Monday, June 14, 2021
Home Siyaasadda Muranka Doorashooyinka: Waa Maxay Waxa Laysku Mari La’yahay oo Ku Sigay Dalka...

Muranka Doorashooyinka: Waa Maxay Waxa Laysku Mari La’yahay oo Ku Sigay Dalka Inay Shalaw ka Tuuraan?

Waa Maxay Waxa Laysku Mari La’yahay:

Muranka doorashada Soomaaliya waxuu bannaanka keenay shaqsiyada, kartida, waddaninimada, daacadnimada, iyo awoodda hoggaamineed ay leeyihiin saamilayda siyaasdda dalka. Waxaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed u kala caddaatay cidda ay talada dalka u dhiiban lahaayeen haddii ay heli lahaayeen fursad ay ku codbixiyaan.

Shacabka Soomaaliyeed waxuu doonayaa inuu helo awood iyo xorriyad dhammaystiran, taasoo ku imaan karta inay doortaan madaxda u idman talada hoggaaminta dalka. Sidoo kale, shacabku waxuu naawilayaa inuu mar uun helo Dastuur dhamaystiran oo damaanad qaada xuquuqda muwaaddinka, madaxbannaanida iyo midnimada dalka

Nasiibdarro, waxaa jira labo caqabad oo waaweyn oo ku hor-gudban rabitaanka shacabka:

  • Faraggelin shisheeye: Soomaaliya oo ku taalla marin istrateeji ah,  oo muhiim u ah isu socodka ganacsiga adduunka (Badda Cas iyo Badweynta Hindiya), isla-markaasna leh kheyraad dabiici ah, ayaa noqotay goob ay ku loollamaan quwadaha ugu awood weyn xagga xoogga miletari iyo dhaqaale. Loollankaas shisheeye ayaa shalaw ka tuuraya dowladnimadii Soomaaliya.
  • Mucaarad Damiir-Laawe ah iyo Dawlad Goboleedyo Qabiilaysan: Taliskii keli taliskii wuxuu kahsiyay shacbiga Soomaaliyeed awood dhexe oo dadka cunaqabataysa. Kahsigaas wuxuu dhalay Nidaam Federaal ah oo ku salaysan Dawlad goboleedyo qabiilaysan oo rabitanka “barasaabyadoodu” ay tahay inay helaan awood ka sarraysa midda dowladda dhexe. Barasaabyadan hunguriga weyn iyo mucaarad damiir-laawe ah oo ka darran ayaa ah halista ugu weyn oo maanta wiiqaysa dowladnimada, madaxbannaanida iyo midnimada Qaranka. 

Kaddib markii shacbiga uu ku hungoobay doorashadii Qof iyo Cod, Dowladda dhexe qudheeda uu khilaaf soo dhexgalay una kala jabtay Madaxweyne iyo Ra’iisalwasaare, waxaa masraxa siyaasadda dalka cod ku yeeshay si kumeelgaar ahna u abuurantay jabhad ka kooban bahda mucaaradka, koox xildhibaanno Barlamanka, maamul goboleedyada qabiilaysan, iyo odayaal dhaqameedyo oo dhammaantooda nidamka  doorashada dadban ee ku salaysan qabiilka ugu muuqatay dhabbo sahlan oo ay danahooda (jagooyinkooda) ku badbaadin karaan.  

Isbahaysigan cusub, oo taageero ka helay qayb ka mid ah deeq bixiyayaasha ayaa u suurto gashay inay qabtaan shirarkii taxanaha ahaa ee Dhuusamarreeb iyo Muqdisho, kaasoo lagu saxiixay go’ammadii qabyada ahaa oo ilaa maanta uu hakad ku jiro fullintoodii.

Ugu dambayntii qodobbada laysku mari la’ yahay waxay kusoo aruureen saddexdan arrimood:

  1. Xubnaha Guddiga Dooroshooyinka oo loo xilsaaray Dowladda Dhexe;
  2. Ciidamada Federaalka ku sugan gobolka Gedo;
  3. Magacaabidda xildhibaannada matiliya Gobolka Woqooyi.

Heshiisyada la gaaray oo ay qodobbadooda noqdeen kuwo aan u qoranayn hab sharciyeed ay qareenno xeeldheer ka shaqeeyeen, ayaa il-duufka mucaaradka furasad u siisay Madaxtooyadda inay ku dhegenaato fullinta heshiiskii “Septembar 17”.  

Maxaa Dalka Shalaw Ka Tuuraya:

Ka tarjumidda dareenka shacabka waa astaanta ugu weyn oo uu qof siyaasi ah hantin karo. Garashada waxa dadweynaha ay tiigsanayaan ayaa saamayn togan ku leh dhinac kasta oo nolosha ka mid ah, kumana koobna hoggaaminta oo keliya.

Dhanka isbahaysiga cusub waxaad mooddaa inay ujeeddaduba tahay in la fashiliyo doorashada ilaa ay ka dhammaato muddada Madaxweynaha oo markaas uu ka baxo masraxa isagoo eedda fashilaadda idil tunka loo saaray. Aragtidaan waxay ku salaysan tahay in haddii doorashada la qabto ay suuraggalnimada kusoo noqoshada Farmaajo ay xoog leedahay.

Aragtidan oo markii hore ahayd midda midaynaysey labada hoggaamiye dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland, balse, gadaashaanna noqotay mid uu isbahaysiga cusub uu u bogay, gaar ahaan musharraxiinta madaxtinnimada.

Runtii saddexda qodob oo laysku mari waayay qodobka kowaad keliya ayaa ah mid saamilayda dhammaan khusayn kara, balse labada qodob ee kale waxay khuseeyaan labo shakhsi oo si toosan ama si dabdan xubno uga mid ah isbahaysiga cusub.

Ciidamada Gedo ku sugan waxay khusaysaa Axmed Madoobe oo hammigiisa ugu weyn yahay sida uu “Hal Booli ah Nirigteeda Xalaal uga Dhigi lahaa.” Reer Gedo ma dooran Axmed Madoobe, awood iyo saameynna kuma laha. Ciidamada Gedo joogana waa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS, kuwaasoo xaq u leh inay ka howlgalaan dhammaan Jamhuuriyadda, sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya!

Xildhibaannada Waqooyina (Qodobka 3aad) waxay si toos ah u khuusaysaa Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka FS Cabdi Xaashi oo ay weheliyaan siyaasiyiinta gobollada Waqooyi oo uu ka mid yahay Ra’iisulwasaare Ku-xigeenka Mahdi Guulleed, sida ku xusan heshiiskii “Septemar 17”, balse Isbahaysiga cusub ayaa arrinkan u arka tiirarka lama taabtaanka ah. Barasaabka Puntland uma muuqdo nin ujeeddadiisa tahay inuu samata-bixiyo gobolka Waqoyi iyo inay helaan matalaad caaddil ah, maadaama uu wado qorshe dagaal oo uu Somaliland ku qaado.

Kaddib markii dowladda dhexe ku adkaysatay inaan la farafareen heshiiskii “September 17,” waxuu isbahaysiga cusub, gaar ahaan labada barasaab micciin bideen deeq bixiyayaasha beesha caalamka oo iyagaba isku dan aan ahayn. Waxaadba mooddaa in QM ay u janjeerto xagga Dowladda Federaalka, halka Midowga Yurubkana (EU) uu saran yahay faras kale.

Waxaa la yaab leh in isbahaysiga cusub, gaar ahaan Midowga Musharraxiinta madaxtinnimada tan iyo waagay masraxa soo koreen, inaan laga maqal wax aan ka ahayn dhaliillo dowladda dhexe iyo niyad jebin shacab, oo ay ugu danbaysay faafinta dacaayaddo lagu waxyeelaynayo dib u dhiska ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Warkooda waxaa lagu soo koobi karaa oraahda ah: Wixii Xunba Xaawaa Leh.

Waxaad mooddaa inaysan waxba ka gelin ama aysan kaba danqanaynin xitaa haddii dalka lagu soo duulo ama ciidamo shisheeye la soo geliyo, sida, falka faraggelinta Kenya ay ku hayso dalka.

Waxay la leeyihiin xidhiidh aan dastuuri ahayn dowlado shisheeye misna dharaar-cad bay u adeegayaan danaha shisheeye gaar ahaan Kenya iyo Imaaraadka Carabta. Ficilkooda waa “Dastuurka oo la baalmaray iyo waddaninimadii oo gablantay”.

Siciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

1 COMMENT

Leave a Reply

Most Popular

Tababbarka Eritrea – Ma Arrin Runteeda aan Laga Sal Gaarinbaa?

Toddobaadkii dhawaa Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo sannadkan hoorraantiisii si rasmi ah u shaaciyey in dalka Eritrea ay jiraan dufcooyin...

UAE Takes Measures to Clean its Image as Failing to Stem Money Laundering

The UAE has taken another step in addressing its abysmal record in the proliferation of dirty money through two separate Memoranda of...

Maxaa Keenay Isbeddelka Siyaasadda Imaaraadka ee Soomaaliya – Maxaase Ka Socda Muqdisho?

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carbeed oo in mudda ah heerkii ugu hooseeyay marayay ayaa u muuqda mid isbeddel aan la filayn ku...

African Leaders Must Account for $89 Billion Stolen Annually Under Their Watch

By David Himbara The UN has published a dark report on how Africa is robbed of billions of...

Recent Comments

%d bloggers like this: