Wednesday, December 6, 2023
Home Dhaqaalaha Maxay Soomaaliya Uga Dhigan Tahay Diblomaasiyadda Tamarta Talyaaniga?

Maxay Soomaaliya Uga Dhigan Tahay Diblomaasiyadda Tamarta Talyaaniga?

Jamhuriyadda

Marwo Giorgia Meloni oo ah Ra’iisulwasaaraha dalka Talyaaniga ayaa sidii looga wadashaqayn lahaa iskaashi seddax-geesood ah oo maalgashi, ganacsi, horumarin, iyo amni ugu soo bandhigtay Addis Ababa Abril 16, 2023 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaaraha Itoobbiya Abiy Axmed. Dowladda Talyaaniga ee garabka midig ayaa damacsan in shir-madaxeedka Afrika iyo Talyaaniga ee Oktoobar kaga dhawaaqdo qorshe diiradda saaraya iskaashi tamar.

Roma waxaa dhibaato ku haya, dagaalka Yukrain iyo cunaqabataynta ganacsiga Ruushka ka sokow, qulqulka muhaajiriinta iyo loollan diblomaasiyadeed oo kala dhexeeya dalalka Midowga Yurub. Xukuumadda garabka midig ayaa is-tustay in xaaladdaas looga bixi karo xiriir wanaagsan oo lala yeesho dalalka qaniga ku ah tamarta ee Afrika. Tillaabadaas, waxaa dhiirigelinaya dhawr arrin oo ay ka mid yihiin:

1)     Baahida Yurub ay u qabto ilo tamareedyo ka duwan kuwa Ruushka iyo OPEC;   

2)    Talyaaniga oo raba inuu noqdo xuddunta tamarta Yurub;

3)    Qulqulka tahriibka kaga imaanaya dalalka saboolka ah; iyo

4)   Geeska Afrika oo looga baqayo inuu u gacan galo Shiinaha iyo Ruushka.

Diirad-saarka Geeska Afrika ma keenin keliya in gobolku yahay bar istraatiiji ee waa aqoonsi loo hayo dadaalka Abiy Axmed oo soo afjaray colaaddii kala dhexaysay jabhadda Tigrayga, iyo dagaalka lama filaanka ah ee Xasan Sheikh uu ku qaaday argaggixisada Al Shabaab oo soo jiitay taageerada waddamada deriska ee safka hore.

Marka la eego rajada xasilinta Soomaaliya, dalku waxaa isha ku haya dunida oo dhan waxuuna musharrax u yahay sanadkan dhammaadkiisa inuu u gudbo marxaladdii ugu dambaysay ee deyn cafinta. Waxuu leeyahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo leh fursado cajiib ah.

Balse, xiisaha Roma ee dib u soo cusboonaysiinta “Mattei Plan” ayaa u muuqata in Talyaanigu raadinayo madaxbannaani siyaasad dibadeed oo waxtar leh. Enrico Mattei oo ahaa aasaasihii shirkadda tamarta caalamiga ah ee Talyaaniga (Ente Nazionale Idrocarburi – ENI) ayaa 1950yadii naqshadeeyay qorshe laf-dhabar u noqday barwaaqaynta Talyaaniga, balse dhaliyay khilaaf. Waxuu rumaysanaa in shidaalku uusan ahayn kheyraad tamareed keliya, balse uu sidoo kale yahay xabag siyaasadeed.

Iskaashigii siman ee uu la galay dalalka qaniga ku ah kheyraadka dabiiciga ah ee Waqooyiga Afrika (Liibiya, Tunisia, Masar, Morocco, iyo Aljeeriya) ayay qoonsadeen dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Britain (UK), iyo Faransiiska oo shirkadahoodii “seven sisters,” dano dhiigmiirad haysteen.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa ka carooday hab-ganacsiga Mattei Plan kaddib markii Talyaanigu la galo Midowga Sovieti heshiisyo uu badeecadaha uu warshadeeyo kaga beddelanayo saliid ceyriin ah oo jaban.

Inkastoo dib u cusbooneysiinta xiriir la taaban karo uu muhiim u yahay dhinacyada, haddana si loo hormariyo awoodda wax soo saarka iyo dhoofinta tamarta Geeska Afrika waxaa caqabad ku ah xasillooni darrada ka sokow, maalgashi ballaaran oo uu dalka Talyaaniga laftiisu gacanta ku hayn, iyo cimri gaabida xukumadahiisa.

Sanado badan oo hilmaan la taaban karo kaddib, waxaa la isweydiinayaa isbahaysiga talada haya ee garabka midig “Fratelli d’Italia, Lega Nord, iyo Forza Italia” muxuu u soo bandhigayaa qorshe aan wax badan laga ogeyn oo Talyaaniga laftiisu sanado badan doorbiday inuu dib uga gurto, haddaysan ahayn iskaashi bob bahalnimo ah oo maanka lagu hayo oo ay weheliso xiiso gumaysi (colonialist nostalgia).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments