Friday, April 26, 2024
Home Siyaasadda Kutirikuteenta Michael Rubin Yaan Lagu Ajarmin

Kutirikuteenta Michael Rubin Yaan Lagu Ajarmin

Ololeye Maraykan ah oo la yiraahdo Michael Rubin ayaa ku soo qoray 16.11.2020 wargeys Maraykanka ka soo baxa maqaal uu cinwaan uga dhigay: Madaxa Sirdoonka Soomaaliya (NISA) Waa Nin La Shaqeeyay Urur Farac Al Qaacida ah; Haddaba Maxaan U Maalgelinnaa (USA)? Maqaalkaas waxaa Axaddii 22.11.2010 dib u soo daabacday Hiiraan Online.

Inkastoo qoraaga uu sito shahaado jaamacadeed ​oo sarraysa, xubin aqoonyahan ahna  ka yahay American Enterprise Institute (AEI) haddana maqaalka ma cuskana baaris cilmiyeed, buugaag, iyo wargeysyo ama il​o madaxbanaan oo ka dhigi kar​tay qoraalkiisa maangal, balse waxuu u muuqdaa in​uu ​soo minguuriyey “kutiri-kuteenta” ay baahiyaan warbaahinta dalka, kuwa deriska, iyo Khaliijka. 

Sida cinwaanka ka muuqata maqaalka muxuu bartilmaansanayaa Fahad Yaasiiin Xaaji Dahir, madaxa sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo uu si fiican ugu abtiriyay kana bixiyay macluumaad ujeeddada mawdu​uca aan waxba ku kordhinayn.

Michael Rubin wuxuu leeyahay in Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmajo uu yahay madaxweynaha dalka haddana ninka dalka ka taliya waa Fahad Yaasiin. Haya’adda uu madax ka yahayna waa mid ku nool deeqsinimada dalka Maraykanka. Wuxuu leeyahay inay hay’addu  fashishana ma aha wax  lala yaabo kolka la fiirsho tariikh nololeedka Fahad Yaasiin oo ah nin ah “muslin xagjir ah”  xubin ka ahaan jiray  ururro Al Qacida loogu abtiriyo, taasoo muujinaysaa “Qarbi iyo Masiixi neceebkiisa”. Wuxuuna Mr. Rubin soo tebinayaa in nin Fahad yaqaan uu ku sheegayi: “Waa nin Bariga Afrika ka wado dagaal ka dhan ah Qarbiga.”

Wuxuu kaloo sheegay qoraaga in Fahad Yaasiin ilaa waqti dhaw uu “ku faani jiray inuu yahay nin u adeega Qatar”, taasna ay tahay sababta uu u dhaliyo guulo siyaasadeed.

Mr. Ruubin ma caddaynayo sida weriye Shabakada Warbaahinta Al-Jaziira uu ku noqday nin ay u furan tahay sacabbadana  darsanayo khasnadda Dowladda Qadar. Haseyeeshee, wuxuu sheegayaa in​ Fahad Yasiin uu gacansaar la leeyahay Al Shabaab wax​uu eedayntiisa cadayn uga dhigay, in qaraxii Soobbe ka dib uu heshiis la galay ururka ​Alshabaab una fasaxay inay canshuur – baad – ka qaadan karaan ganacsatada iyo shacabka, ​ayna yareeyaan qaraxa caasimadda gudeheeda ah.

Qoraalka ma’ahan mid lagu daafacayo Fa​had Yaasiin laguna dhaliilayo Soomaaliland, balse waa mid ujeeddadiisu tahay inuu ​ifiyo damaca qoraagan hunguriga weyn ​ee “bilyoneerka” ah laguna qiyaasay inuu haysto 3 ilaa 4 billlyan dollar haddana lacag ka daldasha Somaliland​ si uu uga caawiyo inay aqoonsi hesho! (Eeg Qoraalka Warsame O. Xaashi ee 22.11.2020, Hiiraan Online).

Michael Rubin ma aha nin ku cusub inuu wax ka qoro Soomaaliya. Haddii ay ugu yar tahay sannadkii la soo dhaafay (2019) wuxuu ka qoray 5 ilaa lix 6 maqaal oo wada noocan ah. Nasiibdarro, Somaliland oo aqoonsi-doon ah ayaa ku dhacday dabinkiisa oo ka dhigatay ninka galaangalka – loobbiga u sameeya si loo aqoonsado ama uu beddelo ra’yiga Dowladda Mayraykanka iyo xubnaha Congresska. Qoraalladiisa oo Somaliland la xiriirana wuxuu kula taliyaa Dowladda Maraykanka inay Xafiis Diblomaasi ah ka furato Hargeysa, iyo inay deeqda ay toos u siiso, iwm.

Horta aan is weydiinnee: Yuu yahay Michael Rubin?

Waa bilyaneer Maraykan ah kuna caan baxay farshaxanka taageerista cayaaraha sport-iga, waana nin kasoo shaqeeyey meela badan sida Gaashaandhigga Maraykanka iwm. Waa nin dagaallada jecel oo u hoorseedi jiray in dalka  Maraykanka uu ku duulo Ciraaq, haddana isu beddelay khabiir Bariga Dhexe kuna dhaw Dowladda Imaaraadka. Waa nin siyaasaddiisa ay tahay Midig Xagjir ah (Sida Madaxweyne Donald Trump).

Wuxuuna ku jilan yahy hay’ad la yiraahdo AEI (American Enterprise Institute) oo loo abuuray siyaadda midigta ah (Far Righ Think Tank) oo uu qoraallo ku qoro boggeda; wuxuu kalo si joogta ah wax ugu qoraa Wargeys la yiraahdo Washington Examiner oo lacag la’aan lagu qaybiyo nuquladda uu daabaco. Washington Examiner waxuu u ololeeyaa fulinta siyaasadaha Midigta fog, sida inaan shaqaalaha hoose mushaarkooda loo kordhin (Minimum Wage), in aan deegaanka loo aaba yeelin si aysan faa’iidada ganacsatada u yaraan, in canshuurta laga dhimo ganasatada, in la taageero hantida gaarka ah iwm.

Sida laga arki karo inta yar oo aan kusoo koobnay maqaalakiisa, qoraalladiisa  waa kuwa aan dhumuc lahayn oo arrimaha dusha uun ka taataabta (superficial) oo aan qancin karin iskaddaaye hay’ada dawladeed ama xildhibaannada Congressaka xita ardayda dugsiyada. Sidaas daraaddeed dhawaa iyo dheeraaba Somaliland way dareemi  doontaa inuusan Michael Rubin u soo sidin dheef ​la mahadiyo.

Michael Rubin wuxuu ka dambeeyaa I.M. Lewis iyo raggii aqoonta qabiillada Afrika iyo Anthropologiga gumaystaha ku ugaaran jiray, balse  wuxuuu moog yahay in Afrika iyo Soomaaliya aysan  ka caagganayn aqoonta iyo falanqaynta arrimaha iyo mashaakilka dalkooda iyo qaaraddoodaba. Waa laga soo gudbay berigii shisheeyaha Soomaliya u soc​daalayay ay isku-koobi  jireen ​uun akhriska buugaagta iyo qoraallada I. M. Lewis iyo kuwa uu horseedka u yahay, oo aan ka turjumaynin xaqiiqda dhabta ee dalka iskaba daa inay dad Soomaali ah ay ku khaldaan.

Marka ay noqoto in la dhaliilo ama la dhaleeceeyo Taliyaha NISA ama dowladdaba, dalka oo idil siyaasiyiintiisa, weriyayaashiisa iyo aqoonyahannadiisa ayaaba u guntan oo isha ku haya. Akhristaha waxaa tusaale ku filan dhaleeceaynta oo uu u soo jeediyay musharraxa Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo aan waxba ula harin Fahad Yaasiin markuu ka hadlayey Barnaamij Dood Wadaag ah oo su’aalo lagu  weydiinayay isla maalinta Michael Rubin maqalkiisa ku soo baxay Hiiraan.com. Waxay kaloo Hiiraan ku amaanan tahay inay isla meesha ay ku daabacday qoraalka Michael Rubin uu kusoo baxay maqaalka Warsame O. Hashi oo dhammaan qoraalladiisi ee 2019 hal hal uga faalloonaya.

Axmed Qaasim Cali

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments