Friday, April 26, 2024
Home Gudaha Geeri Ceebeed – Soomaaliya Goor Mee Ka Bixi Doontaa Harraad iyo Halis...

Geeri Ceebeed – Soomaaliya Goor Mee Ka Bixi Doontaa Harraad iyo Halis Abaareed?

Jamhuriyadda

Qarammada Midoobay (QM) ayaa ka digtay in Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah (Kenya, Itoobbiya, iyo Jabuuti) ay abaartii ugu darnayd afartankii sanadood ee la soo dhaafay ku dhufatay ka dib markii afar xilli roobaad baaqdeen.

Sanadkii 2011, waxaa Soomaaliya harraad iyo macluul ugu la’day dad kor u dhaafay 250 kun qof oo u badnaa carruur. Dhowr iyo toban sanadood ka dib, waxaa loo dhamaanayaa weli gaajo iyo harraad ka sii daran tii hore.

Ku dhawaad kala bar dadka Soomaaliyeed (7.1 malyan) ayaa u baahan gargaar cunno, iyadoo dad kor u dhaafay ilaa 213 kun ay qarka u saaran yiihiin macluul kaddib markii dalaggii beeraha iyo duunyadiiba dhaafeen, xilli sahayda cuntada adduunka ay hoos ugu dhacday colaadda Yukrain aawadeed.

Yukrain oo dunida u dhoofisa qamadii fara badan iyo 50% salliidda cunada  ayaa la’ meel aammaan ah oo la mariyo kaddib markii iyaga iyo Ruushkaba ay badda ku wada aaseen miino. Dalka Turkiga ayaa isku dayaaya in labada dhinac uu ka helo heshiis marin ammaan ah oo looga dhoofin karo dalagyadaas Afrika iyo Bariga dhexe.

Colaado, amni xumo, abaaro iyo fatahaado ayaa barakaciyay Soomaali lagu qiyaasay ilaa 3.7 malyan. Ergayga gaarka ah ee gurmadka abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa May 30, 2022, warbaahinta u sheegay in abaari ka jirto 74 degmo oo ka mid ah 84 degmo ee dalka ka kooban yahay, kuwaasoo hela gargaar dhan 8% keliya.

Sarkaal ka tirsan Ururka Cuntada iyo Beeraha ee FAO oo warbaahinta la hadlay ayaa February 14, 2022, sheegay in masiibadu dishay in ka badan ilaa 1.5 malyan neef.

Madaxa hay’adda “Save the Childreen” ee Soomaaliya oo ka hadlay xaaladda gobolka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xarumaha ay ku leeyihiin degmada Baydhabo la dhigay carruur seddax jeer ka badan kuwii sanadkii tegay.

Xoghayaha Guud ee Norwgian Refugee Council Jan Egeland oo tegay Soomaaliya ayaa ugu baaqay deeq bixiyeyaasha caalamka oo ay ka mid yihiin kuwa waddamada khaliijka inay si degdeg ah u caawiyaan dadka Soomaaliyeed inta masiibadu “noqon geeri ceebeed.”

QM ayaa sheegtay in Qorshaha Waxqabadka Soomaaliya ee 2022 uu u baahan yahay dhaqaalaha lagu qiyaasay 1.5 bilyan doollar oo ilaa hadda 18% kaliya laga helay.

Dhinaca kale, barnaamijkii baxnaano ayaa xaqiijiyay in horraantii bishii June, ilaa 243 kun qoys uu u xawilay lacag cadaan ah. Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya siiyay deeq maaliyad dhan 143 malyan dollar, halka  uu Geeska Afrika ugu deeqay lacag dhan 385 malyan doollar si kor loogu qaado awoodda gobolku uu kula qabsan karo saamaynta isbeddelka cimilada. 

Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay uga faa’iideysato maalgelinta ugana soo saarto biyaha dhulka waxaa looga baahan yahay inay soo bandhigto siyaasaddeeda la xiriirta inta ceel biyood qoto dheer ee uu dalka u baahan yahay si loola tacalo abaaraha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments