Sunday, January 29, 2023
Home Gudaha Dagaal aan Qorshe Lahayn – Waxuu Luminaya Fursad Dahab ah

Dagaal aan Qorshe Lahayn – Waxuu Luminaya Fursad Dahab ah

Jamhuriyadda

Soomaaliya ayaa muddo ka badan rubac qarni ku jirtay deggenaasho la’aan siyaasadeed iyo mid amniba. Waxgaradka dalka ayaa sababta u nisbeeyay saddex arrimood oo is-biirsaday:

  • Faragellin shisheeye;
  • Beelo sedbursi u hiilan;
  • Xagjir diineed hubaysan.

Waxii ka dambeeyay kacdoonkii shacabka ee ay garwadeenka ka ahaayeen maxaakiimta islaamiga, Soomaaliya waxaa u dhismayey nidaam siyaasadeed oo qori isu dhiib ah xooggana saarey dhismo ciidan, dibuhabayn dhaqaale, iyo siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan is ixtraam iyo kala faa’iidsi.

Dowladdii madaxweynihii 9aad waxay ku ammaanan tahay dhismaha ciidan tiro iyo tayaba leh ka sokow, inay dammaana qaadday mushaar joogta ah oo bil waliba si toos ah ugu soo dhacaya askariga.

Dhinaca kale, ciidanka qaranka wuxuu ka badbaaday kala dhantaalid kaddib markii mucaaradka oo ka hortagaya “mudda xileed kororsigii” ku dhaqaaqeen callaalasho xubno ka tirsan ciidanka iyagoo u adegsanaya ujeeddo siyaasadeed.  

Dowladda Xasan Sheekh waxay dhaxashay ciidankaas tayada leh oo weliba u dheer tahay shan kun (5000) oo sida uu Madaxweynaha qudhiisa qiray soo qaatay tababbar hagar la’aan ah, misna loo ebyay qalabkiisa.

Nasiib darro, Dowladda marnaba ma soo bandhigin qoorshe dhammaystiran oo lagu ciribtiri karo argaggaxisada oo marar badan ay baahisay inay ku qaadi doonto dagaal looga xuraynayo dalka. Balse, waxaa fursad dahab ah siinaya shacabka uu ugu horreeyo midka Hiiraan oo kacdoomay iskiisna isaga xureeynayo gummaadka  argaggaxisada Al Shabaabku ku hayaan maatada aan waxba galabsan.

Nasiib wanaag, Dowladda Xasan Sheekh ma aysan lumin fursadda waxayna ku dhawaaqday inay garab istaagan tahay kacdoonka shacbiga Hiiraan oo durbadiiba ku fiday gobolka Galmudug. Balse, waxaa dhabjinaya kacdoonkaas siyaasiyiinta faraya saraakiisha ciidamada inay jebiyaan nidaamka kala dambaynta qaranka iskana xaadiriyaan deegaanada beeshooda.

Indheergardka ayaa welwel ka muujiyay baaqa dowladda iyo siyaasiyiinta oo u arkay ololaha macawisleyda inuu wiiqayo ciidanka qaranka ugana digay dowladda inay u soo jiidi karto cawaaqib xumo dalka haddii:

  1. Xoogga Dalka uusan hormuud iyo masuul looga dambeeyo ka ahayn “qoorsha iyo fulinta” dagaalka lagu qaadayo Argaggaxisada;
  2. Gacanta loo gelyo maleeshoyooyinka hubka dowladdii ka horraysay ay ebiday diiwaangelintiisa kayd iyo dhammaystirka astaanba waxana dhaawici kara in berito uu sababo dagaalo ay qabaa’ilka isu adeegsanayaan hubkii qaranka.

Guusha dagaalka waxaa shardi u ah in Xoogga Dalka ka faa’iidaysto niyadda macawislaysda ay u hayaan inay la dagaallamaan cadawga kana xureeyaan aaggooda iyo khibradda ay u leeyihiin deggankooda iyo xogta ay ka hayaan Al Shabaab.

Halka dagaalka xoreynta gobolka Hiiraan uu si habsami ah u fulay iyadoon is-afgaranwaa iyo dhibaato ka dhex dhicin bulshada deegganka iyo ciidamada dalka oo muujiyay karti iyo xeeldagaal oo xitaa mutaysatay in ATMIS ay qirto inuu u qalmo inuu hanto amniga dalkiisa, Gaklmudug waxaa kasoo muuqday  in waxgaradka ay jid ku lahaayeen shakigooda, kaddib marka ay soo ifbaxday caqabad beeleed oo fashilisay dagaalkii lagu xorayn lahaa Ceelbuur.

Inkastoo gobollada Jubbada Hoose, Gedo, iyo Koonfur Galbeed ay warbaahinta uga warbixiso, si buubbuunis iyo dhiirriggelin isku jira  guulaha ka dhacaya, haddana waxaa hubaal ah in mashaakillo ka dhalanyaan marka Qaran lagu beddelo qabiil, iyo marka ay maamul-goboleedyo hoosta ku wata qoorshooyinkooda ku salaysan dano raqiis ah horboodaan kacdoonka shacabka.

Guud ahaan, haddii aan la xakamayn danaha iyo damaca beelaha ka fekeraya aag ballaarsi waxay fashilin karaan dadaalka uu Xoogga Dalka kaga  xoreynayo dalka argaggaxisada Al Shabaab. Lama hubo in gobollada qaarkood uu xitaa ka dhacay heshiis bulshadeed.

Waa caqli darro inaynu u guuxno in mar kale la kala daadiyo ciidanka qalabka sida iyadoo la adeegsanayo beelo aan laga warqabin is-dhaarsigooda iyo dhallinyaro aan tayo meleteri iyo tababbar ku filan toona lahayn. Waxaa tusaale noogu filin duullaankii fashalka iyo geeri fara badan ku dhammaaday ee Labaatanjiro.

Xasan Sheekh,  waxaa looga baahan yahay inuu u soo jeesto dagaalka masiiriga ah casharna ka qaato dalalka Sri Lanka iyo Ciraaq, oo mid waliba dagaal ku qaaday xagjirta, balse ku kala duwanaa shaxda ay adeegsadeen. Dowladda Sri Lanka waxay ku muquunisay falaagada Tamil Tigers ciidanka qaranka kaasoo ka waxtar iyo amaan badnaa qorshihii hubeynta qabaa’ilka ee Ciraaq ku falgashay, oo ku dhamaaday fashil ilaa maanta ay la tacaalayso xakameyntiisa.

Waa fursad taariikhi ah oo lamadhaafaan ah haddii la doonayo in Soomaaliya taariiikhda la dagaallanka argagixisada ka gasho baal dahab ah in dagaalka lagu taareego Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Laas Caanood Ma Go’aamin Doontaa Masiirka Ummadda Soomaaliyeed oo Idil?

Jamhuriyadda Toban iyo shanti sano (2007) oo ay Somaliland maamulaysay waxaa ka dhacayay Laas Caanood dilal lagu beegsanayay...

Laas Caanood: Kacdoonka Buluugga Fariin Caynkee ah ayuu Sidaa?

Jamhuriyadda Odoroska waa saadaalin ama malayn waxa dhici kara mustaqbalka, iyadoo sal looga dhigayo xisaabin cilmiyeed, ama isu geynta xaaladaha...

Xaaladda Koonfur Galbeed – Shirka Dibuheshiisiinta Siyaasiyiinta Gobolka

Jamhuriyadda Xaaladda kacsan ee Koonfur Galbeed (KG) ma aha mid haddeer billaabtay.  Runtii waxay billaaabatay bishii Diseembar 2018,...

No More – Diblomaasiyadda Midowga Yurub ee Xasarado Abuurka ah 

Jamhuriyadda Warbixin hoosaad Midowga Yurub uu ku baadiggoobayay xiriirka Afrika oo ay ka qaybgaleen diblomaasiyiinta waddamada Yurub u...

Recent Comments