Thursday, September 28, 2023
Home Gudaha Ku Wareejinta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Amniga Qaranka

Ku Wareejinta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Amniga Qaranka

Jamhuriyadda

Qarax u muuqda iskuday lagu hakinayo ka wareejinta shisheeyaha amniga qaranka iyo isku-dhafidda cutubyada Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ayaa Isniintii July 24, 2023, lala beegsaday Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho. Khawaarijta ayaa ka faa’iidaysatay goldaloolooyin ka jiray amniga xerooyinka ku yaal bartamaha deegaannada shacabka. 

Dhacdada oo ka dhalatay masuuliyad darro ayaa ku soo beegantay xilli taliskii khibradda muujiyay laga qaaday hoggaanka ciidanka iyadoo dagaal lagula jiro argagixisada misna isku diyaarinayo hawlgal ku wajahan gobollada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Waxaase dhacdada ka dhigtay mid hadal hayn dhalisa dowladda oo ka gaabsatay soo bandhigidda xogta xasuuqa, inkastoo Al-shabaab dusha u ritay masuuliyaddii.

Dowladda waxaa seegtay inay dadweynaha ka qanciyaan sida lagu soo galay xarun ammaankeeda aad u adag yahay. Dembi baare aan doonayn inuu shaaciyo magaciisa, ayaa yiri “xannibaad ku soo rogista goob faldembiyeed oo ay suurtoggal tahay in caddayntu waxyeelo gaarto (evidence maybe damaged) sharciga ayay waafaqsan tahay”. Balse, in warbaahinta hesho macluumaad lafteedu waxuu muhiim u yahay soo bandhigida dhaqan xumada (malpractice).

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gabbaad ka dhigtay magaalooyinka ayaa isna argaggixisada awood u siisay inay ka taliyaan miyiga dalka badankiisa xilli Xoogga Dalka Soomaaliya uusan heli karin hub cusub, inkastoo si weyn loogu ammaanay geesinimada iyo karti-xirfadeedkaba.

Dowladda oo in muddo ah si qunyar u wadday qiimaynta diyaargarow hawleedka ciidamada iyo karti dhiskoodaba ayaa askarta masiibada haleeshay badankooda ka soo wareejisay gobolka Shabeellada Hoose. Guutada 14ka Okoobar oo ay ka tirsanaayeen ayaa qayb ka ahayd hawlgalkii “Badbaado,” ee lagu sugay dhul beereedka. Xagaagii 2022, ayuu Xoogga Dalka oo kaashanayay dadweynaha muujiyay in khawaarijta u baac dhigi karin kaddib markii uu duullaan kaga saaray gobollada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Ka hortagga khatarta isbeddelaysa ee argaggixisada waxaa caqabad ku ah cunaqabateenta hubka ka sokow dhaqaale xumida dalka. Golaha Ammaanka ee  Qaramada Midoobay (QM) ayaa Jun 27, 2023, isku raacay in laga bilaabo Oktoobar 1, 2o23, la gaarsiiyo taakulaynta UNSOM ee Xoogga Dalka Soomaaliya ilaa 18,900 askari halkii uu ka ahaa 10,900 iyadoo ay suuraggal tahay in la sii kordhiyo.

December 2022, waxaa bilawday dib u soo celinta 3 kun askari oo tababbar gaar ah ku qaadanayay dalka Eritrea, iyadoo ilaa 4 kun kale ay ku sugan yihiin dalkaas. Intaa waxaa dheer, in la filayo in dalka lagu soo celiyo 3 kun askari oo lagu tababaray dalka Uganda. Halka kun iyo shan boqol oo lagu tababarayo Masar iyo laba kun iyo shan boqol askari oo Itoobbiya tababarayso ay haygan u yihiin ka qaybgalka sare u qaadida amniga iyo difaaca dalka.

Guulaha laga soo hooyay dagaalka dhanka walba leh ee lagu qaaday khawaarijta ayaa suurtoggeliyay in muran awoodeedkii gobolka Gedo si nabad ah loo soo afjaro. Jubbada Hoose oo la geyn doono Xoogga Dalka si barbar socda bixitaanka ciidamada Kenya ee ATMIS ayaa Axmed Madoobe ku riixday sulax siyaasadeedka. Jooggitaanka ciidamada Kenya waxuu murjinayay jawiga siyaasadda maamul-goboleedka Jubbaland.

Soomaaliya ayaa kala wareegtay hawlgalka ATMIS ilaa siddeed xarumood kaddib markii dhammaadkii bishii Jun 2023 dalka laga saaray ilaa 2,000 askari. Waxaa ilaa December 2023, dib loo dhigay 3000 askari oo la filayay inay dalka ka baxdo September 2023. Qorshaha kala guurka (Somali Transition Plan – STP) ayaa qeexaya in ciidamada Midowga Afrika (ATMIS) dalka laga saaro gebi ahaa inta ka horeysa December 31, 2024.  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments