Jamhuriyadda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo June 22, 2023, hortegay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (QM) ayaa soo bandhigay horumarka laga gaaray halbeegii nidaamka maamulka hubka iyo rasaasta, si dib loogu qiimeeyo cunaqabateynta dalka saaran. Dayrtii dhaweed ayuu Midowga Afrika ugu baaqay golaha in cunaqabateynta hubka iyo saanadda laga qaado Soomaaliya, si ay u dhammaystirto dibudhiska ciidamada qaranka inta aan la soo afjarin hawlgalka nabad ilaalinta (ATMIS).
Imaaraadka oo aan lagu aqoon u hiillanaanta dibudhiska dowladnimada Soomaaliya, ayaa Madaxweynaha ku caasuumeen madasha, taasoo ujeeddadeedu hadal hayn lagu kala aragti duwan yahay ku soo kordhisay doodda qaranka. Walaacu waxuu ka taagan yahay in Xasan Sheekh waqti xasaasi ah talasaartay Imaaraadka oo heshiisyadoodii iskaashi amni iyo difaac ee dalalka Yeman, Liibiya, iyo Sudan ka dhalatay cawaaqibxumo.
Dhinaca kale, cunaqabateynta, sida ay u saamaysay la dagaallanka argagixisada khatarta ku ah nabadda iyo amniga, waxay u muuqata mid beegsatay dibudhiska ciidamada qaranka. November-kii tegay, ayuu Goluhu muddo sanad ah (November 15, 2023), ku kordhiyay iyadoo ay tahay tii ugu dheereyd uguna ballaarnayd ee dal lagu soo rogo, kaddib markii dadaalkii Midowga Afrika ay fashiliyeen dalal ay ka mid yihiin Yurubta galbeed, Imaaraadka, iyo Keyna. Taas waxay markhaati ka tahay in jiho beddelkii diblomaasiyadda wax badan lagu dheefin.
Arrinka Imaaraadka ayaa si weyn ugu muuqdo mid la xiriira isla jaanqaadka Muqdisho iyo Washington oo beddelay mowqifka Washington ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya. Xoghayaha Gaashindhigga dalka Mareykanka Lloyd James Austin oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku qaabilay Pentagon Arbacadii June 21, 2023, ayaa ku ammaanay Soomaaliya horumarka dhabta ah ee ay ka gaartay dagaalka argagixisada xilli aad u qalafsan oo uu hawlgalka Midowga Afrika (ATMIS) gabagabo yahay.
Labada xaalladood mid aan ahayn ayaa ka dhalatay socdaalkii Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Abshir Cumar Jamac oo May 26, 2023, dhiggiisa Sergey Lavrov kula saxiixday heshiisyo iskaashi oo aan nuxurkooda la faafin. Galbeedka oo aan marnaba dooneyn in Soomaaliya yeelato ciidan cudud leh ayay u muuqataa inuu ka walaacay Moscow, Beijing, Ankara, iwm., diyaar ula yihiin Muqdisho taageero ciidan xilli sharafdhac uu kala kulmay dagaalkii Itoobbiya.
Sideedaba, Soomaaliya waxaa dhibaato ku haya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:
- In la bilaabay dhimista ciidamada hawlgalka Midowga Afrika (ATMIS) iyadoo ciidamadeedu awood lahayn;
- In bil ka hor hawlgalka ATMIS ee Shabeellada Hoose lagu qaaday weerarkii ugu khasaaraha badanaa taniyo markii uu bilowday la dagaallanka argagixisada;
- In ciidamada dowladda oo aan kaashanayn dadweynaha isku diyaarinayaan wejigii labaad ee hawlgalka; iyo
- In ciidanku uusan haysan agabka lagama maarmaanka u ah dagaalka dalalka deriska kala qaybgeli doonaan ee kaymaha gobollada koonfur galbeed iyo jubbaland.
Waxaa xaqiiqa ah in tillaabada dib ula xiriirka Ruushka ee walaaca ku riday Brussels iyo madaxweynaha la saluugsan yahay inuu Golaha Ammaanka hortagay aysan ahayn wax iska dhacay, balse waa shax ku timid weerar diblomaasiyadeed oo looga gol leeyahay cadaadin kuwa ku haya dibudhiska dowladnimada Soomaaliya “ha kicin hana kufin”. Waxaase naxdin leh, in mucaaradka marnaba maankooda ka korin inuu ku mowqif noqdo shisheeyaha had iyo jeer dhaleeceeya qaran dhiska Soomaaliya iyo kuwa argagixisada u adeega ee baafinaya in hubku uu ku dhici karo gacmo qaldan.