Friday, April 26, 2024
Home Gudaha Jubaland: Doorasho Dhiilo Weheliso!

Jubaland: Doorasho Dhiilo Weheliso!

Dhismahii Maamul-Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya ma shido yarayn, taasina ma ahayn mid ay gooni ku tahay, balse waxaa la wadaagay maamul-goboleedyada kale ee dalka ka abuurmay.

Inkastoo, Jubaland uu yahay maamul-goboleedkii labaad ee dalka looga dhawaaqay, haddana sida maamul-goboleedyada kale, ayuu maamulku wada gaarsiisnayn dhammaan dhulka uu ku fadhiyo. 

Dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, waxay abuurayn is-aamin la’aan, taas waxay horseeday in xal loo arko in maamulka dalka la baahiyo, si adeega bulshada loo gaarsiiyo dhammaan dalka si siman, taladana laga wada qayb geliyo dhammaan qaybaha bulshada.

Niyad samidaas waxaa weheliye, kooxo ama shaqsiyaad Soomaaliyeed oo horboodayay qorshayaal [agenda] shisheeye oo lagu dhaawacayo midnimada dalka. 

Muran iyo is-afgaranwaagii ka dhaxeeyay kooxihii hubaysnaa ee gobolada Jubooyinka, waxuu horseeday in dhiig badan lagu daadiyo dhismihii Jubaland, ayadoo laga baaqsan karay haddii la tixgelin lahaa doonista shacabka, iyo sareenta sharciga; Kenyana aysan ka qaybgeli lahayn xasuuqii shacabka.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha DFS, Mudane Cabdiraxmaan Odaywaa ayaa furay shirkii xulista xildhibaanada baarlamaanka ku-meel-gaarka ah ee Jubaland – March 23, 2015. Markii la gudo galay xulistii xildhibaanada ka dib, waxay cabasho ka soo yeertay odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ah, ayagoo saluugsan hanaanka xulista iyo matalaada ergooyinka. 

Waxaa lagu dhawaaqay xubnaha baarlamaanka ku-meel-gaarka Jubaland oo tiradoodu tahay 75 xildhibaan, kuwaas oo 10 ka mid ah, si toos ah u magacaabay Mudane Axmed Maxamed Islaam – Madoobe -Abril 15, 2015. 

Waxaa xaflad caleemo saar, oo nooceeda ugub ku ahaa dalka loo sameeyey gudoonka xildhibaanada Maamul-Goboleedka Jubaland oo lagu qabtay magaalada Kismaayo – March 7, 2015. Xafladaas, waxaa ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha Dibedda Itoobiya iyo Kenya Mudane Tedros Adhonom, iyo Marwo Aamino Maxamed. Martidaas, waxaa wehelinayey wakiilkii Igad Danjire Maxamed Cabdi Afeey, iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud.

Joogitaanka xaflada caleemo saarka, Wasiirada Arrimaha dibedda Kenya, iyo Itoobiya, waxay calaamad u ahayd, doorka ay ku lahaayeen siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Maamul-Goboleedka Jubaland. Waxaa muuqatay in Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud lagu khasbay sida ay wax u dheceen, kadib markii qorshihii Soomaalida la fashilay.

Ma aysan damin cabashada, tabashada iyo saluuga bulshada qaybaheeda kala duwan ee Jubaland. Waxaa gudoonka baarlamaanka federaalka loo gudbiyay mooshin dhan ka ah aqalka wakiiladda Jubaland.

Xubnaha mooshinka gudbiyay doodoodu waxay ku salaysneed, (1) in hanaanka loo maray xulista baarlamaanka Maamul-Goboleedka Jubaland waafaqsaneen dastuurka federaalka, iyo (2) in beelaha inaysan xur u ahayn xulista ergooyinka iyo xildhibaanada.

Balse, saamaynta Itoobiya iyo Kenya ku lahaayeen siyaasadda arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa suurto gelisay, in doodii baarlamaanka ka yeeshay mooshinkaas, ku soo dhamaaday fashil. Isla markaas, “waxaa si fudud loogu doortay Madaxweynaha Maamul-Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya, Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madoobe – August 15, 2015” sidaas waxaa rumaysan Mudane Cigaal oo falanqeeya siyaasada Soomaaliya iyo tan gobolkaba.

Inkastoo shacabka ku nool Kismaayo haystaan nabadgelyo aan cago-badan ku taagnayn, haddana dadka ma haystaan xuriyad siyaasadeed, mid hadal iyo fikirba! Waxaa magaalada Kismaayo iskaga tagay xildhibaano, siyaasiin iyo dad bulshada magac ku leh, kadib markii ay dareemeen khatar amni. 

Xildhibaan Khadiijo Aadan Cabdi, waxay ka mid ahayd shaqsiyaadkii iskood isku soo masaafuriyey, fikirkooda awgee! Kadib markii ay dhaliishay wax ka bedel lagu sameeyey dastuurka Jubaland.

Mudane Axmed Maxamed Islaam – Madoobe, isagoo ka faa’iidaysanaya khilaafka kala dhaxeeya dowladda dhexe, awooda ciidan ee uu ku haysto Kismaayo iyo ​taageerada ciidamada Kenya ee qaybta ka ​ah AMISOM, ayuu baarlamaanka Jubaland u gudbiyey, in wax ka bedel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Maamul-Goboleedka Jubaland.

Xildhibaano faro badan ayay ula-muuqatay, in wax ka bedelka loogu danaynayo sidii uu xukunka ku sii heyn lahaa Mudane Axmed Madoobe, doorashada soo aadanayad, ​taasoo ah mida hadda loo fadhiyo

Xildhibaan Maxamed Nuur Buule (dhaay), ayaa yiri “55 xildhibaan ayaa fadhiga baarlamaanka joogtay, dood dheer kadib, cod gacan-taag ah, 35 xildhibaan ayaa diiday, 20 xildhibaan way ogolaatay, balse nasiib-daro, gudoomiyaha waxuu ku dhawaaqay, in xeerkaas ansax yahay” (Universal TV December 4, 2018). Sida muuqata waa sharciyada ay cuskanayaan gudiga doorashooyinka Maamul-Goboleedka Jubaland, kaasoo ah, kan abuuray khilaafka hada taagan. 

Afar sano kadib, waxaa dhacay isbedelo badan, sida, (1) siyaasadii Itoobiya ee ku aadanayd Soomaaliya oo isbedashay, kadib markii uu meesha ka baxay taliskii hore, (2) dadka Soomaaliyeed oo ku jira jir-diidnimo dhanka Kenya ah, taasoo salka ku haysa dacwada bada, iyo (3) Saamaynta maamul-goboleedyada ku leeyihiin baarlamaanka 10-aad oo hoos u dhacday marka la barbar-dhigo kii ka horeeyey.

Haddaba, su’aasha taagan waxay tahay, Mudane Axmed Maxamed Islaam – Madoobe, ma garwaaqsan doonaa in cayaartu ahayn tii uu cayaari jiray!

Geesta kale, Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax, oo ka mid ah musharixiinta Madaxtooyadda Maamul-Goboleedka Jubaland ee Soomaaliya, ayaa ku dhaliilay gudiga doorashada Jubaland, inay ka shaqaynayaan siduu xukunka u sii haysan lahaa Mudane Axmed Maxamed Islaam. 

Mudane Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa yiri “haddii hanaanka doorashada la maroorsado, wax mugdi ah la sameeyo, natiijada ka soo baxda ma aqoonsan doono, waxaan diyaar u nahay in doorasho kale, iyo sistam (system) kale, iyo baarlamaan kale aan ka dhisno Kismaayo” (voa somali July 17, 2019). 

Haddaba su’aash mudan iswydiinta ayaa ah, ma laga baaqsan karaa in markale Kismaayo dhiig ku daato? 

Walaaca laga qabo doorashada Jubaland, kuma koobna Soomaalida oo keliya, balse xildhibaan Maxamed Daahiye Ducaale, ayaa rumaysan haddii aysan Jubaland ka dhicin doorasho dhinacyada oo dhan raali ka wada aheyn, ay ka dhalan karto colaad abuurta in qaxooti hor leh ku soo jabaan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, (bbc somali july 22, 2019).

Walow ay jirto, warar sheegaya, in kulankii dhexmaray Wakiilka Qaramada Midoobay Mudane James Swan iyo Mudane Axmed Maxamed Islaam – Madowe, uu ogolaaday qaar ka mid ah shuruudihii ay soo bandhigtay Wasaarada Arrimaha Gudaha, sida (1) liiska odayaasha awooda u leh, xulista wakiilada jubaland, (2) in hal xildhibaan beesha soo gudbiso, halkii markii hore ay ka ahayd 3 mid laga qaadanayo,  iyo (3) goobta lagu qabanayo. 

Balse ifa-faalaha waxuu u muuqdaa, in Mudane Axmed Madoobe iyo musharixiinta ka soo horjeeda, dadka Jubooyinka u horseedi donaan colaado, haddii aysan Wasaarada Arrimah Gudaha iyo Baarlamaanka Federaalka aysan qaadan door ka hortagid fidno, si dalka iyo dadka looga badbaadiyo in cagaha loo geliyo dagaalo macno-darro ah. Meelaysan Cadaalad Jirin, Nabad Ma Jirto [ NO Justice NO Peace].

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad rabto in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo dir emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso, fadlan xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka laga soo amaahsaday

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments