Kenya: Nin Ku Dilay Har Kuma Jiido

1023

Ku qanacsanaan la’aanta dowladda Kenya, jawaabta dowladda Soomaliya, waji noocee ah ay u yeelaysaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal?

Jawaabta dowladda Kenya ay ka sugayso Soomaaliya ma tahay mid ay ku fushan karto, hanjabaad iyo cagajugleen, sida ka muuqatay shirkii jaraa’id ee Wasiirada Arimaha Dibadda Kenya, Ms. Monica Juma.

Haddaba dowladda Soomaaliya, halkee ayay uga dhaqaaqi kartaa ismarid-waaga taagan, maxaase la gudboon? Waa su’aalo taagan, una baahan in si taxadar leh looga fiirsado jawaabaha la bixinaayo, si aan loogu dhicin dabin siyaasadeed. Taas oo wax yeeli karta dacwada hor taal Maxkamada ICJ, iyo amaanka qaranka.

Qabiirada gobolka ayaa rumaysan inay jiraan gacmo ka baxsan labada dal, kuwaas oo saamayn ku leh go’aanka dowladda Kenya ay ku carqaladaynayso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, iyo go’aanka maxkamada ICJ laga filayo. 

Mudane Faarax Macalin, ayaa ka dhawaajiye suurtogalnimada in dowladda Imaaraadka Carbeed iyo bah wadaagteeda Khaliijka, ay ka dhex yeerayan Ms. Monica Juma, mar uu wareysi siinayay muuqaal baahiyaha CNATV. Sidoo kale, Faarax Macalin, waxaa uu bogaadiye jawaabta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo sida ay xaalka u wajahday. Waxaa sidoo kale arrinkaas rumaysan Cabdiraxmaan Bashir oo ah aqoon-yahan reer Jabuuti ah oo degan Kanada.

Ciidamada Kenya ayaa ka howl gala gobolada Jubbooyinka, kuwaas oo hoos yimaada taliska AMISOM. Kolkii hore, ciidamadaas waxay dalka ku soo galeen danaha gaarka ah ee dowladda Kenya.

Qabiirada amaanka gobolka ayaa rumaysan, in xiriirka labada dal oo xumaada laga dhaxli karo inay sii xumaato xaalada amni, oo markii horeba aan cago adag ku taagneen. Waxaa durbadiiba joogsanaya is dhaafsiga xogta amniga ee ka dhaxeeya labada dhinac, taas oo faa’iido u ah xagjirta ka hawlgala labada dal. Dowladda Kenya waxay masiibada ciidankeeda ka soo gaartay Ceel-Cade, ku sababaysay wada-shaqeyn la’aan ka soo wajahday deegaanka.

Dhanka kale, ciidamada Kenya ee AMISOM waxaa miisaaniyadooda bixiya beesha caalamka, kuwaas oo u arka inay wax ka tarayso nabada Soomaaliya, iyo tan gobolkaba. Waana mashruuc dheef dhaqaale u leh wadamada soo diray ciidamada, sida Burundi ay ka dhawaajisay.

Sababaha ay ciidamada Kenya u soo galeen gudaha Soomaaliya ayay ku sheegtay, “ka hortaga falalka xag-jirka ka geestaan dhulka xeebta ee loo dalxiis tago, sida Lamu, iyo Malindi.” Balse waxaa cad inaysan taa wax ka tarin, amaankeeda gudaha iyo kan dhulka ay qabsatay.

Haddaba, waxaa isweydiin u baahan, Soomaaliya dan ma ugu jirtaa joogitaanka ciidamada Kenya? Waxaan arrinka ka eegaynaa labo waji: Tan hore, amaanka dhulka waxba kama tarin, sababtoo ah magaalada Kismaayo waxaa doc walba ka joogga kooxaha xag-jirka. Weliba, magaalooyinka xuduuda ku yaalo waxaa adag isku socodka gaadiidka.

Tan xigta, maamulka Jubaland ee uu Axmed Madoobe hogaamiyo magac ahaan ayuu u jiraa, balse gacanta kuma hayo inta badan gobollada uu ka kooban yahay maamulka. Sidaas oo ay tahay waxaa uu doc wareen ku hayaa dowladda dhexe, isagoo kalsooni ka haysta Kenya. Waana mid ka mid ah caqabadaha hortaagan Dowladnimada Soomaaliya. 

Dhanka dhaqaalaha, dowladda Kenya waxay Soomaaliya u dhoofisaa maan-dooriyaha Jaadka, kaasoo dhiig bax ku ah dhaqaalaha Soomaaliya.

Hay’ado faro badan oo ka howl gala Soomaaliya ayay fariisin u tahay Kenya.  Dhaqaale loogu yaboohay dadka Soomaalida ayay ku qarash-gareeyaan dhulka Kenya. Qaxootiga Soomaalida ee Kenya ay ku hanjabayso, waxaa bixiya miisaaniyada lagu maareeyo noloshooda Qaramada Midoobay, waxayna shaqo abuur u tahay kumanaan Kenyan ah.

Waxaa intaas dheer, in qurba joogta Soomaaliyeed ay maalgashi ku sameeyaan dalka Kenya, taasoo wax tar u ah dhaqaalaha dalkaas. Dad badan oo u baahan adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo kirada guryaha ayaa lacag badan ku kharash-gareeya Kenya. Malayiin doolar oo dalka Soomaaliya laga gacan bidixeeyay (musuq-maasuq) ayaa lagu malgeliyay hanti maguurta ee magaaloyinka waaweyn sida Nairobi, Mombasa iwm.

Dad ka qaarkood ayaa rumaysan in hanjabaada ka soo yeertay dowladda Kenya, ay fursad u tahay midaynta Soomaalida, islamarkaasna nooleen karta wadinyada Soomaalida. Dadka rumaysan arrinkaas waxaa ka mid ah Xildhibaan Sakariye. 

Dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon inay ka howl gasho sidii ciidamada Kenya looga saari lahaa dalka ka sokow, dib u howl gelinta qareemada difaaca qaranka.

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com. Dhammaan xuquuqda maqaalkaan waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda.