Jamhuriyadda
Shacabka ku dhaqan maamul goboleedka Puntland ayaa cashar siyaasadeed u dhigay qawlaysatada siyaasadda, kaddib markii ay u dareereen doorasho ay ku soo dooranayeen wakiilada deegaanadooda oo qof iyo cod ah.
Dhammaan caqabadihii loo dhigay si aysan uga dhicin Puntland doorasho dadweyne waxay uga gudbeen rabitaan ay ku dheehan tahay dareen iyo xamaasad waddaniyeed.
Isimada dhaqanka gobolka oo ahaa kuwa had iyo jeer soo xula wakiillada beelaha ku matala siyaasadda ayaa ka hor-leexday rabitaanka shacabka Puntland, kaddib markii ay ka tanaasuleen doorkii siyaasadda ay ku lahaayeen tan iyo aasaaskii maamulgoboleedka.
Shacabka iyo isimada markii ay isla jaanqaadeen waxaa suurtaggashay inay beeniyaan saadaashii danaystayaasha siyaasadda heer dowlad-goboled iyo weliba heer federaalba. Waxay masraxa siyaasadda keeneen naxashkii lagu qaadi lahaa doorashada dadban si loo aaso!
Isku sidkanaanta qabiilka, deegaanka iyo siyaasadda ayaa iyadana meesha ka baxday, taasoo muujinaysa in shacabka doonayaan inay ka baxaan gacanta kuwa ka macaasha kala qobqobka bulshada iyo siyaasadda beeleysan.
Waxaa cajiib leh in affar walaalo ah, labo wada dhashay, labo waalid isu ah, iyo labo isu dhaxay, ay ka mid noqdaan xubnaha la doortay. Taas marnaba suurtaggal kama noqon kareen nidaamka awood-qeybsiga beelaha.
Waxaa kaloo xusid mudan, in ugu yaraan afar degmo oo ay beelaha horey ugu heshiin waayeen qeybsiga kuraasta deegaanka, haatan lagu xalliyey sanduuqa codbixinta, mana la soo tebin cabasho la xariirta sida kuraasta loo kala helay oo ka timid beelaha!
Saciid Cabdullahi Deni, waxuu ka dhex arkay qabashada doorashada golayaasha deegaanka fursad siyaasadeed, uu ku sii dhex joogi karo masraxa siyaasada Puntlad iyo tan qaranka Soomaaliya maadaama uu gebogebo yahay muddo xilhaydkiisa. Balse, damiciisa marnaba ma aheyn in awoodda shacabka loo celiyo, marka laga qiyaas-qaato hab dhaqankiisa siyaasadeed muddadii uu hayey xilka Puntland:
- Waxuu taageray damacii Axmed Madoobe uu ku boobay doorasha Jubbaland ee ahaa “seddax ruux beel waliba ha soo gudbiyaan mid anigaa kala baxaya”;
- Waxuu duullaan ku qaaday aqalka wakiillada, kaasoo ugu danbeyn laga eryey gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland;
- Waxuu si sharci darro ah uga eriyay golaha wakiillada siddeed xubnood oo dood ka keenay heshiisyada Puntland la gashay shirkadda DP World;
- Waxuu ka xayuubiyay Isimada Puntland awoodii ay u lahaayeen inay soo xushaan wakiillada ku mataleyey federaalka, isagoo adeegsanaya awood aan sharciyad lahayn. Awood maroorsigaas ayaa sababay inay nafo badan go’aan.
Arrinka la yaabka leh ayaa ah, in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaarihiisa Xamse Cabdi Barre ay saadaaliyeen in doorashada Puntland horseedi doonto burbur degdeg ah oo ku yimaadda maamul-goboleedka, inay haatan ku wacdinayaan waxaan qabanaynaa doorasho qof iyo cod ah.
Maalinkii ay dhacaysay doorashada maamul-goboleedka Puntland, waxaa Muqdisho ku kulansanaa Xasan Sheekh iyo madaxda maamul-goboleedyada federaalka oo uu ka maqan yahay Saciid Deni. Gebogebadii kulankooda ayey soo saareen qodobbo masiiri ah, oo taabanayey Dastuurka, saami qeybsiga, iyo heykalka dowladnimada.
Su’aasha taagan ayaa ah, sharciyada iyo hannaanka loo maray qodobbada la soo saaray?
Falanqeyaasha siyaasadda ayaa rumaysan go’aannada ka soo baxay kulankaas ay ahaayeen kaar siyaasadeed muddo kororsi ah. Waxaan shaki ku jirin, in shacabka Soomaaliyeed awoodo inuu si hufan usoo doorto wakiilladooda siyaasadda haddii fursad la siiyo.