Thursday, September 28, 2023
Home Gudaha Warqad Furan – Waa Maxay Fariinta Fahad Yaasiin

Warqad Furan – Waa Maxay Fariinta Fahad Yaasiin

Jamhuriyadda

Warqad furan waa hab farriin-gudbin loo sameeyo si ulakac ah, iyadoo la marsiinayo warbaahinta si uu u gaaro madax iyo shacab. 

Warqadiihii furnaa ee ugu saameynta badnaa, tan iyo soo ifbixii habkan farriin tabinta ah waxaa qalinka u qaatay Emila Zola, qoraa caan ah oo u dhashay Farransiiska, iyo Martin Luther King oo ahaa u doodaha xuquuqda madaniga ugu caansan dalka Maraykanka.

Émile Zola, ayaa 13kii Janaayo 1898 ku daabacay wargeyska L’Aurore warqad furan oo uu cinwaan uga dhigay “waan ku eedeeynayaa- J’Accuse….”. Qoraaga ayaa ku hagaajiyey farriintiisa Madaxweynaha Faransiiska ee waagaas Felix Faure. Waxuu dood sharci ah ka keenay xabsi daa’inka lagu xukumay Alfred Dreyfus oo basaasnimo lagu eedeeyey. 

Martin Luther King ayaa warqad furan oo uu cinwaan uga dhigay “Qofka Madow waa Walaalkaa” qoray Abriil 16, 1963. Waxuu farriintiisa ku socodsiiyey dadka Maraykanka. 

Habkan farriin-gubinta qoraaga warqadda furan waxuu caan ku yahay xogo muhiim ah oo uu hayo, waxuuna u soo gubiyaa xogtaas hab duurxul ah, maadaama uusan ka tirsanayn golayaasha la isku dhegaysto ee dastuuriga ah ee uu dal leeyahay. 

Inkastoo, aad loogu falanqeeyey baraha bulshada iyo idaacadaha maxalliga ah, warqadda furan oo uu qoray Fahad Yaasiin waxaa la hareer maray dulucda iyo nuxurka ay xambaarsanayd warqadda. 

Inta aynaan u gudaggelin nuxurka iyo macluumaadka ay xambaarsanayd, bal aannu dul-istaagno Fahad waa kuma? 

Wuxuu ahaa gacanta midig ee maamulkii Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, madaxii Hay’adda Sirdoonka Qaranka, suxufi ka tirsanaa warbaahinta Aljasiira, iyo weliba waa qaabeeyaha siyaasadda nabadaynta Soomaaliya.  Intaas waxaan is leeyahay waa qeexidda uu istaahilo Fahad Yaasiin, haddii loo sharraxayo ruux aan aqoon u laheyn. 

Halkaas waxaa ka cad in Fahad oo aan lagu aqoon gole ka hadal, ama shaashad (TV) hor-istaaga, uusan si laablakac ah u qorin warqaddan furan, balse, farriintu tahay mid wajiyo badan ah.

  • U soo bandhigadda bulshada khataraha ku xeedhan nidaamka dowlad dhiska Soomaaliya. Qoraaga waxuu aad ugu nuux-nuuxsaday sida ay basaasiinta shisheeye ugu dhex-milmeen hay’adaha dowladda, iyagoo door muuqata ku leh jaangoynta siyaasadda, iyo hagidda ra’yiga bulshada.
  • U soo bandhigidda bulshada gacmaha ay ku adeegtaan basaasiinta shisheeye.
  • Soo bandhigidda madax diidday inay qaataan cad quureed, si loo hagardaameeyo qaranka, kuwaasoo doorbiday inay ka dagaan sallanka (Gaariga ka dag adigoo aanan qallibin).
  • Soo bandhigida madax run moodday dhabar ka taabadka shisheeye, kuna dhacay dabinka, balse waaga ku baryey goorey xeedho iyo fandhaal kala dhaceen.
  • Uga digista Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre inuu ku dhaco dabinka sirdoonada shisheeye, kuwaasoo si fudud oo xirfadeysan uga jillaabta ismaandhaafka hay’adaha dowliga dhexdooda, aynaba dhici karto inuu Fahad Yaasiin hayo xogo muhiim ah oo la xidhiidha jiritaanka unugyo si firfircoon oo haatanba ku howlan iska horkeenidda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisulwasaarihiisa. 

Fahad Yaasiin waxuu ammaan xad-dhaaf ah huwiyey Xamse Cabdi, sida ruux xalaalquute ah, aad uga fog musuqa, misna, aan aheyn shisheeye kalkaal. 

Su’aasha Fahad Yaasiin ku soo noqonaysa ayaa ah, Xamse Cabdi Barre  miyuusan ahayn garwadeenka musuqii doorasho ee ku caan baxday “seddax ruux keen, anigaa kala baxaya kan noqonaya xildhibaan Jubbaland” taasoo sababtay colaad sokeeye oo ilaa haatan ka taagan gobolka. Mise Fahad Yaasiin waxuu aaminsan yahay inuu bannaan yahay musuqa siyaasadda!

Waxaa ilo xogogaal ah ay tabinayeen in Xamse Cabdi uu maamul-gobleedka Jubbaland ka fulinayey qorshaha sirdoonka Kenya, si Axmed Madoobe loogu hayo hoggaanka Jubbaland. Hadaba su’aasha waxay tahay Fahad Yaasiin ma waxuu u arkaa wax u bannaan siyaasadda in shisheeye loo kaashado korista jaranjarooyinka xukunka?

Mise Fahad Yaasiin waxuu adeegsanayaa  falsafadda ah, “bogaadinta iyo ammaanta waa hab farshaxan siyaasadeed ah oo ay adeegsadaan jilayaasha siyaasadda si ay u xaqiijiyaan gaarista hadafkooda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments