Friday, April 26, 2024
Home Diblomaasiyadda Waanwaanta ay Qatar La Furtay Al-Shabab Ma Horseedi Kartaa Nabadda Soomaaliya?

Waanwaanta ay Qatar La Furtay Al-Shabab Ma Horseedi Kartaa Nabadda Soomaaliya?

Cabdulqaadir Cariif Qaasim

Ergeyga Qadar u fadhisa Qaramada Midowbay (QM) ayaa sheegtay in waanwaan meel wanaagsan maraysa ay u socoto Qadar iyo kooxda Al Shabaab. Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ilaa hadda war rasmi ah kama soo saarin dadaalkaas!

Danjire Sheikha Caaliya Axmed bin Saif Al Thani oo ka hadaleysay munaasabadda “Toddobaadkii Labaad ee La Dagaallanka Argaggixisata ee QM” ayaa sheegtay in dowladdeeda ka go’an tahay inay si buuxda gacan uga geysato ka hortagga argagixisada Soomaaliya.

Horraantii bishii Juun 2017, ayaa Soomaaliya oo la wadaagto Jasiirada Carbeed xidhiidh qoto dheer ka mid noqotay dalal fara-kutiris ah oo dhexdhexaad ka noqday khilaafkii khaliijka kaddib markii ay xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka u jareen xidhiidhka dalka Qadar. 

Dooxa ayaa ka soo baxday meel aan laga filayn una fidisay Soomaaliya taageero dhinacyo badan leh. Balse dhaawacyada halista ah ee ku waxyeelloobay weerarrada xagjirka oo ay Qadar daadgurayso ayey ku hanatay quluubta dadka Soomaaliyeed.

Su’aashu waxay tahay, maxay Dooxa ku soo kordhin kartaa la dagaallanka argaggixisada oo uu Mareykanku la tacaalayay in ka badan muddo toban sano? Maxaase looga naadiyay qorshe ku fiicnaa qarsoodi fagaare caalami ah?

Shaacinta qorshaha Qadar waa diginin loo dirayo hay’ado maxalli ah iyo kuwa caalami ahba oo ku lug leh fidnada, ganacsatada iyo sirdoonkaba.

Sideedaba argaggaxisada Soomaaliya waxaa loo qaybin karaa dhowr nooc: (1) Kooxda Al-Shabaab; (2) Koox sirdoonka deriska iyo kuwo caalami ahba ay ka dambeeyaan; (4) Kooxda Daacish; iyo (3) Kooxo qawlaysato maxalli ah (local gangs). 

Qorshe Fashilay

Jiilaalkii dhawaa ayaa Ku-simaha Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Christopher Miller booqasho lama filaan ah ku yimid Soomaaliya ugana sii gudbay dalka Qadar xilli walaac ka taagnaa qorshaha dib u celinta ciidamada dalkiisa ka jooggay Soomaaliya. 

Mar dambe waxaa soo baxday in Christopher Miller uu watay qorshe lagu bilaabayo wadahadallo lala yeesho argagixisada Al-Shabaab. Fikraddaas waxaa la oggaa Kash Patel oo waqtigaas ka hayey jago sare Guddiga Amniga ee Aqalka Cad. 

Safarka Miller ee Dooxa waxuu ahaa inuu ku qanciyo mas’uuliinta Qadar inay wadahadal la furaan argaggixisada Soomaaliya. Sida uu qoray wargeyska “New York Times,” Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mike Pompeo oo aan lala socodsiin qorshaha ayaa ganafka ku dhuftay hawshii oo qabya ah (New York Times 11/11/2020).

Inkastoo Ajendaha maamulka Joe Biden uu ka duwan yahay kii Donald Trump, haddana ku dhawaaqidda Qadar waxay u muuqataa tab lagu wajihi doono argaggixisada oo ay iska kaashanayaan Dooxa-Muqdisho-Washington. 

Tab Cusub

War uu qoray wargays Military Defense ayaa sheegaya in wada xidhiidh gaar ah uu ka dhex socdo taliska ciidamada Africom iyo madaxda rayidka ah ee Pentagon, kaasoo looga hadlayo sidii dib loogu soo celin lahaa ciidamadii uu Donald Trump kala baxay Soomaaliya (Military Defense 29/06/2021).

Hadalleedii Ergayga Qadar waxaa ka mid ahaa in Dooxa xitaa weydiisatay dawladaha kale inay kasoo qaybgalaan sanduuqa tababbarrada iyo dhaqan-celinta (rehabilitation) dhallinyarada u dagaallamaysa argagixisada inta aan shaqo la geen.

Doorka Dooxa ayaa u muuqdaa inuu yahay adeegsiga habab cusub oo ku tiirsan tikniloojiyada casriga ah si loola socdo dhaqdhaqaaqa iyo isgaarsiinta argaggixisada, inkastoo wax ka qabashada argaggixisada ee habka amniga aysan kaligood ku filnayn.

Dooxa waxay leedahay khibrad diblomaasiyadeed oo ay ku wajahdo arrimaha xasaasiga ah waxayna sheegtay inay hagaajinayso xaaladaha dhaqaale ee dhallinyarada iyadoo adeegsaneyso fursado shaqo abuur, waxbarasho iyo isboortigaba si loo horumariyo dhaqanka nabadda iyo dulqaadka.

Walow intaba ay yihiim muhiim, halka dhibaatada ka haysato dalka waa caddaalad darrada baahsan. Ilaa ay hay’addaha caddaalada iyo amniga ka noqdaan kuwa sugi kara baahida dadweynaha, argaggisixada ma weyn doonto dad ay ku qanciso in dhabbaheedu yahay midka toosan.

Waxaa xaqiiq ah in khatarta argaggixisada ay hoos u dhacday marka loo eego sanadihii tegay (Africa Center for Strategic Studies – 29/01/2021). Balse waxaa muhiim ah in culumada diinta iyo hoggaamiyeyaasha dhaqankaba door muuqda laga siiyo si kor loogu qaado garaadka bulshada, ololaha la dagaallanka argaggixisadana uu u noqdo mid nabad waarta dhala.

AFEEF: Fikradaha lagu dhiibto bartaan waa kuwa qoraaga u gaar ah, oo aan matalin kuwa wargayska, guddiga tifaftirka ama shaqaalaha.

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments