Thursday, May 2, 2024
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Cabdixamiid Nuur – Shil Halis ah oo Soo Bandhigtay Hibo Eebe

Cabdixamiid Nuur – Shil Halis ah oo Soo Bandhigtay Hibo Eebe

Jamhuriyadda

Ciyaartoyda ciyaaraha fudud ee Mareykanka (USATF Outdoor Track and Field Championships) oo July 7 – 9, 2023 ku tartamay garoonka “Hayward,” Eugene (Oregon) ayaa waxaa ka soo baxay Cabdixamiid Nuur oo ah qaxooti Soomaaliyeed ah oo u tartamaya dhibco uu uga qaybgalo ciyaaraha fudud ee adduunka oo ka dhici doono Budapest (Hungary).

Orodyahanka oo intii hore dhex mushaaxayay ciyaartoyda ayaa ku badiyay 13:24.37 kaddib markii uu kunkii mitir ee ugu dambeeyay la wareegay hoggaanka orodka ragga ee 5000 mitir, siigadana ku reebay Paul Chelimo oo laba jeer ku guulaystay billadaha Olombikada.

Cabdixamiid oo ku fiicnaa kubbada cagta ayaa sanad dugsiyeedkiisii labaad ee “Phoenix North High School” galay shil baabuur oo halis ah. Musiibada oo sababtay inuu seego dhammaan xilli ciyaareedkii dugsiga ayaa soo saartay hibo Rabbaani ah.

Tababarihiisii kubbada cagta oo ahaa macalin orodada dheer ayaa kula taliyay inuu ku jimicsado orodada si dib ugu dhisto jirkiisa. Cabdixamiid oo aan oggayn hibadiisa orod ayaa tartankii ugu horeeyay ku guulaystay kaalintii saddexaad. Guusha soo jiidatay dareenka tababaraha ayaa keentay in lagula taliyay inuu diirrada saaro orodada.

Sanad dugsiyeedkii xigay waxuu ku guulaystay tartanka 5 kun mitir ee ku baratamayeen dugsiyada sare ee gobolka Arizona (USA). Balse, ma helin deeq waxbarasho uu ku aado jaamacaddaha soo saara orodyahanada caalamiga noqda [Arizona State (AU) ama North Arizona University (NAU)] mana awoodin inuu qorto tababare carbiya.

Sanadkii 2019, ayuu NAU ku yimid isreebreeb la’aan loomana oggolaan inuu tartamo balse, waxuu jaamacadda ku bartay oradyahan Luis Grijalva oo u dhashay Guatemala. Grijalva oo ku koray California ayaa u noqday saaxiib dhiirigeliya, la tartama, lana taliya.

Nasiib wanaag, jaamacadda waxaa tababare sare ka ahaa Michael Smith oo uu Cabdixamiid kula kulmay tartan ka dhacay magaalada Flagstaff sanad dugsiyeedkii 12aad. Magaaladu waxay saldhig u tahay Jaamacadda NAU waxaana hore ugu tababartay Maxamed (Mo) Farax. Tababare Michael waxuu rumaysan yahay in Cabdixamiid uu muhiim u yahay jiilka soo socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments