Jamhuriyadda
Dadka Soomaaliya oo isku tashanaya ayaa sanad ka hor (August 2022) dagaal aan ka marnayn guul iyo guuldarro ku qaaday argaggaxisada Al Shabaab (AS). Dagaalku waxuu ka dhashay shacabka Hiiraan oo iskood ugu kacdoomay gummaadka lagu hayay. Balse, hadafka duullaanka Ceel Buur ayaa u muuqda mid loogu talaggalay dib u soo celinta saamaynta dowladda ay ku leedahay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
U nuglaanshaha xagjirnimada waxaa albaabbada u furay maamulxumo, qalalaase siyaasadeed, iyo shaqo la’aan baahsan ka sokow, kartidarrada hawlgalka Midowga Afrika oo gabbaad ka dhigtay magaalooyinka waaweyn iyo maqnaansho siyaasad cad ee dowladeed.
Siyaasadda Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xamsa Cabdi Barre ee cadaadiska dhaqaalaha argaggixisada, ololaha caqiidada, iyo dagaalka jiidda hore waxay soo kordhisay rajo guul. Duullaanku waxuu tijaabo u yahay in degaanka ka badbaado dhul boob iyo dhul ballaarsi. Dadku waxay rumaysan yihiin in kooxda Ahlu Sunna oo mamnuuc ka ah Galmudug aysan wax aan ahayn fidno soo kordhin doonin.
Waxaa hubaal ah in aan guul waarta laga soo hoyn karin hawlgalka gobollada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ilaa dowladdu kasbato quluubta dadweynaha deggan deexda (dhul-xeebeedka) Galmudug oo door muhiim ah ku leh xakameeynta dhaqdhaqaaqa argagixisada. Xeebaha gobolka waxaa ku yaal marsooyin dabiici ah oo argagixisadu kala soo degto hubka iyo saanadaba.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa mar kale danlayda siyaasadda si ulakac ah u dhaawaceen sumacda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo si weyn loogu ammaanayo geesinimo iyo karti-xirfadeed. Ciidanku weli kama soo kaban bahdilkii saldano doonka ahaa ee kooxda damijadiid.
Baaris saxaafadeed madmadow gelisay guul sheegashada goobaha dagaalka ayaa ku andacootay in dowladdu shacabka ka qarisay xaqiiqo naxdin leh (jab). Qoraagu waxuu soo bandhigay xog aan si madaxbannaan loo xaqiijin, balse ku filan abuuris hurin niyad jab leh.
Su’aasha madaxa ka weyn ayaa ah: Maxaa warbixinta ku soo beegay xilli ummaddu welwel iyo walbahaar ka qaadeen qarax lala beegsaday Kulliyadda Jaalle Siyaad iyadoo dalku ku jiro olole lagu soo afjarayo gacan ku haynta Al-shabaab ee gobollada koonfur?
Muwaadin aan la sheegin magaciisa ayaa yiri, “shaacinta xogta aan la xaqiijin karin waxay ka qayb ka tahay ololaha saldanad doonka nabad iyo nolol oo si joogta ah dadweynaha ugu muujiya in dagaalka argaggixisada yahay guuldarro dowladeed”. Dagaalka sokeeye waxuu dalka baday in danleyda siyaasadeed u tartamaan shisheeye dan gaar ah ka leh dalka.
Inkastoo, mucaaradku xaq u leeyahay inuu muran geliyo siyaasadda iyo karti-xirfadeedka kuwa had iyo jeer xilka haya, haddana dacayadeynta Xoogga Dalka waxay ka soo horjeedaa wax kastoo laga aaminsanyahay qarannimo. Waxaa maragmaddoonta ah in argaggixisadu lumisay gacan ku hayntii gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe awoodoodana ku soo hartay ku dhufo oo ka dhaqaaq (carar), iyo ismiidaamin gaadmo ah.
Shaki kuma jiro in dadaallada looga hortagayo argaggixisada ay yihiin lagama maarmaan, waxaase sidoo kale muhiim ah in Dowladda Federaalka iyo Maamul-gobleedyada ay dhisaan dawladaha hoose ee deegaanada ay dib u furteen si wax looga qabto baahida muwaaddiniiinta loona fidiyo adeegyada caddaalad, dhaqaale, caafimaad, iyo waxbarasho oo yareyn kara labakacleynta xagjirnimada.