Friday, December 1, 2023
Home Caalamka Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda

Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood ee joogta ah ee Golaha Amniga (Britain [UK], Fransiiska, Ruushka iyo Shiinaha) ayaa ka furnay New York. Shir sanadeedka ayaa bisha September ee sanad walba kulmiya 193 waddan kamana marna fariimo maldahan, dhagar iyo riwaayadeen inkastoo, uusan u furnayn dadweynaha.

Shirku waxuu ku soo beegmay xilli dunada wajahayso colaad dabadheeraatay, cimilad aan hore loo arag, sicirbarar cuno oo ka sii daraya, iyo muhaajiriin magangalyo doon ah oo xadhaaf ah. Volodymyr Zelenskyy ayaa dooddii guud ee Talaadadii September 19, 2023, dunida ku caraadiyay in Ruushka laga xayuubiyo awoodda diidmada qayaxan ee Golaha Amniga. Wax yar kaddib, Sergey Lavrov oo aan fool-ka-fool la kulmi ayaa isna Yurkrain u soo jeediyay dhaleeceyn.

Golaha Amniga ayaa noqoday goob shanta xubin ee joogtada ah ku masquulan yihiin loollan siyaasadeed. Inta badan Golaha Guud oo ah hay’adda ugu sareysa QM, dhammaan xubnaheeduna leeyihiin min hal cod ayaa cawilcelis u noqota xallinta khilaafaadka Golaha Amniga marka ay timaad wax ka qabashada dhibaatooyinka waaweyn ee caalamka.  

Dhinaca kale, Recep Tayyip Erdoğan oo beesha caalamka in muddo ah ku boorinayay in dib loo eego qaab-dhismeedka xubinimada Golaha Amniga oo aan ka tarjumayn duruufaha hadda taagan ayay u muuqata doodiisu mid madax ay ka mid yihiin Madaxweyne Joe Biden, Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz, iyo Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres si uun u taageersan yihiin.

Caalamka Koonfur (Global South) ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga xun yihiin sinnaan la’aanta ka jirta hay’adaha caalamiga (QM, Bankiga Addunka, Ururka Ganacsiga Adduunka, iwm). Hoggaamiyeyaal Afrikaan oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Togo Robert Dussey  ayaa ugu baaqay Galbeedka iyo awoodaha kaleba inay ixtiraamaan dalalka Afrika beddelaana sida ay ula dhaqmayaan Qaaradda.

Soomaaliya waxaa madasha loo dhan yahay uga qaybgalay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre xilli farqiga u dhexeeya dalalka soo koraya iyo kuwa horumaray uu sii kordhayo. Dulucda dooda guud ee sanadkaan ayaa ahayd “dib u dhiska kalsoonida iyo dib u soo celinta midnimada caalamka,” mase u muuqato mid ka gudbi karta caqabadaha hor yaal inta quwadaha caalamku isfiirsanayaan.

Inkastoo QM ka mashquushay booggadhayiga dhibaatooyinka ka taagan dunida, haddana Shiinaha oo aan hore loogu aqoon siyaasad ayaa si aan la filay u suurtaggeliyay isku soo dhawaashaha xiriirka Riyad iyo Tehran taasoo wax badan ku soo kordhin doonata nabadda gobolka. Beijing waxay kaloo soo jeedisay inay xal la raadiso Israel iyo Falistiin walow, Maraykanka uu dabada ka riixayo caadiyeynta xiriirka Boqortooyada Sacuudiga iyo Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments