Wednesday, May 1, 2024
Home Ciyaaraha iyo Dhaqanka Cayaaraha Gobollada: Markii Kubbadda Cagta, Eex Hayb iyo Siyaasaddu ay Isku Dhacday

Cayaaraha Gobollada: Markii Kubbadda Cagta, Eex Hayb iyo Siyaasaddu ay Isku Dhacday

Ciyaarta iyo daawashada “isboortiga” ayaa abuura habab looga baxsan karo culayska maskaxeed (stress) ee maalinlaha ah, waxuuna isu-keenaa bulsho ku kala tagsan dhaqalaha, fikirka, aqoonta, da’da, iyo dhalashada. Isboortiga waxuu qaabeeyaa bulsho wadaagta aqoonsiga magaalo, gobol, iyo qaran!

Qaramada Midoobay oo garwaaqsan doorka isboortiga ka ciyaaro is-dhexgalka bulshadda, caafimaadka, dhismaha jirka ayay ku dhawaaqday in “isboortiga iyo cayaaruhu yihiin mid ka mid ah xuquuqda insaanka oo ay tahay in la ixtiraamo.” 

Dalka Soomaaliya cayaaraha aad looga xiiseeyo waxaa ka mid ah “cayaaraha gobollada.” Waxaa la bilaabay ku baratankooda bilowgii toddobaatameeyadii. Waa halka ay ka soo baxeen xiddigo badan oo qaranka Soomaaliya ku matelay fagaareyaal caalamiya.

Soo noolaynta tartanka cayaaraha gobollada waxay fursad siinaysaa da’ yar badan oo leh xirfado ay ku matelaan qaranka Soomaaliya, si isboortiga Soomaaliya kor looga qaado halka uu haatan taagan yahay.

Garoonka Eng Yariisow ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir waxay maanta December 27, 2020 cayaar adag ku dhex martay labo koox oo kala matelaya maamul-goboleedka Galmudug iyo Puntland. Cayaartu waxay ku dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday markii ugu horraysay taariikhda ciyaaraha gobollada kooxda Galmudug.

Cayaarta waxaa u soo daawasho tagay dadwayne aad u fara badan oo kala taageerayey labada horyaal. Runtii waxay ahayd cayaar aad u xamaasad badan. Xulka Galmudug waxuu la ciyaari doonaa dhammaanka (final) kooxda dhinaca kale ka soo baxda, inkastoo xiriirka Puntland laga yaabo inuu cabasho keeni doonto. 

Waxaa xusid mudan in garsooraha cayaarta Kaafi Xassan Shiine uu yahay garsoore magac iyo maamuus ku dhex leh bahda isboortiga, waxuuna soo qabtay kulammo ka tirsan is reeb-reebka horyaallada dalalka Afrika. Dhamaadka cayaarta kadib, waxaa si isku mid ah, u dabaal degay shacabka reer Galmudug iyo kuwa Boosaaso. 

Haddaba su’aasha dad badan ay isweydiinayaan ayaa ah reer Boosaaso maxay ugu dabbaaldegeen guusha kooxda Galmudug; Boosaaso miyeysan ka tirsananeyn Puntland oo ka soo harjeedday Galmudug?

Xiddiga reer Galmudug Maxamed Maxamuud Sakhraawi oo u horseeday guusha ayaa ka soo jeeda magaaladda Boosaaso. Cayaaryahan Sakhraawi oo soo dhigay cajal baraha bulshada ayaa sheegay in reer Puntland ay ku reebeen awooda jidhkiisa, balse ay Galmudug aamineen xirfaddiisa! Waxaana uu sheegay in si aan daw ahayn looga reebay kooxda u cayaaraysay Puntland.

Bahda Isboortiga waxaa ka reebban musuq-maasuqa, eexda, iyo qof jeclaysiga. Xiriirkii hela agaasin wanaagsan iyo hufnaan waxuu xaqiijin karaa guulo heer gobol, qaran, iyo caalamiya. Waxaana tusaale inoogu filan cayaartii dhex martay xulka Puntland iyo Galmudug. 

Ciyaaraha gobollada ee ka socda Garoonka Eng- Yariisow wuxuu indhaha dadka Soomaaliyeed ka jeediyay ololaha colaad hurinta ah ee ay wadaan qaar ka mid ah jilayaasha siyaasadda Soomaaliya. Waxaa muhiim ah in xiriirrada ciyaaraha Soomaaliya ay joogteeyaan, isla-markaasna tayeeyaan “Isboortiga Soomaaliya” si loo helo bulsho ka caafimaad qabta maskaxda iyo jidhka.

Haddaba Xiriirka Kubbadda Cagta ee Puntland ma ka faa’iidaysan doontaa qaladaadka ay galeen xilli cayaareedka 2020, oo ma u dhega-nuglaan doonaan cabashada ka soo yeeraysa taageerayaasha iyo cayaartoyda reer Puntland, mise xaalka waxuu noqon doonaa “lax dhukani abaar moog.”

Saciid Cabdisalaam & Burhan Rooble

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments