Jamhuriyadda
Shir madaxeedka Ruushka iyo Afrika ee July 27–28, 2023, ka dhacay Saint Petersburg ayaa waxaa ka qaybgalay 17 madax oo ka kala socota dalalka qaaradda Afrika iyo wakiillo ganacsi. Shirka oo October 2022kii, lagu waday inuu ka dhaco Addis Ababa ayaa loo baajiyay dhibaatooyin ka dhashay colaadda Yukraine.
Madashu waxay qayb ka tahay dadaallada Ruusku uu ku doonayo inuu ku xoojiyo xiriirka kala dhexeeya qaaradda oo doorkeeda caalamiga isa soo tarayo. Dalalka Afrika ayaan u godlan cadaadiska Yurubta Galbeed iyo Maraykanka, walow ay ku kala qaybsameen go’aannadii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (QM) ee dhaleeceeynta ficillada Ruushka.
Shir madaxeed 2aad ee Ruushka iyo Afrika waxaa diirradda lagu saaray arrimaha siyaasadda, amniga, ganacsiga, gargaaarka bini-aadannimo, sayniska, iyo farsamada teknologiyada si sare loogu qaado iskaashi faa’iido u leh labada dhinac. Doodda ayaa waxaa lagu nuuxnuuxsaday muhiimadda wax ku kala iibsiga lacagaha qaranka, ciribtirka halista argagixisada ay u leedahay dadaallada nabadda iyo baahida loo qabo aqoon-wadaaga (knowledge-sharing) si loo dabro cudurada faafa loona kordhiyo awoodda qaaradda ee soo saarista daawada.
Moscow waxay soo bandhigtay inay si wadi doonto dadaallada ay ku dhimayso culayska deynta dalalka Afrika, iyadoo ka cafisay dalalka qaaradda 90 malyan doolar oo hor leh. Madaxweyne Vladimir Putin ayaa shirweynaha kaga dhawaaqay in dowladdiisu guud ahaan ka cafisay dalalka Afrika deyn dhan ilaa 23 billion doolar siin doontana taageero dhaqaale oo dheeraad ah.
Madaxda ka soo qaygashay shirka ayaa walaac ka muujisay burburka heshiiska qamadi-dhoofinta ee sanad ku dhawaadka socday oo si aad ah Afrika dhibbane ugu tahay. Madasha waxaa looga dhawaaqay in 3 ilaa 4 bilood gudahood Moscow ka iibin doonto kuna deeqi doonto shixnado sida 25 ilaa 50 kun ton midkiiba dalalka kala ah Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Somalia, the Central African Republic iyo Eritrea.
Moscow oo isku dayaysa inay door saamayn leh ku yeelato sahayda caalamka ayaa soo jeedisay marin dhexe oo la mariyo qamadiga, si ay caqabad fikradeed ugu noqoto Galbeedka. Iskaashiga mustaqabalka ee labada dhinac waxuu xoojinayaa u adkeysi Moscow ee khatarta xannibaadaha maaliyadeed. Putin oo taas maanka ku haya ayaa ku raaligeliyay martisharafta in si taxaddar leh dib ugu eegi doonaan talajeedinta nabadda.
Shirka labada maalmood waxuu ahaa mid ka turjumayay siyaasadda dibedda Ruushka ee cusub. Moscow oo si uun u go’doonsan taniyo markii lagu soo rogay cunaqabateynta ayaa u adeegsatay shir madaxeedka halkudhig leh: “Si wadajir ah uga soo horjeesta gumeysiga cusub ee reer Galbeedka”. Tirada hoggaamiye dowladeedka ka qaybgalay madasha oo ka yar kala bar kii 2019kii, ayuu Ruushku ku tilmaamay cadaadis reer Galbeedka, oo ay isku hayaan diblomaasiyadda dagaalka Yukraine, ku soo rogayn madaxda Afrika.
Moscow waxay isku dayday in dib loo cusboonaysiiyo xiriirkii taariikhiga ahaa ee Afrika oo wixii ka dambeeyay burburkii Midowga Sofyeeti hoos ugu dhacay danayn la’aan. Shirka oo raacsan shirar taxane ah oo loogu magac daray “Shirarka Afrika iyo hal dal ama Africa Plus One”, ayaa saldhig wanaagsan u muuqda inuu u noqon doono qoto dheeraynta iskaashiga labada dhinac.