Saturday, May 4, 2024
Home Siyaasadda Xasan Sheikh Maxamuud oo Dib u Qoray Taariikhda Siyaasadda Soomaaliya

Xasan Sheikh Maxamuud oo Dib u Qoray Taariikhda Siyaasadda Soomaaliya

Jamhuriyadda

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Axadda May 16, 2022 loollan adag loogu doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya, kaddib markii uu wareeggii 3aad uga badiyay ku dhawaad saddex dalool labo (65% ) codadkii la dhiibtay, Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo helay 33% cod. 

Dimuqraadiyada nugul ee Soomaaliya ayaa mar kale ka badbaaday imtixaan muhiim ah. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la daalaa dhacay sidii uu uga dhabeyn lahaa ballanqaadkiisii 2017kii ee ahaa inuu noqon doono madaxweyne ka duwan kuwii ka horreyay. 

Wareegga koowaad ee doorashada waxaa ku soo baxay, Saciid Cabdullahi Deni 65 cod, Maxamed Cabdullahi Farmaajo 59 cod, Xasan Sh. Maxamuud 52 cod, iyo Xasan Cali Khayre 47 cod.  Wadarta codka ay heleen afarta musharrax waxay ahayd 223 oo u dhigantay 68%. Waxaa qaldamay ilaa 21 cod, halka xildhibaan uusan dhiiban codkiisii. 

Shariif Sheikh Axmed oo aad loo hadalhayay inuu soo bixi doono ayaa helay 39 cod keliya, taasoo codadka madaxbannaan ka dhigtay 32%. Codadkaas, oo ah kuwa had iyo jeer soo saara musharraxa ka soo horjeeda madaxweynaha xilka haya, ayaa doorashadii 2017 iyo 2012 kala ahaayeen 25% iyo 34%.

Doorashada oo ay ku tartameen ilaa soddon iyo toddobo (37) musharrax ayaa dalka gudihiisa ka sokow, isha lagu hayay gobolka Geeska Afrika, Khaliijka Carbeed, iyo dalalka Galbeedka, Turkiya, iwm.

Su’aasha hor taal madaxweynaha ayaa ah: Side  buu u beddeli doona habdhaqankii siyaasadeed ee maamulkii ka horreyay, iyo side buu u wajihi doonaa caqabadaha waaweyn oo hor yaal dalka oo ay ugu horreeyaan amniga iyo xaaladda abaareedka ba’an?

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu aqlabiyadda ku helay xulafo uu la sameeyay Siciid Cabdullaahi Deni, taasoo dad fara badani ka welwelsan yihiin saameynta taban uu Deni ku yeelan doono talada  Madaxweynaha la doortay. Dadweynaha waxay ka dheregsan yihiin in maamulka Deni uu yahay mid ku fashilay gobolkiisa.

Shaki kuma jiro, in Xasan Sheikh uu la kulmi doono caqabado waaweyn oo gudaha iyo dibaddaba leh. Balse, hubkiisa ugu weyn waxuu noqon doonaa khibraddiisii, maadaama uu ka warqabo musuqmaasuqa siyaasadeed iyo ballanqaadyada madhan ee siyaasiyiinta. 

Waxuuse fahamkiisa madaxtooyada u adeegsan karaa inuu saxo meertada joogtada ah ee isqabqabsiga hoggaanka, iyo siyaasadda aargoosiga ku qotonta, waxna ka beddeli karaa hannaanka go’aan gaarista oo leh hufnaan dheeraad ah, iyo inuu awoodda u wareejiyo golaha wasiirada iyo hay’adaha kale ee muhiimka u ah dowlad wanaagga. 

Waxaa lagu dhaliilaa inuu ahaa nidaam-diid (anti-establishment) iyo ciidamo-diid. Si Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) uu u noqdo xoog awood difaac leh waa inuu ebyo dibudhisiddiisa si ciidanku u helo awood uu iskaga caabbiyo duullaan kasta una gurmado waqtiga nabadda marka dalka ku habsato abaar ama balo Alle. 

Haseyeeshee, xilka ugu horreeyo oo uu dadweynaha waqtigan ka sugayo XDS waa inuu dalka ka xureeya ururrada argaggaxa Al Shabaab iyo Daacish oo manta ka taliya dhammaan badida dalka.

Xoogga dalka tayayntiisa iyo dibudhiskiisa waxuu ku tiirsanaa una hagarbaxayay dalalka Maraykanka, Turkiga, iyo Qadar.  Iskaashiga amniga dalka kala dhexeeya dalalkan waxuu u baahan in sare loo qaado.

Dowladaha Galbeedka iyo Midowga Yurubba waxay aaminsan yihiin inaysan Soomaaliya u baahnayn ciidan aan ka badnayn dhowr kun iyagoo ka welwelayo dowladaha ay ka mid ka yihiin Kenya iyo Itoobbiya oo danahooda aad ugu xiran yihiin.

Dal aan degganaan (istiqraar) lahayn ma hormari karo shaqna ma abuuri karo iska daa in maalgelin shisheeye uu soo jiito ama la soo baxo khayraadka ceegaaga guntiisa iyo guudka dhulkiisa. 

Mudnaanta siyaasadda dibadda waa inay noqotaa mid dhexdhexaad ah  oo ku tiirsan dawladaha u hagarbaxa dalka kana fog in hayin loo noqdo dalal aan la ogayn inay dalka qar ka tuurayaan. 

Dalku waxuu galay marxalad siyaasadeed oo cusub, doorashaduna waxay ahayd mid aan la saadaalin karin. Soomaaliya marna dib loogama dooran madaxweyne laba jeer Xasan Sheikh Maxamuud ka hore.

Saddex isbeddel oo waaweyn ayay doorashada xaqiijisay. Marka hore, waxaa caddaatay in awood dalka aan lagu heli karin xoog ujeeddo kastaba ha ka dambeeyse. Marka labaad, mucaaradka waxuu markii ugu horreysay taariikhda siyaasadda Soomaaliya gacanta ku dhigay hoggaanka labada aqal ee baarlamaanka 11aad iyo madaxtooyadaba. Marka saddaxaadna waxaa dhabowday in dimuqraadiyad aysan hirgeli karin caddaalad ilaaliso la’aanteed. 

Maqaalka waxaa laga yaabaa inuusan u qorneyn qaabkiisii ugu dambeyay oo waa la cusbooneysiin karaa ama dib loo eegi karaa mustaqbalka. Masawirka: Internetka ayaa laga soo amaahsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Shirweynaha QM – Hoggaamiyeyaasha Caalamka oo Kulmay Dunida oo Qalalaase Hareerayey

Jamhuriyadda Shirkii 78aad ee Qaramada Midoobay (QM) oo ay ka maqan yihiin 4 ka mid ah 5 xubnood...

Casharradii Laga Bartay Goobaha Dagaalka Argaggixisada

Jamhuriyadda Dagaal dhiig badan ku daatay oo Xoogga Dalka Soomaaliya (XDS) ku qabsaday Cawsweyne August 26, 2023, ayaa...

Could an Expanded Brics Make the G20 Irrelevant?

By Marco Carnelos With the addition of six new countries - and possibly more to come - the...

Duulaan Wadareedka Safka Hore, Waa Dhalanteed Aan Suuraggal Ahayn

Jamhuriyadda - Magaalada Ceel Buur oo kusoo noqotay gacanta dowladda ayaa dagaalka Al-Shabaab ee Galmudug u rogaysa mid u jahaysan gobollada Jubbaland...

Recent Comments