Jamhuriyadda
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan (52.18%) oo May 28, 2023, kaga guulaystay madaxtinimada Turkiya Kemal Kılıçdaroğlu (47.82%) ayaa Sabtigii June 3, 2023, loo dhaariyay xilhayntiisa saddexaad. Doorashada ayaa afti dadban u ahayd jihada Turkiga oo sanadkaan looga dabaaldegayo 100-guuradii ka soo wareegtay markii Mustafa Kamal uu aasaasay jamhuriyadda carsiga ah.
Xafladda caleemasaarka oo ay ka qaybgalay 21 madaxweyneyaal, 13 ra’iisulwasaareyaal iyo mas’uuliyiin heersare ah oo ka kala socday ilaa 80 waddan iyo hay’addo caalami ah ayuu kaga dhawaaqay golihiisa cusub. Xafladda waxaa kaloo ka soo muuqday Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg oo malaha Erdoğan ku cadaadinaya inuu ka tanaasulo diidmada Sweden si kulunka July 2023, ee Vilnius, (Lithuania) loogu ansixiyo xubinnimadooda.
Xulashada madaxii hore ee dhaqaalaha Mehmet Şimşek oo caan ku ah ka soo horjeedka siyaasadda hoos u dhigista dulsaarka si loola dagaallo sicir-bararka macangag ah ayaa astaan u ah hiigsiga siyaasad la jaanqaadi karta waagga cusub. Xisbiga Caddaaladda iyo Horumarka (AKP) ayaa 2003kii awoodda qabtay iyadoo toban sano (1990 – 2002) dalka Turkiga la tacaalayay xasillooni darro siyaasadeed iyo dhaqaale ay sababeen dowlad-wadaagyo (coalition governments) ka horeeyay.
Marka laga eego dhanka “geopolitics,” waxaa xiiso leh magacaabidda Hakan Fidan Madaxii Sirdoonka oo qayb weyn ka qaatay dadaallada dib u hagaajinta xiriiradii murgay ee Armenia iyo Bariga Dhexe (Imaaraadka, Israel, Masar, iyo Sacuudiga), kuna hawlanaa dib u hagaajinta xiriirka Dimishiq. Isbeddel diblomaasiyiinta waxuu ka tarjumaya waaqaca siyaasad madaxbannaan oo muluq leh, balse ka fog qalalaase.
Magacaabidda Yaşar Güler Taliyihii Ciidanka Difaaca oo beddelay wajigii colaadda Liibiya si loo kala daadiyo qorshe-mu’aamaradkii Isbahaysiga Tamarta Bariga Mediterranean ayaa iyana ah xoojin difaac firfircoon. Dalalka Cyprus, Greece, Imaaraadka, Israel, iyo Masar ayaa isku dayay inay dalka Turkiga oo ah waddada mariinka tamarta Bariga Dhexe, Aasiyada Dhexe, iyo Ruushka ka go’doomiyaan ganacsiga tamarta Yurub.
Turkigu waxuu in muddo ah ku jiray xaalad aad u qalafsan. Washington ayaa saluugsan in Ankara ka gaabsatay cunaqabatayntii Moscow haddana, dalalka Midowga Yurub ee quuddaraynaya nabadda ayaa la dhacsan doorkii muhiinka ahaa ee Turkigu ka qaatay heshiiskii suuraggelisay in si nabad ah looga dhoofiyo dekedaha xanniban ee Yukrain dalagga beeraha. Dhinaca kale, xiriirka Ankara iyo Moscow laftiisa kama marna khilaaf marka la eego iska horimaadyada Libiya, Suuriya iyo Nagorno-Karabakh.
Si kastaba ha ahaatee, diblomaasiyadda dheellitiran ee Erdoğan ayaa mudan ku dayasho. Soomaaliya kama maaranto Bariga iyo Galbeedka midkoodna si ay uga gudubto duruufaha adag. Su’aasha taagan ayaa ah, Xasan Sheekh Maxamuud ma kala shaqeeyn donaa Erdoğan siyaabaha lagu horumarin karo danaha lala wadaago Bariga iyo Galbeedkaba. Waxaa cad in xiriirka Soomaaliya ee Imaaraadka iyo Qadar uu u baahan yahay dheellitir taxadar leh.