Jamhuriyadda
Fadeexo caalami ah ayaa hareeraysay Soomaaliya oo ka dhalatay ciyaaryahan uga qaybgashay Xiriirka Ciyaaraha Jaamacadaha Soomaaliya baratanka World University Games FISU oo ka dhacay magaalada Chengdu ee galbeedka Shiinaha intii u dhexaysa July 28, ilaa August 8, 2023.
Badanaaba ciyaaryahanka waxay indhahu qabtaan markuu ku guulaysto waqti aan la rumaysan karin. Balse, Nasro Abuukar Cali oo is-reeb-reebka wareeggii hore ee tartanka oroddada 100 mitir ee haweenka ka gashay doorkii ugu hooseeyay ayaa muuqaal laga soo duubay qaab ciyaareedka fadeexada dhaliyay ku faafay baraha bulshada ilaa warbaahinta caalamku soo xigato.
Murugada Qaran ayaa dalka u soo jiiday dhaleecayn baahsan iyo in su’aalo la iska weediyo habka xulashada ciyaartoyda masraxa caalamiga ah ku matala Soomaalida. Kormeer la’aanta waxay muujinaysaa xaaladda musuqmaasuqa ku baahsan waaxyaha dawladda ilaa sportigu uu u soo diro qof aan orodyahan ahayn tartan natiijadiisa inta badan lagu go’aamiyo ilbiriqsi (wax ka yar hal daqiiqo).
Nasro Abuukar Cali waxay dunida u dhigtay rikoodhkii ugu gaabista badnaa oo loo diiwaan geliyo orodyahan ka qaybgalay tartanka haweenka ee 100 mitir. Laguma darin bogga natiijada ee shabakada ciyaaraha fudud. Ururka Jaamacadaha Soomaaliya oo fadeexada iska fogeeyay ayaa sheegay inaysan marnaba u dirsan tartanka FISU. Tartanka jaamacadaha adduunka “World University Games” oo labadii sanaba mar lagu qabto dal cusub ayaa ah dhacdo u dhiganta Olombikada.
Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Maxamed Barre Maxamuud oo ku baraarugay murugada qaran ayaa Arbacadii August 2dii, amray in la baaro Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Marwo Khadijo Aadan Daahir oo ku eedaysan “ku takri fal awoodeed” iyo “eex,” shaqadana ka joojiyey. Wasaaradda oo Agaasimaheeda Guud uu ka mid ahaa dadkii garoonka ku sagootiyay Nasro Abuukar ayaa isku dayday inay iska-fogaynta dhacdada.
Waxaase la yaab leh in Baarlamaanka Federaalka oo baaritaanno ku furay dhawr wasiir oo ka tirsan xukuumada Xamsa Barre Cabdi uusan ilaa hadda cidna u gudbin hay’adaha fulinta sharciga. Kiisaska oo soo jiitay doodaha dadweynaha ayuu guddiga Golaha Shacabka oo su’aalo weydiiyay Wasiirka Ganacsiga Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ku tilmaamay wax lala yaabo kaddib markii uu ka hor yiri, “fursad walba oo kasoo baxda wasaaraddeyda waxaan uga faa’idayn doono qaraabadeyda”.
Shaki kuma jiro in tani dalbayso wax ka beddel. Caalamku waxuu isha ku hayn doonaa sida Xamsa Barre Cabdi uga falcelin doono mashaqada “u hoggaansan la’aanta shuruucda iyo xeerarka dalka”. Si uusan madaxweynuhu ugu milmin isla xisaabtan la’aanta dhaqan gashay waxuu u baahan yahay inuu dib u dhiso “guddiga madaxabannaan ee la dagaalanka musuqmaasuqa” caddeeyana in dhaqanka wiiqay kalsoonida dadweynaha uusan ahayn mid joogta ah.