Jamhuriyadda
Misaajidka Al-Raxmaan ee ku yaal Xaafadda Bankaariyo (guryaha bankiga) ee waddada garoonka diyaaradaha (degmada wadajir) ayaa May 19, 2023 la bililiqaystay kaddib markii cagaf-cagafyo si sharcidarro ah dowladdu ugu soo dirtay ay dumiyeen xeendaabkii aaggii weesaqaadka iyo derbigii maktabadda. Waxyaabaha laga bililiqaystay waxaa ka mid ah makaroofinkii (amplifer) adaanka iyo kitaabihii waqafka ahaa ee masjidka.
Misaajidka waxuu eedsaday amar ka soo baxay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo sheegaya inuu March 13, 2023 dib ula wareegeen dhulka iyo guryaha Bankaariyo. Taniyo xilhayntii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa guryaha oo ku fadhiya dhul baaxadiisa gaarayso 145 kun (square meter) ka taagnaa muran milkiyadeed.
Bankiga Dhexe waxuu curtey 1di Luulyo 1960. Wixii ka horeeyay taaariikhdaas waxaa gacanta ku hayay “Banco Italia,” waxaana ka shaqaynayay 12 shaqaale Talyaani ah iyo Cavaliere Baba Munye oo Soomaali ah. Sanadku markuu ahaa 1963di ayuu bankiga go’aansaday in shaqaalihiisa oo kor u dhafeen 50 qof loo dhiso guryo lagu maalgelinayo lacag looga aruuriyey howlgab (retirement fund), iyadoo shaqaale kasta oo qaata guri uu si tartiib tartiib ah u bixinayo wixii ka harsan qiimaha.
Sanadkii xigay (1964di), waxaa la bilaabay dhismaha 22kii guri. Maadaama guryaha laga dhisay meel ka fog korontada iyo biyaha magaalada, waxaa loo qoday ceel loona rakibay matoor koronto oo ku filan baahidooda. Waxaa kaloo laga ag dhisay maqaasiinka guud ee kaydka dokumentiyada bankiga “off-site documents archive”.
Shariif Abubakar Maxamed Iimaankiyow iyo Cali Maxamed Ibraahin oo ka tirsanaa sideedii saraakaal ee ugu horeeyay oo uu bankiga qaato laguna soo tababaro muddo lix bilood ah dalka Talyaaniga ayaa ka mid ahaa shaqaalihii mutaystay ee lagu wareejiyay guryaha bilawgii Janaayo 1966dii. Waxaa xafladda furitanka ka qeybgalay xildhibaanno, wasiirro, iyo akhyaartii magaalada Muqdisho, sida ay xusayso warbixinta sanadlaha ah ee bankiga (annual report).
Tariikhda xaafadda Bangaariyo oo ay ku yaalaan 54 guri iyo masjid way dheer tahay, waxaase muhiim ah in la xuso seddax dhacdooyin oo ifinaya milkiyadda guryaha:
Bishii December 1969kii, waxaa amar soo saarey Golaha Sare ee Kacaanka iyagoo doonaaya in guryaha Bangaariyo uu degaan u noqdo saraakiisha afgambiga kula wareegay talada dalka. Bankiga Dhexe oo ka warbixinaya milkiyadda guryaha ayaa ku wargeliyey Golaha in guryaha ay leeyihiin shaqaalaha bixiyay lacagtii lagula heshiiyay. Golaha wuu ku qancay wuuna ka aalay inuu la wareego.
Taas waxaa xigay in Kacaanku qaato mabda’a hantiwadaaga qarameeyana May 7, 1970, hantidii guud ee bankiyada shisheeyaha. Wasaaradda Gaashaandhiga oo arrinkaas ka duulaysa ayaa sanadkii 1975ti damacday in guraha Bangaariyo la soo dejiyo khubaro Ruush ah oo la talinayay ciidamadda cirka ee Soomaaliya. Bankiga Dhexe oo aan ka beensheegin xaqiiqada milkiyada ayaa dowladda ku wargeliyey in guryaha aysan ku jirin hantida la qarameyay, balse, shakhsiyaad ka tirsan shaqaalaha bankiga ay leeyihiin mulkiyaddooda.
Bartamiii 1980yadii (1985/86) waxaa geeriyoodey ALLAHA u naxariisto Maxamed Axmed Suleyman Ciise oo naaneestiisu aheyd “Ciise Af-gub” kana mid ahaa saraakiishii bankiga ee guryahaas iibsatay. Marxuum Ciise ma laheyn xaas iyo caruur midna, waxaana dhaxlay milkiyaddii gurigiisa walaalihii. Bankiga Dhexe kama horiman dhaxalka kuma faragelin dhaxaltooyadii milkiyadda guriga.
Guriyo bankiga maalgeliyo amaseba dowladda dhisto oo lagu wareejiyo shaqaale uguma horeeyn kuwa Bankiga Dhexe. Xaafadda kaasa boobolaare “casa popolare” waxaa loo dhisay in shaqaaluhu si tartiib tartiib ah u iibsado. Sidoo kale, waxaa saraakiisha dowladda laga iibiyay guryaha “Weliyow Cadde” ee ku yaal waddada Jamal Cabdinasir, inta u dhexeysa waddada Radio Muqdisho iyo Golaha Shacabka.
Dood kama taagna in dowladdu xaq u leedahay inay la wareegto “hanti gaar ah” iyadoo dan guud loo adeegsanayo. Balse, in Bankiga Dhexe uu hantida gaarka ah ka iibiyo shakhsi(yaad) gaar ah (private entity) wax qaanuun ah oo bannaynayo la wareegiddooda ma jiro ayuu yiri qareen Soomaaliyeed oo arrinka hoos ula socda.
Falka aan laga fiirsan ee ku xadgudbaya xukunkii Maxkamada Sare ee January 19, 2016 waxuu keeni karaa inuu hakiyo maalgashiga dalka Soomaaliya uu ka sugayo dibedda. Khubarada sharciga waxay rumeysan yihiin in shakhsiyaadka oo haysta milkiyadda guryaha ay xaq u leeyihiin inay dacwad ka furaan maxkamadaha caalamiga ah, kol haddii dowladda Soomaaliyeed aysan tixgelinayn qaraarka maxkamadaha dalka, taasoo saamayn aad u xun ku yeelan doonto kalsoonida maalgashatada caalamka.