Saturday, June 3, 2023
Home Caalamka Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda

Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad. Dib u soo celinta aan shuruudda la’hayn waxay qayb ka tahay diblomaasiyad ka dhacaysa Bariga Dhexe.

Balse, sida degdegta leh ay  Suuriya ugu soo laabatay bahweynta Carbeed iyo booqashadii Maxamed Bin Salmaan ee Turkiga oo uu wehliyay heshiiska Sucuudiga iyo Iran, ma seegin dareenka awoodaha ku hardama gobolka waxaana ka dhashay falcelinno isku-dhafan. Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani oo ka warwareeganaya dhabjinta waxqabad Carbeed oo wadajir ah ayaa si lama filaan ah isaga baxay kulanka wax yar ka hor intuusan Bashar al-Assad ka hadlin madasha.

Wixii ka dambeeyay heshiiskii Riyadh iyo Tehran oo uu Shiinaha garwadeen ka ahaa waxaa xoogsaday isu soo dhawaashaha dalalka Bariga Dhexe. Balse, Qadar oo mawqifkeeda isbeddelin ayaa shaki ka qabta in Suuriya mudan tahay in dib loogu soo celiyo Jaamacadda Carabta iyadoo Bashar al-Assad uusan muujin inay dhab ka tahay in xal siyaasadeed laga gaaro dembiyada dagaal ee ka dhanka ahaa bini’aadminimada.

Labo iyo toban sano kaddib markii Suuriya laga eryay Jaamacadda in dowladaha Carbeed garwaaqsadaan inay aayahooda u qaabeeyaan siyaabo ka madaxbannaan awoodaha galbeedka waxaa u sabab ah dano laba-geesood ah ka sokow, dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

·        Nidaamka caalamka oo isbeddel joogto ah ku socdo sababayna in dalalka khaliijka oo xulafo taariikhi ah la ahaa Mareykanka si aayar ah uga siibtaan faraheeda;

·        Xasilloonida Yaman iyo Suuriya oo shardi u ah nabad ku wada noolaanshaha Riyadh iyo Tehran;

·        Diblomaasiyad ka dhalatay dhulgariirka ba’an ee February 2023;

·        Galbeedka oo rajaynayo in Suuriya lag fogeyo meertada Iran, iyadoo aan la beddelayn hoggaankeeda;

·        Dadaalka Ruushka ee dib u heshiisiinta Ankara iyo Dimishiq oo dareen ku abuuray dalalka la xifaltama ee khaliijka.

Si kastaba ha ahaatee, ka maqnaanshaha Mohammed bin Zayed Al Nahyan madasha diirradda lagu saarayay soo afjarka dagaallada sokeeye ee Yaman iyo Sudan oo uu si uun saamayn ugu leeyahay ayaa muujinaysa heerka uu gaarsiisan yahay tartanka Amiirrada Carbeed, xilli dunida Islaanka ka soo kabsanayso cambaartii argagixisa ee magacooda lagu nuday.

Haddii lagu guulaysto in Bashar al-Assad si wax ku ool ah wax uga qabto tabashooyinka gobolka, iyadoo aan lala kulmin ka hor-imaashaha reer galbeedka, gobolku waxuu heli doonaa “xasillooni la saadaalin karo” laguna maareeyn karo kala qaybsanaanta. Waxuuse walaac ka taagan yahay in Imaaraadku uu mudnaan siinayo unkamid nidaam goboleed uu hoggaan u yahay, kol haddii laga hoos qaadi la’yahay hindisihii “Abraham Accords”.

Ka qaybgalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee shirka waxaa hareeyay fadeexad ka dhalatay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga Saalim Macow Xaaji oo laga hor-istaagay inuu la kulo Madaxweynaha. Madaxtooyadu waxay ka meermeersanaysaa inay dalka u magacowdo diblomaasiyiin matala oo la jaanqaadi kara siyaasadda maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

3 Questions – Reopening Kenya-Somalia Land Border

By Gozde Sogutlu Move to facilitate development of diplomatic relations between 2 prominent East African countries.

Xaqiiqada Jaamacadda Carabta – Dabayl Diblomaasiyadeed oo Ka Dhacaysa Bariga Dhexe

Jamhuriyadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa Jimcihii May 19, 2023, ku martiggelisay Jiddah shir madaxeedkii 32aad ee Jaamacadda Carabta oo dib...

Erdogan – Ninka Doorshada Turkiga Lagu Loodin La’yahay

Jamhuriyadda Doorashadii madaxtinimada Turkiga ee May 14, 2023 oo uu madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (49.51%) kula tartamayay hoggaamiyaha isbahaysiga lixda...

Iftin: The Band that Soundtracked Somalia’s Golden Age

By MEE Correspondent Iftin Band defined an era of post-independence positivity and spread messages about public health and...

Recent Comments