Friday, April 26, 2024
Home Gudaha Xagee Ku Danbayn Doontaa Xaalka Jubaland!

Xagee Ku Danbayn Doontaa Xaalka Jubaland!

Magaalada Kismaayo waxaa lagu dhaariyay xildhibaannadii ay soo xuleen Guddiga Doorashooyiinka ee uu magacaabay Mudane Axmed Maxamed Islaam – Madoobe, ayadoo weli ay socdaan dadaalo uu wado urur goboleedka IGAD iyo diblomaasiyiin, si xaalka loo qaboojiyo.

Dhanka kale, maamulka Axmed Madoobe waxuu go’aansaday inuu dedejiyo qabsoomida doorashada hoggaanka Jubaland, ee garabka isaga taabacsan. Taasina waxay surin ciriiri ah ku riixaysaa xaalka Jubaland.

Todobaadkii hore, qoraalo iska hor-imaanayay ayaa waxaa soo kala saaray gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ee Gudigaas. Laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa ka soo warantay in ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland tageen guriga Gudoomiye Ku-Xigeenka Mudane Axmed Cusman Maxamed, balse ay ka waayeen.

Warku wuxuu intaas raaciyay, in Gudoomiye Ku-Xigeenka uu magan galayo u tegay guriga Wasiirka Amniga ee Jubaland – Mudane Cabdirashiid Janan, (BBC Somali News – August 12, 2019).

Waxay dad badan is weydiinayaan, qaabka loo xaliyay khilaafka soo kala dhex galay gudoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa! 

Waxaa sii yaraanaya fursadaha looga bad-baadi karo Kismaayo inay rabshad ka dhicin, marka la eego sida maamulka Axmed Madoobe iyo gudigiisa doorashada ay dhegaha uga furaysanayaan baaqyada ay soo jeedinayaan waxgaradka, siyaasiyiinta, ururada bulshada rayidka, beesha caalamka, Wasaarada Gudaha DFS, iyo tanaasul la’aanta siyaasiyiinta xusul duubka ugu jira mar-uun inay fariistaan Madaxtooyada Jubaland.

Shirkii Carta ee sanadii 2000, kadib Soomaalida waxay aqbashay inay maamulka iyo kuraasta matalaada ku qaybsadaan hanaanka 4.5, taasoo ergadii ku kulantay shirkaas u arkeen xal iyo habka ugu nabdoon ay Soomaalida ku dhisan karaan dowlad. Si looga gudbo nidaamka kalitaliska iyo dagaal oogayaasha. 

Waxii ka dambeeyay shirkii Carta, marjaca siyaasadda waxuu ahaa dustuurka ku meel-gaar ah, iyo odayaasha dhaqanka oo soo xusha xubnaha Wakiilada Shacabka. 

Sida muuqata Mudane Axmed Maxamed Islaam – Madoobe, waxuu si cad uga horyimid doorka odayaasha dhaqanka ku leeyihiin hanaanka dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Mar uu ka hadlayey munaasabada salaadii ciidda ee magaalada Kismaayo ayuu yiri “Odayaasha waa laga qaaday CULAYSKA” (YouTube August 11, 2019).

Hadalkiisa waxuu caddeen u yahay, tuhunkii iyo shakigii horay looga qabay in Muddane Axmed Madoobe iyo gudigiisa doorashada aysan doonaynin inay qabtaan doorasho daah-furan, iyo tartan ay u siman yihiin musharixiinta oo dhan. Tani waxay dhabar jab ku tahay hanaanka daadajinta maamulka iyo hanashada kalsoonida shacabka dega gobolada Jubooyinka. 

“Nuxurka khudbadii ciidda waxay aheed, fariin dagaal uu Axmed Madoobe u dirayey kooxaha ka soo horjeeda ee kula loolamaya madaxtinimada Jubaland,” sidaas waxaa rumaysan Cigaal Yare oo falanqeeya siyaasada gobolka.

Maalin kadib khudbadii uu jeediyey Mudane Axmed Madoobe, waxaa liis 73 xubnood ah ku dhawaaqay, Mudane Xamdi Cabdi Barre oo uu hareer fadhiyo ku-xigeenkiisa ee gudiga doorashooyinka Mudane Axmed Cusman Maxamed, waxuu sheegay in labada xubnood ee tirada xildhibaanada gobolka ka dhiman, in dhowaan la shaacin doono.

Durbadiiba, waxaa ka horyimid gole ay ku midaysan yihiin musharixiinta loolanka kula jira Axmed Madoobe, oo uu u hadlay Mudane Sheekh Maxamed Ibrahim Shakuul. Isagoo waraysi siinaya VOA laanteeda afka Soomaaliga waxaa uu yiri, “liiska uu shaaciyay Axmed Madoobe waxaan u argnaa inaan dariiqi saxda ahaa loo marin.”

Kadibna waxaa soo baxay liis labaad oo xildhibaano ku tixan yihiin, kaas oo ay soo saareen guddiga Golaha Badbaadada Jubaland. Xildhibaanadaas oo ka kooban 75 xubnood, waxaa saxaafadda u akhriyay Mudane Axmed Aabi oo ah Gudoomiyaha Gudiga Doorashada dhinaca mucaaradka.

Musharixiinta mucaaradka waxaa ugu cod dheer Mudane Cabdinaasir Seeraar iyo Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo labaduba ahaayeen kuwa la duubnaa Mudane Axmed Madoobe afar sanadood ka hor, kadib markii dowladdii Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Mudane Axmed Madoobe isku maandhaafeen hanaanka loo dhisayo Jubaland. 

“Afar sano kadib, waxaa Mudane Cabdinaasir Seeraar iyo xildhibaan Cabdirashiid Xidig u caddaatay in waxay dhisayeen inuusan ahayn nidaam maamul, balse uu ahaa qof keligii taliye ah,” ayuu yiri Cigaal Yare.

Taasi waxay tusaale nool u tahay, aragti gaabida qaar ka mid ah mucaaradka, gaar ahaan Mudane Xasan sheikh Maxamuud, Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Mudane Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo si indho la’aan ah u taageeraya afduubka Mudane Axmed Madoobe ku samaynayo nidaamka doorashada Maamul-Goboleedka Jubaland. 

“Inkastoo, aysan caddeen danta isku keentay ‘siyaasiyiintii geegi mariiday,’ haddana darfaha oo loo kala safta waa dhaqankii burburiyay dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdalla Jaylaani.

Intaas wuxuu raaciyay “Dadka Somaaliyeed waxay u baahan yihiin, inay helaan hay’addo dastuuri ah, oo sal adag ku fadhiya. Taas ayaa ah habka ugu wanaagsan ee looga gudbi karo is-marin-waa kanoo kale ah!”

Waxaa cakiran xaalka Jubaland, mindi mindi ku taag iyo qir iyo qirtaan waxay sababi kartaa in masiibo “Bini-aadan” uu sameeyay ku dhacdo Jubaland, taasoo laga baaqsan karo, haddii caqliga laga shaqaysiiyo, lana raaco cadaaladda, sharciga iyo qawaaniinta dowliga ah.

Maanta xalka Jubaland, waxuu ag-yaalaa Goloha Shacabka Soomaaliyeed, maadaama dadaaladdii ay waday Wasaarada Arrimaha Gudaha miro dhali waayeen, si looga baaqsado doorasho sababta colaad sokeeye.

Waxaa sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ka dhur sugayaan mowqifka ay ka qaadan doono xaalka Jubaland Wakiilka QM Mudane James Swan iyo beesha caalamka, si dhiig daata loo baajiyo. Dad badan waxay isweydiinayaan xagee ku dambayn doontaa xaalka Jubaland!

Saciid Cabdisalaam

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Haddii aad dooneyso in aad soo gudbiso fikrad ama falanqeyn, fadlan ku soo hagaaji emailka jamhuriyadda.wordpress.com – Dhammaan xuquuqda maqaalka waxaa iska leh Wargeyska Jamhuriyadda. Haddiise aad dib u dhaabacayso xus inaad ka soo xigatay Wargeyska Jamhuriyadda. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments