Thursday, April 25, 2024
Home Gudaha Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo...

Laas Caanood – Caalamka Ma ka Hortagi Doonaa in Soomaaliya Ka dhacdo Xasuuq?

Jamhuriyadda

Xiisadda ka aloosan gobolka Sool ayaa u muuqata mid maalinba maalinta ka dambaysa ka sii dheeraanaysa soo afjaris waqti dhow, marka ay fashilintay dhexdhexaadintii Itoobbiya.

Haddaba su’aasha taagan ayaa ah, waa maxay caqabadaha ku horgudban in xabbaddu istaagto?

Colaadda sokeeye ee Laas Caanood ayaa bilaabatay, kaddib, markii ay ciidanka Somaliland u adeegsadeen rasaas nool kala-dirista mudaharaad nabadeed oo ay dadweynaha deegaanka ku dalbanayeen in la soo qabto dadka ka danbeeya dilalka qorshaysan ee lagu beegsanayo haldoorka bulshada.

Waxii waqtigaas ka dambeeye mudaharaadka ayaa isu rogay kacdoon lagu diiddan yahay maamulka Somaliland iyo joogitaanka ciidanka. Dibadbaxayaasha waxay muujiyeen rabitaankooda siyaasadeed oo ah “ka mid ahaanshiyaha qaranka Soomaaliya,” kaddib markii ay la soo baxeen calanka bluuga.

Intaas waxaa dheer, in darbiyada lagu xardhay midabka bluuga iyo xidigta cad, iyadoo la tirtiray dhammaan astaamihii u gaarka ahaa maamulka Somaliland, oo keentay in mudaharaadka lagu sunto “kacdoonka buluugga”.

Deegaanka oo ku guuleystay inay ciidanka Somaliland ka saaraan gudaha Laas Caanood, ayaa helay masrax siyaasadeed “political space” ay ku dhistaan labo gole maamul oo kala sarreeya:

  • Golaha isimada oo ah nidaam dhaqameed leh awood buuxda “absolute power” oo uu ku go’aamin karo arrimaha siyaasadda, ciidanka, iyo dhaqaalaha. 
  • Golle ka kooban 33 xubnood oo u xilsaaran fulinta go’aannada ka soo baxa golaha isimada, una qaabeysan sida golaha xukuumad, marka la eego habka uu u shaqeeyo.

Golaha isimada oo ixtiraamaya rabitaanka  shacabka ayaa go’aamiyey inaysan qayb ka aheyn qorshaha dalka lagu kala qeybinayo, waxayna ku xuseen qoraalkooda in si buuxda ay u hoos-tagayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankaas oo gaarsiinayo dhaawac siyaasadeed gooni-goosadkii Somaliland ayaa ka careysiiyay maamulka Muuse Biixi, waxuuna ku qaaday weerar aan loo meel dayin shacabka magaalada Laas Caano, taasoo sababtay in ku dhawaad 200 kun barakacayaal, kuwaasoo 70,000 ka mid ah u talaabeen Itoobbiya, dhimasho, dhaawac, iyo burbur hantiyeed. 

Waxaa fashilmay dadaalladii dhexdhexaadinta beesha caalamka ku doonayeen inay Muuse Biixi ku oggolaysiiyaan inuu ciidamadiisa kala baxo deegaanka, si ay u dhacdo xabad joojin loona baajiyo dhiigga qubanaya.

Waxaa maragmaddoonto ah in Qaramada Midowday (QM) ay ku fashilantay ka hortagga “Xasuuqii Ruwandha”, halka dowladdaha France iyo Belgium ay si uun ugu lug lahaayeen hubaynta nidaam cadaawad u qaba dadkiisa. 

Beelaha dega waqooyiga Soomaaliya kuma midaysna inay ka go’aan dalka. Waxaa jira diidmo xoog leh oo ka imanaysa beelaha darafyada. Sidoo kale, beesha dhexe ee waqooyi galbeed waxaa aad ugu dhex xoogaysanaya guuxa midnimo doonka ah. Maamulka Somaliland ayaa kula kaca xarig, jirdil iyo musaafurin qof kasta oo xambaarsan aragti ka duwan tii ururkii hubaysnaa ee SNM. 

Maamulka sidaas ugu xad-gudbaya xuquuqda aadamaha ayaa waxaa jira dowladdo, shirkaddo ganacsi, ururo caalami ah, iyo kuwo goboleed oo ula macaamila sidii dal madaxbanaan, iyagoo ku taageeraya dhaqaale, siyaasad, iyo hub, xilli ay Soomaaliya cunuqabateen ka saaran tahay hubka.

Madaxweynihii hore ee Faransiiska François Mitterrand oo maamulkiisu ogaa u diyaargarowga “Xasuuqii Ruwand” ayaa sii watay inuu taageero dawladdii Madaxweyne Juvenal Habyarimana” (Al-Jazeera 19, April 2021). 

Colaadda ka aloosan gobolka Sool waa mid si weyn uga duwan dagaalladii ay beelaha Soomaaliya ku dagaallami jireen daaqa iyo biyaha. Kani waa khilaaf salka ku haya aragti siyaasadeed, isuna rogi kara “xasuuq isireed” oo la mid ah kii Ruwanda. 

Waxaa afduub iyo jir dil loogu geystay gudaha Hargeysa Sahra Ismaaciil Haruun oo aheyd xubin sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani. Sahra waxay dhibbane u noqatay aragtida uu xisbigeedu ka qabo dagaalka Laas Caanod iyo taageerada ay u hayaan Guddoomiyha Aqalka Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif. 

Maamulka Muuse Biixi ayaa u dhisay gole dhaqan beesha ood wadaagta la ah beelaha taageera SSC (Sanaag, Sool iyo Ceyn), si uu uga hor-yimaado go’aamaddii ay soo saareen gudigii Gacan Libaax ee isla beeshaas. Go’aamaddii ay horey u soo saartay beeshaas ayaa eedda dagaalka dusha ka saaray Muuse Biixi, waxayna u soo jeediyeen dhinacyada ku dagaalamaya Laas Caanood, talooyin maangal ah, si xiisadda loo qaboojiyo. 

Dhanka kale, Xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye Faysal Cabdiraxmaan Madar ayaa ku tilmaamay mucaaradka “cadowga gudaha,”  taasoo ka dhigan in cid kasta oo ka aragti duwan Muuse Biixi inay yihiin cadow mudan in lala dagaalamo. Sidoo kale, Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa la soo taagan in arrinka “Laas Caanood” ku xalinayaan awood ciidan.

Dhacdooyinkan waxay ina xasuusinayaan xasuuqii lagula kacay Hutu-gii qunyar socodka ahaa ee dhibsanayay tacaddiga dowladda, iyo Tutsi-gii ka soo horjeeday xukunkii Ruwanda ka talinaye 1994.

Maamulka Muuse Biixi, waxuu doonayaa inuu dagaalka qabiileeyo si uu ugu guulaysto, maadaama ciidankiisa ay soo gaartay niyad jab, kaddib markii ay kala kulmeen iska casbin xoogagga ku sugan Sool.

Muuse Biixi waxuu ka faa’iidaysanayaa hiillada qabiil ee reer Laas Caanood uga soo gurmanaysa deegaanada Puntland. Golaha Amaanka ee QM, ma soo saari doonaa inta ay goori goor tahay go’aamo lagu baajinayo in xasuuq la mid ah kii Ruwanda ka dhaco waqooyika Soomaaliya. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments