saddex-geesood ah ayaa lagu sheegay in Riyadh iyo Tehran ku heshiiyeen in dal walba dalka kale ixtiraamayo madaxbanaanidiisa qarannimo soona faragelin doonin arrimahiisa gudaha. Ku dhawaqista dadaal nabadeedka markale labada dal isku dhaafsan doonaan safiirada muddo laba bilood ah gudahood ayuu Mareykanku si taxadar leh u eegaya haddii Iran oofin doonto ballanteeda.

Waxaa si weyn loo filayaa in heshiisku dejin doono dagaalka sokeeye ee ka taagan Iraq, Lubnaan, iyo Suriya, gaar ahaan Yaman oo loo arko in Boqortooyada Sacuudiga iyo Iranba si qoto dheer ugu lug leeyihiin.

Balse, afgambiga diblomaasiyadeed oo sii kordhinaya muhiimada Shiinaha ee Bariga Dhexe ayay kuwa taageera aragtida “neoliberalism”-ka ku haaraamayaan Washington oo aan odorosin saamaynta uu ku yeelan karo dhaqaalaha iyo siyaasadda caalamka sida degdegta ah isku beddelaya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo soo dhaweeyay nabadeenta gobolka lagu yaqaan qalalaasaha, rumaysana in xiriir derisnimo oo wanaagsan uu udub dhexaad u yahay xasilloonida Khaliijka Carbeed ayaa sheegay inuu diyaar u yahay sii horumarinta wadahadallada qaabayn doona xiriirka gobolka.

Heshiiska oo ah isbeddelkii ugu yaabka badan ee diblomaasiyadda sanadka ayaa niyad jab ku riday Ra’iisulwasaaraha Israa’iil oo filayay in Sacuudiga uu qayb ka yahay xulafadiisa gobolka.  Sidoo kale, guusha diblomaasiyadeed waxay dhabar jab ku tahay ololihii isbahaysiga “reer Ibraahim” ee Imaaraadka waxayna beenisay in Riyadh ay si gaar ah u xiisaynaysay go’doominta Tehran.

Heshiiska waxaa ka mid ah in dib loo eego asbaabihii kiciyay khilaafaadka iyo sida ugu haboon ee loo xalin karaan, si loo hawlgeliyo heshiiskii iskaashiga aminga, dhaqaalaha, iyo maalgashiga. Riyadh ayaa 2016kii xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Tehran kaddib markii dibadbaxeyaal ka careysnaa dilkii wadaadkii Nimr al-Nimr ay weerar ku qaadeen ergadii u fadhiday Iran.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa laga yaabaa in dadaalka Shiinaha oo dardargelin doono hoos u dhaca kalsooni darrada qoto dheereed ee dalalka gobolka inuu sumcad tiro dalka Qadar oo in muddo ah loo arkayay gorgortamaha caalamiga ah ee xiisadaha gobolka. Muddo seddax sanadood ah ayey dalalka Iraq, iyo Cuman wadeen dadaallo goos goos oo hordhac u ahaa dejinta xiisadda labada dal, balse ma miro dhalin.

Waxaa si weyn loo rumaysan yahay in dadaalka Beijing uu suuraggeliyay garwaaqsiga Riyaad in xilligii dammaanad qaadka amniga tamarta Bariga Dhexe ee Mareykanka uu si tartiib tartiib ah usoo gabagaboobayo. Balse waxuu war ka taagan yahay, sidee dadaal nabadeed oo uu Mareykanka wax door ah ku lahayn noqon doonnaa.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments