Thursday, September 28, 2023
Home Diblomaasiyadda IGAD – Dib Usoo Labashada Eritrea Waxay Astaan u Tahay Gabbaldhaca Waayihii...

IGAD – Dib Usoo Labashada Eritrea Waxay Astaan u Tahay Gabbaldhaca Waayihii Tigrayga

Jamhuriyadda

Dowladda Eritrea oo ku dhawaad lix iyo toban sano ka go’doonsaneed Geeska Afrika ayaa Isniintii June 12, 2023, dib ugu soo laabatay urur-goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen dalalka Itoobbiya, Jabuuti, Kenya, Koonfur Sudan, Soomaaliyaa, Sudan, iyo Uganda. Tillaabada waxay xaqiijinaysaa in Eritrea u guntatay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dalka Eritrea waxuu xubinimadiisii laalay Abril 2007, kaddib markii Itoobbiya jebisay go’aankii IGAD ee lahaa “in aan ciidamo ka socda dalalka deriska ah la geyn Soomaaliya”. Maamulkii Meles Zenawi oo u adeegaya ajandaha Mareykanka ayaa December 2006 ku duulay Soomaaliya, isagoo ku tumanayo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee ummadda Soomaaliyeed.

Wixii ka horreeyay isu soo dhawaashihii Eritrea iyo Itoobbiya (2018), taliska TPLF ee hoggaaminayay Addis Ababa waxuu IGAD u adeegsaday sida hub lagu cadaadiyo Casmara (Asmara) laguna kala qaybiyo Soomaaliya. Reer galbeedka oo aslanba aan si daacad ah ula shaqayn karin dowlad Afrikaan ah oo leh ficil madaxbannaani ayaa dhaqanka Eritrea u arkay khatar.

Waxay si isdaba joog ah ugu cadaadiyeen cunaqabatayn dadweynaha wax u dhintay in ka badan hoggaanka dowladda iyagoo adeegsanayay Qaramada Midoobay. Caqabadaas ma daacin Eritrea waxayna isku dayday in July 2011kii dib ugu laabato urur-goboleedka, balse Addis Ababa ayaa si sharcidarro ah u horjoogsatay. Eritrea waxaa lagu sidkay inay tahay fidnowade, si ay isu hortaagin ajandaha laga lahaa Soomaaliya.

Dalalka gobolka oo ku kala qaybsamay arrinkaas ayaan marnaba si cad u cambaarayn masuulnima-darrada Itoobbiya iyo Kenya oo hormuudnimadooda IGAD u sahlay in, iyagoo si sharcidarro ah ugu xadgudbay madaxbannaanida Soomaaliya, lagu biiriyo ciidamadooda AMISOM. Kala qoqobidda ummadda Soomaaliyeed ka sokow, waxay ku kaceen falal gurracan oo u adeegaya in mabda’ xagjirka uu ku faafo aagga.

Marka laga eego dhanka “geopolitics,” heshiiskii Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki ee soo afjaray tobannaan sano oo colaad aan la xallin iyo dib u hagaajinta xiriirka Soomaaliya ayaa soo dedejiyay isbahaysi seddax-geesood ah. Balse, dib ugu soo celinta Eritrea urur-goboleedka waxay ka dhalatay isbahaysiga Geeska Afrika oo Midowga Yurub kaga gacan saramaray colaaddii Tigrayga. Xaqiiqadaas ayaa Casmara ka furtay go’doonkii gobolka kana dhigtay mid la aqbali karo.

Si kastaba, tillaabada Eritrea waxay muujinaysaa in dib u soo hagaagayo xiriirka is-ixtiraamka iyo nabad ku wada noolashaha deriska. Balse, si loo xoojiyo firfircoonida IGAD loona hormariyo xasilloonida iyo isku dubbaridka siyaasadda amniga gobolka, waxaa lagama maarmaan ah in si dhab ah faraggelinta dalba midka kale ku hayo la joojiyo. Haddii la waayo, mustaqbal wax ku ool ah oo waara waxuu u muuqdaa mid aan dhawaan macquul ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments