Jamhuriyadda
Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda xisbi Kemal Kılıçdaroğlu (44.89%) ayaa lagu kala bixi donaa wareegga labaad ee May 28, 2023. Madaxa Guddiga Sare ee Doorashada Ahmet Yener oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in midkoodna uusan helin aqlabiyaddii guusha (in ka badan 50%).
Erdoğan ayaa beeniyay saadaalintii reer galbeedka ee geeridiisa-siyaasadeed, walow xisbigiisa “Justice and Development Party – AKP” uu lumiyay ilaa 30 kursi (296 – 266). Mucaaradka ayaa si weyn ugu eedeeyay inuu dalka usoo jiiday hoos-u-dac dhaqaale una maareeyay si xun gurmadka musiibadii dhulgariirka ee koonfurta dalka.
Waxyaabaha la yaabka leh ee doorashada ayaa waxaa ka mid ahaa in Erdoğan ilaalsaday shacbiyaddiisa gobollada bari-dhexe Anatolia isagoo aan si micna leh u lumin kalsoonida magaalooyinka waaweyn.
Guusha Kemal Kılıçdaroğlu ee wareegga dambe ayaa u muuqata mid ildaran, waxaa wiiqday in isbahaysiga talada haya xajistay aqlabiyaddiisa baarlamaanka [317 kursi – AKP (267) iyo MHP (50)]. Habeenkii doorashada waxaa ka dhexdhacay xisbiga “Republican People’s Party – (CHP)” jahwareer keenay in la eryo Onursal Adiguzel oo ahaa ku xigeenkii Kemal.
Waxaase dareen soo kordhiyay in duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu oo ololihii doorashadiisa (2019) kaga guulaystay isbahaysiga Erdogan balse, laga mamnuucay inuu madaxtinimada Turkiga u tartamo, uu u soo guntaday inuu hoggaamiyo ololaha wareegga soo socda ee Kemal Kılıçdaroğlu.
Inkastoo, waxqabadka mucaaradku uu ahaa midkii ugu fiicnaa labatankii sano ee tegay, haddana waxay qaadan la’yihiin in Erdoğan uu ku guulaystay gobolladii dhulgariirku ku dhuftay. Waxaa muuqata in sidii la filayay uu u fuliyay ballanqaadkii dibudhiska degdegga ah iyo dib u dejinta dhibbanayaasha, taasoo saamayn weyn ku yeelan karta nafsiyad ahaan codbixiyeyaasha wareegga soo socda.
Doorashadii madaxtinimo ee nidaamka baarlamaaniga waxaa sanadihii 1989, 1993, 2000 iyo 2007, loo gudbay wareeg saddexaad. Waxaase cajaa’ibka sanadkaan ka mid ahaa in codbixiyeyaal u dhigma 88.92% oo xaqa u lahaa inay wax doortaan si aan hore loo arag oo dimuqraadiyaddeed uga qaybgaleen doorashada.
Isbahaysiga mucaaridka oo aan mabda’ dhaafsan in la wada rido Erdoğan lahayn, haysana aqlabiyad baarlamaan ayaa laga yaabaa inuu kala yaaco xitaa haddii uu doorashada ku guulaysto. Fallanqayaasha doorashada ayaa rumaysan in Erdoğan uu leeyahay fursad uu ku soo xusho madaxweyne ku xigeen mug siyaasadeed leh amaseba uu ku rogo siyaasaddiisa dhaqaalaha oo ay reer galbeedka naqdinayaan.
Natiijada doorasha baarlamaanka waxay soo bandhigtay in isbahaysiga talada haya (Justice and Development Party “AKP”, Nationalist Movement Party “MHP” iyo Hüda Par) ay codbixiyeyaashoodii si uun [dhaqaale xumo amaseba naceeb qaxooti] ugu haajireen Sinan Ogan oo kasoo carooday (MHP). Fursaddiisu aad ayay u yar tahay, balse dhanka taageerayaashiisa isbahaysi dhaqdhaqa waddaniga u iishaan ayay u muuqataa in guusha raacdi doonto. Waxuu helay wareeggii koowaadna 5.17%.
Si kastaba ha ahaatee, natiijada doorashada waxay jab ku noqotay Galbeedka ku mitiday inuu masraxa siyaasadda ka saaro Erdogan iyo Xisbigiisa (AKP). Shacabka Turkiga oo og horumarka uu sabab u ahaa muddo xilhayntiisii ayaa muujiyey inay abaal u hayaan si kasta oo dhaliil u jirto.