Saturday, June 3, 2023
Home Caalamka Munaafaqnimo Wajiyo Badan - Maxaa Galbeedka Ku Diidayaa Erdogan?

Munaafaqnimo Wajiyo Badan – Maxaa Galbeedka Ku Diidayaa Erdogan?

Jamhuriyadda

Doorashada Madaxweynaha Turkiga ee bisha soo socota ayaa leh muhiimad taariikhi ah. Waxay ku soo beegan tahay 100 sanadood kaddib (May 15, 1923) markii Mustafa Kemal Ataturk oo ah aasaasihii dowladda Turkiga casriga ah, uu dhidibbada u aasay fikir dawladeed oo ay horseed u yihiin calmaaniyiin.

Reer galbeedka oo aan jecleyn dimuqraaddiyadda Turkiga ayaa odorosaya in doorashada May 14, 2023 ay dimuqraaddiyadda Turkiga u rogi doonto “kalitalisnimo buuxda”. Aragtidaas ayaa ka turjumaysa dareenka marinnada awoodda galbeedka, kuwaas oo ka baqaya siyaasadda dibedda ee Recep Tayyip Erdoğan.

Falcelintoodii afgembigii dhicisoobay ee June 2016, iyo Aftidii Abril 2017 ee dimuqraaddiyaddii jilicsaneyd ee baarlamaaniga ahayd loogu beddelayay mid madaxweyne awood leh, ayaa shaaca ka qaadday cadaawada qotoda dheer ee loo qabo maamulka Erdoğan, inkastoo shacbiyaddiisa aysan liicin taniyo 2001, aasaaskii xisbiga AKP (Türkiye’s Justice and Development).

Isbahaysiga talada haya ayaa lagu eedaynayaa inuu dib u soo noolaynayo xusuusta dadweynaha ee taariikhdii madowbeyd ee xisbiga “Republican People’s Party” (CHP), taas oo aan u adeegi doonin danaha xisbiyada ku xulafoobay miiska lixda (table for six). Maalinta loo asteyay doorashada ayaa ah maalintii Turkiya uu soo gabagabayay nidaamkii xisbiga keliya (single party regime) ee Mustafa Kemal Ataturk.

Mucaaradku ma wadaago mabda’ ka duwan naceebka Erdoğan iyo in dib loogu noqdo nidaamkii baarlamaaniga ahaa taas oo ah riyadda Galbeedku.

Waxay ku tilmaamayaan inuu yahay “Gandhigi Turkishka”  musharraxa mucaaradka ku midoobayn Kemal Kılıçdaroğlu oo musharraxnimadiisa qalalaase ka dhalatay kaddib markii Marwa Meral Aksener oo leh culeys siyaasadeed ka carootay wax yar ka hor inta aan la shaacin.

Sahan hay’adda “Dalia Research” ku cabbiraysay xasillooni darrada siyaasadeed ee Turkiga ayaa tilmaamaya in 46% dadweynaha la dhacsan yihiin nidaamka madaxtooyada awood leh, halka 26% ka soo horjeedaan. Erdoğan ayaa dareenka dadweynaha hantiyay kaddib markii 1994kii maxkamad ka mamnuucday siyaasadda, si looga hor-istaago doorashadiisii Duqa Magaalada Istanbul, tabtaasoo calmaaniyiinta soo abaabuleen.

Mucaaradka ayaa ku ololaynaya inay dib u bilaabi doonaan wadahadalladii ka mid noqoshada Midowga Yurub, inkastoo Brussels aysan diyaar u ahayn dal Muslim ah.

Intii u dhaxaysay 2002-2013 xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (AKP) ayaa hirgeliyay dibuhabayn dhaqaale iyo siyaasadeed oo horumarsan, si dalku ugu dhawaado hab waafaqsan heerka Midowga Yurub. Balse, dadaalkaas waxba laguma dheefin.

Munaafaqnimada Galbeedku ayaa ka sii dartay markii kooxda Erdoğan oo ka hammi jabtay ku biiridda Midowga Yurub ay si shanqar la’aan ah kaga badisay reer Yurub suuqa Afrika. Dulmigooda ayaa Erdoğan biday inuu iskaashi dhaqaale ka raadsado dalalka Shiinaha iyo Ruushka, dibna u hagaajiyo xiriirkii Riyadh iyo Abu Dhabi.

Galbeedku waxuu qaadan la’yahay in Turkiga oo ku taal isgoysyada saliidda qaniga ku ah hamido inay noqoto xarun ganacsi shidaal oo caalami ah. Weliba, waxaa dhabarjab ku noqday in siyaasadda dhexdhexaadka ah ee Erdoğan ay suuraggelisay in 29.5 malyan ton dalagga beeraha (14.9 malyan ton galley ah iyo 8.1 malyan ton qamadi) Yukrain si nabad ah loo dhoofiyo.

Xaqiiqda cadawtinnimada faca weyn oo dhextaal Turkiga iyo Galbeedka way ka duwan tahay sheekabaralayda guud ahaan wargeysyada soo bandhigeen. Midowga Yurub marnaba si dhab ah ugama oggolaan doonto in dal Muslin u badan uu ku soo biiro, sida ka muuqata mowqifka “France and Austria.”

Maraykanka oo saameyn weyn ku leh dalalka shidaalka hodanka ku ah ee Bariga Dhexe waxaa u dheer sidii uu uga takhallusi lahaa Erdoğan iyo Xisbigiisi Islaamiga ah, walow “xisbi Islaami ah” uu muujiyay inuu horumar gaarsiin karo dalalka Muslinka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muran ka taagnayn in awoodda Erdoğan ku dhisan tahay doorasho dimuqraaddi ah. Galbeedka waxuu isku dayey inuu afgembiyo xisbi kastoo Islaami ah oo dalka majararihiisa ku qabto si dimuqraaddi ah (Algeria, Masar iwm.), haddana badi dalalka Bariga Dhexe xisbiyada safka hore ugu jira talada waa wada xisbi aan Calmaani ahayn (Moroko, Urdun, iwm.).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments