Thursday, September 28, 2023
Home Gudaha Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda  

Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka ee garoonka Muqdisho. Shaqaalaha ayaa lagu soo eedeeyey maamul xumo iyo lunsi hanti qaran. Haddii lagu helo dembiyada lagu soo oogay waxaa ka dhalan karta ciqaab.   

Dhagaysiga dacwada waxaa xiiso u yeelay tabinta tooska ah ee doodaha ka dhacaya gudaha maxkamada oo ay tabinayaan warbaahinta maxalliga ah. Indheergarad badan ayaa u arka inay tani tahay bar bilowga sixitaanka hanaanka caddaaladda Soomaaliya, maadaama khabiirrada sharciga si fudud ku ogaan karaan meelaha u baahan tayeynta iyo toosinta.   

Warsidaha Jamhuriyadda oo u helay fursad inuu kala hadlo khubaro Soomaaliyeed oo aqoon durugsan u leh hannaanka cadddaaladda ayaa sheegay in Soomaaliya u baahan tahay in maalgelin weyn lagu sameeyo hannaanka caddaaladda, si dalku u helo garsoor la isku hallayn karo.   

Mid ka mid ah khubaradan oo aan la hadalnay ayaa yiri “kaddib markii aan dhegaystay doodaha, iyo sida Qareen Dudaaye u burburinayo caddaymahii xeer-ilaalinta, hantidhawrka, iyo hannaanka hagista maxkamada, waxaa ii muuqday in baahi weyn loo qabo tayeynta xafiisyada xeer-ilaalinta, hanti dhowrka iyo weliba garsoorka. Intaa waxaa dheer in Garsoorku u baahan yahay tayeeyn ka sokow, in si dhab ah loo “madaxbanneeyo hawlihiisa”.  

Sugidda caddaalad waxay wax ka tartaa ilaalinta nidaamka iyo kala dambaynta bulshada iyadoo la ciqaabayo kuwa sharciga ku xadgudba, isla-markaasna la xaqiijinayo in eedaysanayaasha si habboon loo baaro, si loogu soo oogo si sharciga waafaqsan eedayn ama eedaymo loona oggolaado inay yeeshaan qareen daafaca oo garsoorka u fidiyo haddii uusan awoodin, si loo dammaanad qaado xukun caddaalad ku dhaca.   

Xeeldheerayaasha caddaalada ayaa si weyn u rumaysan inaan caddaalad la heli karin, haddaanan dhug loo yeelan nuxurka qodobadan:

1.      Aqoon sharci:  U helidda dambiyada caddaalad ayaa u baahan inuu baaraha, difaacaha, iyo garsooraha uu yeesho aqoon sharci dembiga qudhiisa si hay’adaha garsoorka shaqadooda si hufan u gutaan. 

2.     Aqoonta kumbiyuutarka: casriga aynu ku jirno dunida ayaa si aad ah ugu tiirsan tiknoolajiyada dhijitaalka ah. Sidaa daraadeed, waxaa muhiim ah in baaraha, difaacaha, iyo garsoorkaba ay yeeshaan aqoonta kumbiyuutarka si xogta dembiilaha loo geliyo kaydka kombiyuterrada (servers) garsoorka, xogtana u noqoto mid xafidan. 

3.     Forensics: waa hab baaris ah, iyadoo la adeegsanayo sheybaarka si loo hello caddayn cilmiyeed, sida DNA, caddaymaha faraha, sawir qaadista, dhallan-rogga midabka iyo muuqaalka jidhka

4.    Af iyo qalin-maal “communication”: xirfadda qoraalka iyo hadalka ayaa muhiim u ah caddaalada. Qorista dukumeentiyada sharciga ah, tafaasiisha goobta, ama la hadalka dhibbanayaasha, marqaatida, iyo tuhmanayaasha waxay u baahan tahay mid si cad u qeexan qoraalkooda soo bandhigiddooda. Si loo gaaro xaqiiqada waxaa tixgelin mudan, xirfada qaadista wareysiyada, iyo degenaansho dhegaysiga.   

Xeeldheerayaasha caddaalada ayaa talo ku soo jeediyey: 

  • Xirfadalayaal ka hawlgala laamaha caddaalada, kuwaasoo lagu xulanayo aqoon, daacadnimo, iyo inuusan laheyn diiwaan dembi hore. Bahda caddaalada waa inay yeeshaan akhlaaq wanaagsan, karti iyo hufnaan aan la awoodin in la laaluusho amaseba lagu iibsado hadiyo la taaban karo si ay u difaaci karaan xaqa, iyo helista runta. 
  • In garsoore waliba ka garnaqo waxuu ku takhasusay, kala saarista dacwadaha madaniga iyo dembiyada culus. Tusaale garsooraha bartay shuruucda wada marista inuusan qaadi karin kiis la xidhiidha ganacsiga ama lacag dhaqid (money laundering). 
  • Abuurista iyo xoojinta kala saraynta heerarka maxkamadaha. 
  • Sharci xadaynaya awoodda hawlwadeennada caddaalada.
  • Jiritaanka xukun sharciyeed oo ay bulshada raali ka tahay, 
  • Jiritaanka madal looga dacwoodo xadgudubyada ay geystaan u adeegayaasha laamaha caddaalada. 
  • Joogteenta tabinta fadhiyadda maxkamadda. 
  • Garsoor, iyo boolis ka madaxbannaan saameynta aragtiyada siyaasadeed iyo dhaqan ee ka dhex jira bulshada.

Dalka waxaa gilgilaya fadeexooyin caqabad ku ah dib u soo kabashadiisa, mana laha shuruuc qeexaysa wax-is-daba-marin, musuqmaasuq, iyo wax kasta oo sharcidarro ah si looga hortago laaluushka iyo lacagaha aan ku dhacayn khasnadda dowladda. Xubnaha golaha wasiiradda iyo kuwa sharcidejinta waa inay soo bandhigaan hantidooda xilhayn kasta si loola xisaabtamo.  

Caddaalada iyo nabadgelyada ayaa ah labo shey oo isku sidkan. Dhaawaca gaara hannaanka caddaalada waxaa ka dhasha amnidarro iyo kala irdhowga bulshada. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments