Thursday, May 2, 2024
Home Gudaha Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda – Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Balse, iskaashi difaac-wadareedka Itoobbiya iyo Kenya gacan uga gaysan lahaayeen dagaalka argaggixisada ayaan u muuqan mid tabaabushihiisii fari ka qodnayn.   

Dib u dhaca oo hadal hayn abuuray ayaa loo aanaynayaa culays Itoobbiya iyo Kenya ka haysta gudaha. Arrinku waxuu shaki macquul ah gelinayaa in difaac-wadareedka safka hore sidiisaba lahaa qorshe muddo gaaban miro wax ku ool ah lagu gaari karo. Daciifnimadiisa waxaa ka mid ah inaan si rasmi ah axdi wadajir ah loo gelin, taas oo muujinaysa dabeecada cakiran iyo caqabadaha hortaagan gobolka.

Soomaaliya oo iskeed isku tashatay ayaa taniyo August 2022, weerarro rogaal celis ah ku muquuninaysay argagixisada gobollada Hirshabeelle iyo Galmudug si ka wanaagsan hawlgalladii Midowga Afrika. Guusha ayaa soo dedejisay in Muqdisho lagu riixay February 2023, heshiis malaha diiradda saaraya wax aan dan u ahayn Soomaaliya [maareeynta khatarta Al-Shabaab].  

Inkastoo, Mareykanku uu gacan ka gaystay tababarka cutubyada Danab iyo dagaalkaba, haddana waxaa muuqata in siyaasaddiisii “xakamaynta” Soomaaliya wax badan isbeddelin. Dareenka guud ayaa ah in hindisaha difaac-wadareedka safka hore looga gol lahaaba in Kenya loogu damaanad qaado inaan lagu eegin argaggixisada loo riixayo soohdimaha.  

Dabcan, dadaalku waxuu ku soo beegmay waqti xasaasi ah, waxaase la isla dhexmarayo in reer Galbeedku u adeegsaday fursadda inuu ku kala furfuro isbaysiga seddax-geesoodka ee Geeska Afrika si loo go’doomiyo Eritrea. Waxaa la yaab leh in Soomaaliya iyo Kenya oo isku waafiqi la’ sidii loo hirgelin lahaa xukunkii Maxkamadda ICJ wada galaan heshiis difaac.  

Inkastoo dhalanteed uu u muuqdo difaac-wadareedka safka hore, haddana Kenya ayaa sheegtay inay kala bixi doonto Soomaaliya ciidamadda, si ay ugula dagaallamaan argaggixisada gudaha dalkooda. Kenya waxaa weli ka jooga Soomaaliya ciidan kor u dhaafay 4 kun oo iskugu jira kuwo si sharcidarro ku soo galay dalka 2011kii oo lagu daray ATMIS iyo kuwo ku jooga xoog. Dib u gurashada  degdegta ah waxaa keenay khatar ku soo fool leh oo aan horay loo arag.  

Inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa rumaysan in difaac wadareed saamaxaya mar kale oo ciidamo shisheeye soo galaan dalku uusan xal waara u noqon karin dhibaatada loo maaro la’yahay ee asalkeedu ka dhashay duullaankii Itoobbiya (2006) iyo Kenya (2011). “Taasi waa sidii argaggixisadu rabtay waxayna kicin kartaa xagjirnimo hor leh oo halis gelisana xasilloonida yar ee la haysto,” ayuu yiri sarkaal xog-oggaal ah.   

Haddaba, su’aasha taagan ma ah, Soomaaliya keligeed ma ka bixi kartaa dagaalka, ee waa sidee guulo muhiim ah loo gaari karaa muddo macquul ah?   

Dadku diyaar uma aha in si degdeg ah loola hadlo argaggixisada, walow uu u muuqato in xabad keligeed aysan xal ahayn, xulufada Soomaaliyana [Mareykanka, Qadar, iwm.] sugi la’dahay in la raadiyo xeelad aan militeri ahayn. Istratiijiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa ah in la sii wiiqo argaggixisada [dhaqaale iyo ciidanba] si miiska wadaxajoodka loogu gaaro wax la taaban karo mustaqbalkana cid kale iskugu dayin in qori u adeegsato wax nabad lagu heli karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments