Saturday, June 3, 2023
Home Caalamka Yaa Ka Dambeeya Fowdada Sudan Maxaase la Isku Hayaa?

Yaa Ka Dambeeya Fowdada Sudan Maxaase la Isku Hayaa?

Jamhuriyadda

Sudan ayaa dhexda uga dhacday Abril 15, 2023 fowdo ka dhalatay iska horimaad awoodeed oo u dhexeeya hoggaamiyaha ciidanka rigliga ah Cabdelfattax al-Burhan iyo ku xigeenkiisa Maxamed Xamadan Dagalo “Xamedti” taliyaha ciidamada gurmadka degdega ah. Dagaalka salka kuma hayo dibuhabaynta talada dalka keliya.

Dhowr xabbad joojin oo lagu baajin lahaa dhiigga ayaa si wax ku ool ah u dhaqangelin. Labada dhinac ayaa isku dayaya inuu mid waliba gacanta ku dhigo talada. Daadgureeynta diblomaasiyiinta shisheeye ayaa astaan u ah in xaaladda adkaan doonto taasoo u qaab eg colaaddihii sokeeye ee baabbi’iyay Liibiya, Lubnaan, Soomaaliya, Suuriya, iyo Yaman.

Sudan waxay halis u tahay burbur iyo nidaam fashilmay. Dalalka xuduudaha la wadaagta (Eritrea, Itoobbiya, Jaad, Jamhuuriyadda Dhexe ee Afrika, Koonfur Sudan, Liibiya, iyo Masar) waa kuwo badankoodu khilaafaad siyaasadeed saameeyeen. Waxaa dib u soo labakaclayay colaaddii Darfur, inkastoo Sacuudiga oo kaashanaya Mareykanka iyo Midowga Afrika uu ku dadaallayo inuu haba yaraatee wax qaboojiyo.

Kacdoonkii Cumar al-Bashir xukunka looga tuuray Abril 2019, ayaa ahaa natiijada dibadbaxyadii shacabka. Balse, awood u hanqaltaagga al-Burhan iyo Maxamed Xamedti waxaa fursad siiyay galbeedka oo aan mowqif adag ka qaadan afgambigii Oktoobar 2021, ee ku majaxaabiyeen awood qaybsigii lala galay shacabka.

Kelitaliskii ayaa dalka kaga tegay qaab-dhismeed ciidan aan is-waafaqsanayn. Waxaa la isku mari la’yahay sidii kooxda gurmadka degdega oo ah maleeshiyadii “Janjaweed” loogu dhafi lahaa unugyada ciidanka ragliga, si dhammaan ciidanku u hoos tago hal talis muddo laba sano gudahood ah. Halka, Xamedti waxuu rabi lahaa in geedi-socodku qaato ilaa toban sano.

Taariikhi ahaan, ciidanka ragliga waxuu weligii ahaa ilaaliyaha qarannimada Sudan. Balse, isku dhafku waxuu shuruud u yahay heshiiskii December 5, 2022 ee xukunka dib loogu celin lahaa hoggan rayid ah.

Dalka oo ku yaal marin-biyood halbowle muhiim ah, lehna kheyraad dabiici ah ayaa colaaddiisu ka marnayn gacmo qarsoon oo saamayn kala duwan ka leh. Imaaraadka iyo Boqortooyada Sacuudiga oo malaha mankoodu ka marnayn in Khartoum lagu rido waddadii Qahira ayaan ka wahsan in awoodda qaranka gasho gacanta “Golaha Militeriga Ku Meel Gaarka ah”.

Dabayaaqadii sanadkii tegay, shirkado ay ka mid yihiin Abu Dhabi Port Group iyo Invictus Investment ayaa Sudan la saxiixday heshiis lix bilyan doolar ah oo hor u dhac u ahaa deked cusub oo laga dhisayo Badda Cas. Sidoo kale, Riyadh ayaa u ballanqaadday sanduuq maalgashi gaar ah oo dhan seddax bilyan doolar.

Abu Dhabi ayaa si gaar ah shafka u tuntay Xamedti oo gacanta ku haya kaawooyinka laga qodo dahabka, inkastoo al-Bashir uu fuliyay hindisahoodii Israel. Sanadkii 2021, dahab u dhigama hal bilyan doolar oo lagu qiyaasay ilaa 16.7-ton ayaa ku dhawaad dhammaan loo dhoofiyay dalka Imaaraadka.

Mareykanka oo ka saaray Sudan dalalka taageera argagixisada, ayaa ka walaacsan in Moscow laga siiyo Badda Cas saldhig. Sidoo kale, Shiinaha oo maalgashi lixaad leh ku leh shidaalka Juba iyo Khartoum oo si ba’ani dagaalku u saameyay ayay hubal la’aan soo wajahday. Halka Masar ay ku soo dhacday meel cidla ah, kaddib markii isbahaysigii dagaalka Liibiya tixgelin xulufaysigeeda al-Bashir.

Warbaahinta galbeedka oo diiradda saartay hammiga iska soo horjeedka ayaa u durbaan-tumaysa in xalku ku jiro midkood oo adkaado, amase dalka oo la kala qaybiyo. Munaafaqnimadaas wax badan kama duwan tii ay ku hungoobeen ee Itoobbiya, balse xalku ma sahlana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments