Waxaan Rabnaa Mustaqbal!

1309

“Mustaqbalkeena ayaa la iibsaday, si tiro yar oo dad ah u samayaan lacag badan oo macquul-ahayn. Anaga ayay lacagtaas inaga xadeen, dadka waweyn rajo been ah ayay noo sheygeen ayagoo leh, mustaqbalkiina ayaa ka shaqaynaynaa, oo been ah. Intayada badan, waxaan iibsan karnaa waxii aynu rabno, balse waxaan rabnaa mustaqbal,” sidaas waxaa tiri Greta Thunberg, oo ka hadlaysay banaan bax looga soo horjeeday Kulaylka Cimilada Aduunka, laguna qabtay Rome, dalka Talyaaniga – Abril 19, 2019.

Greta Thunberg, waa ardayd u dhalatay Swedish oo 16 jir ah, una ololeysa helitaanka hawo nadiif ah. Hawadaas oo ay ku neefsan karaan iyada, ilmaha ay mustaqbalka dhali doonto iyo kuwa ay ayeeyo u noqon doonto. 

Waxay ololaheyda helitaanka hawo nadiif ah, bilowday 4 sano ka hor. Maanta waxuu ku fiday dalalka ku hormaray dhaqaalaha iyo warshadeenta. Waxaa ku soo biiray malaayiin da’ yar oo dugsiyada dhigata.

Dhallinyarada dunida carbeed, waxay u soo baxeen wadooyinka, ayagoo raadinaya xuriyad siyaasadeed iyo nolol fiican. Waa taas midda keentay kacdoonkii gu’gii Carabta (Arab Spring), iyo midka hadda dib uga bilowday dalalka Aljeeriya iyo Sudaan.

Haddaba, haddii da’ yarta reer Galbeedka halgan ugu jiraan helitaanka hawo nadiif ah, kuwii Carbeedna xuriyad siyaasadeed iyo nolol wanaagsan, maxaa aamusiye da’ yarta Soomaaliyeed, kuwaas oo la’ nabadgelyo?

Xildhibaan Maryan Carif, ayaa tiri “haddii aan falsafad la aadayn, amni waa inuu si nabad ah qofka gurigiisa uga bixi karo, islamarkaasna si nabad ah ugu soo laaban karo, waa in shacabku ku seexdo nabad, islamarkaasna nabad ku soo tooso.”

Amni la’aanta, waxay horseeday, saboolnimo, barakac baahsan, qaxootinimo, waxbarasho la’aan, shaqo la’aan, tacabur (tahriib), iyo cudarada maskaxda ku dhaca (dhimirka).

Warbixin naxdin leh oo ay soo saartay Hayada Caafimaadka Adduunka waxay sheegtay in 3dii qof mid (1/3) uu qabo nooc ka mid ah xanuunada maskaxda ku dhaca. Dadka ugu badan ee la ildaran cudurada dhimirka waa dhalinyaro. (World Health Organization February 2, 2011).

Waxaa xaqiiqo ah, in inta badan siyaasiyiinta jisha masraxa siyaasadda Soomaaliya, been ku habayaan da’ yarta, ayagoo u sheegaya warar been ah, kaasoo ah inay ka shaqaynayaan mustaqbal wanaagsan. Taa badalkeeda, waxay gadanayaan mustaqbalka da’ yarta Soomaaliyeed. Ayagoo ka sameeynaya dhaqaale, silaca ay badeen shacabka Soomaaliyeed.

Ma’ahan in aynu u durbaan tuno shaqsiyaad beel (dhalasho) aynu wadaagno, ayagoo nagu hodbaya (dagaya) hawo aan jirin. Balse, waa inaynu la xisaabtanaa, taasna waxaa lagu gaari karaa oo keliya, in dhallinyaradu ka xurowdo siyaasadda qabyaaladaysan. 

Arrinta muragada leh ee la timid siyaasadda qabyaaladaysan, ee isla xisaabtan la’aanta ah, ayaa ah u dulqaadashada faragelin shisheeye oo qaawan.

Waxaa hubaal ah, in dhallinyarada Soomaaliyeed, ay ku jiraan kumanaan la mid ah “Greta Thunberg,” balse qoqobaha la dhex dhigay ay u horseedayn inaysan u qumin danaha Qaranka. 

Nimco Abwaan Qorane, waxay tusaale u tahay dhallinyarada maanta nool. Nimco waxay jabisay gidaarka ay siyaasiyiinta dhex dhigeen shacabka Soomaaliyeed. Waxay si aan gabasho laheyn u muujisay wanaaga ay la jeceshahay dadka iyo dalkeeda. Waxay fikirkeeda midnimadda ummadda Soomaaliyeed ku soo bandhigtaa baraha bulshada, ololahaas oo ay xarig ku mutaysatay.

Waxaa sidoo kale, suugaan ku cabiray waxa ka dhex guuxaya Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Abwaankan da’da yar, waxaa uu tiriye gabay la yiraahdo DUUFAAN (Dalsoor – Jun 19, 2018). Abwaan Nageeye, waa aqoonyahan dhiiran, suugaantiisu waxay gilgishay gayiga Soomaaliyeed. Waxuu colaad kala kulmay kuwa jecel in dalku kala go’o.

Waxaa xusid mudan, wariye Cabdirisaq Terra oo soo bandhiga barnaamijyo ay dadka Soomaaliyeed si weyn ugu bogeen, kaas oo lagu magacaabo Baadi Goob. Wariye Terra, waxaa uu barnaamjiyadiisa kaga hadlaa musuqa iyo maamul xumada ay ku kacaan, kuwa xilalka ummada u haya. Wariye Cabdirisaq, waxaa uu ka mid yahay dhallinyarada qalinka iyo kaamarada u qaatay inay diiwaan geliyaan kuwa booba hantida ummada, si loogula xisaabtamo mustaqbalka.

Haddaba su’aash mudan iswydiinta, ayaa ah ma la heli karaa dhallinyaro la mid ah 13kii aasaasay Ururkii SYL, kuwaaso mideyey danihii ummada?

Waxaa run ah inay weli jirto rajo iftiimaysa, taasoo looga bixi karo dhibaatada dalka ka jirta, waxayse ku xiran tahay in la helo dhallinyaro xambaarta hanka iyo rabitaanka ummada, wacyiga iyo garaadkooda siyaasigana uu ka korreeyo hayb iyo qabyaalad. 

Haddaba dhalinyarada Soomaaliyeed, waa inaysan daawan oo keliya waxa dhacaya, balse waa inay qayb ka noqdaan xalka lagu badbaadinayo jiritaanka ummadda, laguna hormarinayo garaadka iyo aqoonta bulshada, taas oo ahayd himiladii SYLka.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha. 

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, faldan xus inaad ka soo minguurisay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday