About

JAMHUURIYADDA MAANTA IYO BERRI

Jamhuriyadda,waa bar warbaahin u kuurgasha dhacdooyinka muhiimka ah, falanqeysa arrimaha soo wajahaya dalka, dhiirigeliysa doodaha (ra’yiga) wax ku oolka u ah isbeddel dimoqraaddiyadeed, si loo kordhiyo garaadka dadweynaha iyo codadka kala duwan ee warbaahinta dalka.

1. Madaxbannaani

Jamhuuriyadda waa wargays ka madaxbannaan Dawlad iyo Mucaaradba kuna tiirsanayn taageero ama yabooh dhaqaale dhinacyadaas ka yimid  ama kuwa iyaga ka duwan xaate. Wargaysku gacansaar lama laha xisbi, hay’ado, urur caqiidadded iyo shakhsiyaad ha ahaadaan kuwa gaar ah ama ganacsato ah iyo kuwa loo yaqaan dadka shaqada (Buisinessmen).

2. Himilo (Mission)

Jamhuuriyadda himileheeda ugu weyn waa in xaqiiqda dhacdooyinka dalka iyo  dunida ay ugu soo gudbiso akhristayaasheeda hab warbaahin sare ah oo aan dheelliyin, dan gaar ah bursanayn, ku dhisan run iyo xaqiiqa-doon kana caagaan ribix siyaasadeed iyo dhaqaaladeed iyo cid gooni ah  u hiilinteeda.

Aragtiyadeeda, qoraalladeeda iyo saadilainteedaba waa kuwa kasoo burqada hab dalilisiga dheegashada ka fog cuskan daliil iyo mandhaq–lojik iyadoo ujeeddada qura ah ay ku cabbiranyihiin in akhristayaasheeda ay fahmaan dhacdooyinka dalka iyo dunida meesha ay marayaan iyo meesha ay ku biyashubanaayaan.

Jamhuriyadda waxay aaminsan tahay oo ayna ku qanacsan tahay in cidda ay u adeegayso oo ay garaadkooda iyo wacyigooda kobcinayso ay yihiin mwuaddininta akhristayaasheeda ah.

3. Xeer Hoosaadka Wargayska

Ee khuseeya weriyayaasha, tifaftirayaasha, qoraayaasha wargayska iyo kawa martida u ah wargayskaba.

  • Werinta iyo qoraallada wargeyska waa inay ka turjumaan xaqiiqda dhacdada mawduuca ama ujeeddada werinta iyo  qoraalka ah. Werinta iyo qooraallada waa inay ku salaysnaadaan dadaal iyo juhdi dheeraad ah xagga baadiggoobka runta iyo xaqiiqda, waa inaysan ku salaysanann war ama dhacdo kutiri-kuteen ah ama war laga soo tebiyaay cid aan u qalmin kalsoonida la siiyay.
  • Ka dheegaasho  (Plagiarising) qorallo horey loo qoray iyo ku xadgudbidda  xuquuqda qoraalka ee dadka kale waa wax ka baxsan anshaxa laga filaayo bahda wargayska.
  • Raadraaca  qoraallada waa inay waafaaqsanaadaan hannaan ka mid ah hannaannada raadraaca caalamiga (Citation Reference Styles ). Mar allaale marka la adeegsado oraah shakhsi uu leeyahay waa in la raaciyaa magaca ebyoon ee curiyayha laga soo ergaday. Haddii hadalka ama warka laga soo tebiyay wargeys ama boloogyada shabakada waa in la xusaa magaca iyo taariikhda iyo wax allaale wixii fududayn kara helitaanka raadraaca.
  • Werinta iyo qoraallada waa inay ka caagganaadaan eraya anshaxa caadiga ka baxsan sidaasoo kale waa inaysan caddayn ama sarbeebin liidid, saluug qayaxan,  ama quursi shakhsi,  beel iyo bulsho, islamarkiina dhawraan sharafta iyo qabka ay leeyiihiin.
  • Hawsha saxaafadeed ee Jamhuuriyadda waa mid ku dhisan wadashaqayn iyo iskaashi. Waa lagama maarmaan inaysan jirin cid cid kale ka hagrsanaysa aqoon, macluumaad,  akhabaar iyo qoraallo cid ka tirsan  bahda wargeyska.
  • Weriyayaasha, tifaftirayaasha, iyo qoraayaasha waxay xaq buuxa u leeyihiin inay xubin ama madax ka noqdaan Ururrada Saxaafadda kuwa dalka iyo kuwa caalamiga ahba iyagaana xor u ah go’aanka cidda ay ka mid noqonaayaan. Waxaaase ka reebban inay maqaallada ama wararka uga xilsaaran wargeyska ku daabacdaan wargesyo kale ama ugu yaboohaan ilo warbaahin kale. Haseyeeshee,  maqaallada lagu daabaco waxaa xuquuqdooda  leh wargeska.

4. Maamulka Wargayska

Masuuliyadda ugu sarraysa ee wararka iyo qoraallada ee wargayska waxaa u xilsaaran Tifaftaraha Guud oo ah marjaca wargeyska. Isaga ayaa go’aan ka gaari kara qoraallada, wararka iyo dhacdooyinka lagu daabacayo wargayska.

Tifaftiraha Guud ayaa shirguddoominaaya shirka tifaftirayaasha iyo weriyayaasha wargeyska ee toddobaadlaha. Isaga ayaa isugu wici kara shir degdeg ah  tifaftirayaasha iyo weriyayaasha go’aanna ka gaari ciddii kale oo goobjoob ka ahaan karto shirka. Tifaftirayaasha iyo weriyayasha ku sugan meelaha ka fog goobta shirka ama sababo hawleed awgeed u maqan waxay kaga qaybqaadan karaan ama ra’yigooda ku dhiiban isgaarsiinta muuqaalka tooska ah (video-teleefonka).

Tifafgtiraha Guud wuxuu awood u leeyahay in maqaallada wargeyska uu u gudbiyo warbaahinta kale oo iskaashi iyo wadashaqayn ka dhexayso wargeyska, hab aan liddi ku ahayn ama ka hor imanayn xuquuqda curiyayaasha.

Advertisements