Friday, April 26, 2024
Home Diblomaasiyadda Maraykanka oo Halis Ugu Jiro Inuu Lumiyo Saamaynta uu Ku Leeyahay Geeska...

Maraykanka oo Halis Ugu Jiro Inuu Lumiyo Saamaynta uu Ku Leeyahay Geeska Afrika

Jamhuriyadda

Iscasilaadda ergaygii Mareykanka u qaabilsanaa Geeska Afrika seddax bilood uun kaddib markii uu xilka qabtay iyadoo ay gobolka hareereeyeen qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro amni, gaboodfallo baahsan, iyo macluul bini’aadantinimo waxay dhaawac ku tahay siyaasadda Madaxweyne Joe Biden. 

Inkastoo, David Satterfield lagu beddelay Danjire Mike Hammer oo ah diblomaasi waayo arag leh, haddana si rasmi ah looma soo bandhigin xaaladaha sababaya in si isdabajoog ah diblomaasiyiin khibrad leh ay xilka iskaga tagaan, taasoo muujinaysa in maamulka Biden uusan gobolka ku wajahayn siyaasadda saxda ah. 

Diblomaasiyiin Afrikaan ah oo xogogaal ah ayaa rumaysan in iscasilaadda isdabajoogga ah ee ruugcaddaada khibradda u adeegista arrimaha dibedda leh ay astaan u tahay guuldarrada siyaasadda maamulka Biden kana dhalatay dhowr arrimood oo is-diiddan. 

Marka hore, Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka waxaa jahwareer ku haysa aragti kala-duwanaansho siyaasadeed oo halis ku ah hawlgalka iyo khilaaf ka taagan habka ergayga uu u wajahayo  xiisadaha gobolka, kuwaasoo caqabad ku noqoday David Satterfield iyo ergaygii ka horreeyayba Jeffrey Feltman. 

Marka xiga, ergada oo wada ahaa diblomaasiyiin maamulkii Trump la soo shaqeeyay oo aan xiriir toos ah la lahayn Aqalka Cad si ay u dardargeliyaan xalalka dhexdhexaadinta ee ay la gaaraan dhinacyada iska soo horjeeda, ayaa abuurtay dareen ah in gobolka uusan ahmiyad weyn u lahayn Washington, taasoo weliba uga sii dartay colaadda Yukrain. 

Ugu dambeyntii, waxaa niyad jab isa soo taraya dhaliyay in diblomaasiyiinta waayo aragka ku ah Bariga Dhexe oo ka duwan Afrika, ay ka baadiggoobeen xalka duruufaha gobolka Abu Dhabi, Dooxa, Qaahira, iyo Riyadh, halka ay talo ka raadin lahaayeen Addis Ababa, Asmara, Juba, Jabuuti, Khartoum, iyo Muqdisho, amase ay dhaqeysan lahaayeen shacabka, ayaa gobolka u dareemay in Washington mar kale arrimaha Geeska Afrika u xawilayso (subcontracting) dalalka Khaliijka Carbeed.

Si kastaba ha ahaatee, hammiga laga qabay ergayga Geeska Afrika waxuu ahaa in Washington ay si weyn uga qaybqaadan doonto horumarinta nabadda, kobac dhaqaale joogta ah, iyo isbeddellada dimuqraadiyad xasilloon si loo helo horumar iyo barwaaqo waarta. Balse, dadaalkeeda waxaa fashiliyay faham-xumo iyo wax aan waxba tarayn.

Xaqiiqadu waxay tahay in dhawaa ama dheeraaba, Mareykanku uu luminayo saamaynta uu ku leeyahay Geeska Afrika haddii uusan beddelin fahamkiisa diiraddana saarin habab cusub oo wax ka beddeli kara dibuhabeynta siyaasadda, amniga, iyo maalgashiga gobolka, taasoo u baahan ballanqaadyo (commitments) waqti dheer ah.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments