Thursday, September 28, 2023
Home Gudaha Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda

Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa sababay in dib looga soo gurto deegaanada Ceel-Buur, Ceel-Dheer, iyo Masaggawaa. Dagaal kama marna guul iyo guuldarro, waxaase dib u gurashada loo aanaynayaa fashil hoggaan (dhayalsi dhagar argagixiso iyo ka dhego adkaysi talooyinkii saraakiisha jiidda hore).

Waxaa la galay marxalad fashilka sirdoonka uu yahay guuldarro siyaasadeed iyo mid nafba. Xeelad argagixisada ku dagaalayso ayaa ah inay jibiso niyadda ciidanka si uu u jahawareero una kala daadato kala dambeynta. Dagaalka waxuu kaloo soo bandhigay sida dhaqamada musuqmaasuqa uga daran yihiin arxan la’aanta argagixisada.

Dhawr sarkaal oo la xiro waa astaan wanaagsan haseyeeshee, kuma filna isla xisaabtan dhab ah. Hoggaanka dalka ma qaddarin sida maamul-xumidu u saamayn karto is-kaalmaynta cutubyada jiidda hore. Dabcan dibuhabayn waxay qaadataa waqti, balse xukuumaddu maba isku dayin qaab lagu ciribtiri karo aafada. Waxay bixisay dalacsiin halkii laga sugayay derejo ka qaadis iyo dib isku shaandheen ballaaran!

Cillad kaloo aasaasi ah waxay ahayd in lagu guuldarraysto in la fahmo “dareen hoosaadka bulshada” nawaaxiga degta [Ceel Buur, Ceel-dheer, iyo Masaggawaa]. Mas’uuliyiinta waxay iska indhatirayn caloolyowga loo hayo nidaam dowladeed. Deegaanka waxuu ahaa goob kuraasta baarlamaanka dhiig looga soo gurto xilligii dowladdii rayidka.

Balse, nolol tayo adag waxaa baday in waddadii isku xiraysay Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya dhan kale looga duway xilligii kacaanka. Dowlad adeeg bixisa oo aan micno ugu fadhin ayaa keentay in deegaanka laga rumaysto in argaggixisada kala badbaadiso dhigga oodwadaagta.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii hore dad yar ayaa rumaysnaa in lala dagaallami karo argaggixisada iskaba daa in guul la taaban karo laga soo hooyo. Ma qarsoona in Xasan Sheekh Maxamuud uu dagaal ka doorbidayo hindiso wadahadal ilaa argaggixisada la gaarsiiyo heer ay waxtar beesho xitaa haddii saldanidiisu ku lumayso ama dalku ku hurayo naf iyo qalab. 

Waxaase dood culus soo kordhiyay in siyaasiyiin aan la magac dhabin iyo saraakiil ciidan ee hore isku hawleen sidii loo fashilin lahaa la dagaallanka argaggixisada. Siyaasiyiinta ma aasin murankooda siyaasadeed midnimo qaranka darteed. Taas waxay muujinaysa bisayl darro siyaasadeed oo baalmarsan qiyamka qarannimo. U dulqaadashada argaggixisada iyo iska hortaaga in la wiiqo awoodeeda marna uma adeegayaan amniga iyo difaaca qaranka. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Soomaaliya: Qareen Dudaaye oo Qaawiyey Hannaanka Caddaaladda 

Jamhuriyadda   Maxkamada Gobolka Banaadir waxaa ka socda maxkamadeynta eedaysanayaal ka tirsanaa shaqaalaha waaxda maaliyadda, iyo socdaalka...

Recent Comments