Thursday, May 2, 2024
Home Diblomaasiyadda James Swan – Ma Garan La’yahay In La Gaaray xilligii Soomaalidu Aayahooda...

James Swan – Ma Garan La’yahay In La Gaaray xilligii Soomaalidu Aayahooda Gacantooda Ku Qabsan Lahaayeen!

Xubnaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa Jimcihii August 28, 2020 si wadajir ah u meel mariyey qaraar dib loogu cusboonaysiinayo hawlaha UNSOM muddo sanad ah (August 2021). Doodda qoraalka qaraarka 2540 (2020) oo in mudda ah socotay ayaa adkayd iyadoo laba arrinba laysku mariwaayay: (b) Qaabka loo jeedinayo doorashada heer federaal 2020/2021 ee Soomaaliya; iyo (t) Kordhinta muddada xilhawleedka UNSOM.

Balse, doodda waxay gaadhay meel qaraar kaddib markii Ergeyga Soomaaliya u fadhiya QM Danjire Abuukar Daahir Cusmaan u hawlaha UNSOM loo xilsaaray ku dhaliilay inay la jaanqaadi karin la’yihiin xaqiiqda dalka ka jirta. Danjiruhu waxuu carrabka ku dhuftay in horumarka qaranka ee hadda socdaa uu yahay dadaal Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in sidaas loo taageero, isagoo ka diggayay khatarta faraggelinta shisheeye, gaar ahaan xilliga doorashooyinka.

Tan iyo burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, Qaramada Midoobey waxay si weyn uga qaybqaadatay dhiiriggelinta nabadda iyo dib u xasilinta dalka. Balse, waajibaadkeed oo sii ballaartay marxaladihii dambe ayaa xaddiday dhiifoonanteeda hawlqabad. Taas waxay firfircoonideedii u rogtay ficilcelin halkii ay taageero siyaasadeed iyo mid farsamaba ka geysan lahayd dib u dhiska dowladnimada.

Dowladda Federaalka oo in muddo ah siyaasad cakiran ay dhex-tiillay maamul-goboleedyada qaarkood ayaa tab wadatashi u heshay khilaafyadii. Tanaasulkii ka dhashay  Dhuusamareeb oo ku qabsamay dadaal iyo dhaqaale Soomaaliyeed ayaa u muuqday in UNSOM aysan siin ahmiyaddii uu mudnaa. Faariintaas waxay dhiiriggelisay siyaasiyiinta qaswadayaasha ah oo jahwareer hor leh dalka ku abuuray.

Mudane Saciid Cabdullahi Deni oo shirkii labaad ee Dhuusamareeb ka hadlayay ayaa sheegay in loo kala warramay maamul-goboleedyada iyo dowladda dhexe! Inkastoo uusan carrabka ku dhufan cidda u kala warrantay, haddana warkaas waxuu tooshka ku ifiyay dhaqanka maamulka UNSOM oo mararka qaarkood tuhun dhaliya amase aan taageerin mowqifka siyaasadda Dowladda Federalka. 

Dhanka kale, dhaqanka sabsaabista iyo madax-salaaxidda madaxda maamul-goboleedyada waxuu kala daadiyay awoodaha Dowladda Federaalka waxaana hubaal ah, in uu wiiqay adeeggii iyo caddaaladdii ay dadka Soomaaliyeed ka mudnaayeen  dowladdooda! 

Haddaba haddii aan Muqdisho loo gacan banneyn hagista siyaasadda gudaha, ma sahlana sida Dowladda Federaalka ay dib ula soo noqon karto madaxbannaanida dalka. Taas ayaa khasabtay inay la timid siyaasad wadatashi dhammeystiran oo ku saleysan dhaqan Soomaaliyeed.

In muddo ah UNSOM uma kala socneyn habka ay ula dhaqmayso maamul-goboleeddyada iyo dowladda dhexe. Arrintaas ayaa qayb ka ahayd asbaabtii dalka looga eriyay Wakiilkii Gaarka ahaa ee Xoghayaha QM Danjire Nicholas Haysom. 

Inkastoo faraggelinta shisheeye,  oo ay ugu horreeyaan wakiillada QM iyo dawladaha saaxiibbada ah qaarkood ay weligood iska jireen, haddana, sannadkan 2020 si xoog leh ayay u kordheen.

Cayrintii (Nicholas Haysom) ma aysan beddelin dhaqanka wakiilka cusub Danjire James Swan oo kaba sii daray kii hore. Waxaa tusaale ku filan in Dowladda Federaalka oo aan weli la shirin labada Madax Maamul-goboleed, Puntland iyo Jubbaland, Mudane James Swan uu la shiray.

Dadka ku xeeldheer arrimaha Soomaaliya waxay leeyihiin  labada Madax Maamuleed waxay u yimideen Muqdisho wada xaajoodka beesha caalamka oo ay marti u yihiin balse uma imaanba  wada xaajoodka Madaxweyne Farmajo.

UNSOM waxay mareysaa meel xasaasi ah oo loo baahan yahay in hawlaheedu noqdaan kuwo la jaanqaado mudnaanta dalka. Waxaa la gaaray xilligii Soomaalidu aayahooda ay gacantooda ku qabsan lahaayeen. Waana in Golaha Amaanka si qummaati ah u dhagaysto dalabka Danjire Abuukar Daahir Cusman, intaan xeero iyo fandhaal kala dhicin! 

Tifaftiraha Jamhuriyadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments